XAYDKA IYO NIFAASKA MAXAA KA XAARAAN AH :
Dumarka xaydka iyo nifaaska leh waxa ka xaaraan ah dhammaan wixii qofka jinaabaysan ka xaaraan ahaa ee aan hore u soo sheegnay (eeg baabka qusulka). Waayo dhammaan saddexdooduba waxay ka mid yihiin xadathka wayn. Waxa dumarka xaydka iyo nifaaska leh intaa u dheer oo ka xaaraan ah iyana arimaha soo socda:
1. Soonta: Haweenka xaydka iyo nifaaska leh soonta looma ogola. Haddii ay soomaan iyagoo xayd leh (bisha Ramadaan) soontooda waxba kama jiraan oo waa soon baadil ah. Wixii soonta Ramadaan ah ee dhaafana way soo bedayaan (qallaynayaan). Hase yeeshee, salaadda qallaynmaayaan oo Ilaahay caza wajala wuu ka dhaafay. Abii Saciid alKhuduriyi waxa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam ayaa u baxay musallaha salaad Ciiddii Udxada ama Fidirka ahayd. Markaasuu soo ag maray dumar kuna yidhi: “Haweenyow sadaqaysta waayo waxaan arkay inaad dadka Naarta ugu badan tihiin.” Waxay yidhaahdeen: Maxaa noogu wacan Rasuulkii Allow? Wuxuu yidhi: “Lacnadda ayaad badisaan, qoyskana waad dafirtaan1 . Manaan arag cid idinka caqli iyo Diin yar oo idinka jiidan og qalbiga ninka fariidka ah ee xoogga badan.” Waxay yidhaahdeen: Rasuulkii Allow maxay tahay nuqsaanta caqligayaga iyo Diintayada ku jirtaa? Wuxuu yidhi: “Miyaanu markhaatiga gabadhu ahayn midka ninka nuskii?” Waxay yidhaahdeen: Waa dhab. Wuxuu yidhi: “Waxay sidaasu ku dhacday nuqsaanta caqligeeda dartii. Wuxuu haddana yidhi: “Miyaan salaadda iyo soonka laga dhaafin hadday xayd leedahay?” Waxay yidhaahdeen: Waa dhab. Wuxuu yidhi: “Sidaa weeye nuqsaanta Diinteeduna.” (Al-Bukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey).

Mucaadah waxay tidhi: Hooyo Caa’isha (Ihkra) ayaan waydiiyey: “Maxaynu soonta u qallaynaa ee aynu salaadda u qallayn waynay? Waxay tidhi: “Anagoo Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam la joogna haddii uu xayd nala kulmo, wuxuu na fari jiray in aanu soonta qallayno, salaaddana aanaan qallaynin.” (Jamaacada ayaa soo werisay).
1- Wixii wanaag iyo samafal ah ee haweenka ragoodu u falo ma qiraan mana aqoonsadaan ee inta badan way inkiraan.
Galmada: Dumarka xaydka iyo nifaaska leh in loo galmoodo waa xaaraan ilaa ay ka maydhaan siduu Ijmaaca culimadu qabo kuna cad Qur'aanka iyo Sunnaha Rasuulkaba Salallaahu caleyhi wasalam .
Anas waxa laga soo weriyey in aanay yuhuuddu dumarkooda u galmoon jirin waxna la cuni jirin markay caadada helaan. Asxaabtii ayaa arrintaa Rasuulka Alle caza wajala waydiiyey markaasuu Alle caza wajala soo dejiyay Aayaddan: Waxay ku waydiin caadada haweenka, dheh waa dhib ee ka fogaada haweenka caadada leh hana u dhowaanina intay daahir ka noqonayaan. Markay daahir noqdaanna ugu galmooda siduu Alle idin faray, Allena waa kii jecel kuwa toobad keenka ah, wuxuu jecel yahayna kuwa isdaahiriya (Al-baqarah: 222).
. Rasuulkuna Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yidhi: “Wixii aan galmo ahayniba way idiin bannaan yihiin (markay xaydka leeyihiin).” (Jamaacada ayaa soo werisay al-Bukhaari mooyee).

An-Nawawii oo arrintaa ka faaloonayaa wuxuu yidhi: “Qofkii rumaysan in ay xalaal tahay in haweenka xaydka leh loo galamoodo wuxuu noqonayaa kaafir murtad ah. Hase yeeshee, qofkii rumaysan in ay arrintaasu xaaraan tahay laakiin sidaa fala isagoo ilowsan ama jaahil ka ah ama aan ogayn inay xaaskiisu xayd leedahay dembi ma raaco, kafaarona lagu yeelanmaayo. Ninkii sidaa u kas u fala isagoo og inay xaaskiisu xayd leedahay in loo galomoodaana ay xaaraan tahay, wuxuu noqonayaa qof macsi weyn galay waxa ku waajibtayna inuu toobadkeeno. Inay kafaaro ku waajibto qofkaa iyo in kalena culimadu laba ra’yi ayay ka qabaan. Midka ugu saxsanina waa in aanay kafaaro ku waajibin. An-Nawawi wuxuu yidhi: Culimada qaybta labaad waxay qabaan inay ninka u bannaan tahay inuu ku raaxaysto wixii xundhurta ka sareeya ruugaggana ka hooseeya. Waana sida Ijmaaca culimadu qabo inay bannaan tahay. Nooca saddexaadna ninku wuxuu ku raaxaysan karaa wixii xundhurta iyo ruugagga u dhexeeya marka laga reebo farjiga1 iyo dabada. An-Nawawi wuxuu isagu doortay inay arrintaasu bannaan tahay laakiin ay karaahiyo ku jirto. Dadliilka sidaa tilmaamayaana wuxuu yahay Xadiis Xaasaska Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam laga soo weriyey oo ah: “Haddii uu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam ه wax u doonto xaaskiisa xaydka leh farjiga ayuu maro saari jiray.” (Abuu Daa’uud ayaa soo weriyey, al-Xaafidna wuxuu yidhi sanadkiisu wuu xoogan yahay).
Masruuq bin al-Ajdac wuxuu isna yidhi: Caa’isha ayaan weydiiyey: Maxaa ninka u bannaan markay xaaskiisu xaydka leedahay? Waxay tidhi: “Wax walba farjiga mooyee.” (Al-Bukhaari ayaa ku soo weriyey kitaabkiisa at-Taariikh).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

788962
Today
Yesterday
All days
1578
779
788962
2024-12-21 16:50

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6766f1c34563d7443990701734799811
title_6766f1c34571312439664731734799811
title_6766f1c3457e312847851741734799811
title_6766f1c3458b011592362901734799811
title_6766f1c34597b13360613691734799811
title_6766f1c345a4f17085539001734799811

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6766f1c3467b39815314851734799811
title_6766f1c3468857586840251734799811
title_6766f1c34695317498034581734799811
title_6766f1c346a2a17525905571734799811

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com