DHABAR-FURANKA :
Haweenka uu dhiigga caadadu ku dheeraado ee waqtigii caadiga ahaa la dhaafo waxay u kala baxaan saddex nooc: 1. Haddii ay gabadhu taqaanno muddada dhiiggu caadi ahaan ka socdo, wixii muddadaas dheer waxay u ictiqaadaysaa xayd mudadiisii dhaafay oo aan caadi ahayn. Sidaas waxa inoo caddaynaya Xadiiska Ummu Salamah (Ihkra) laga soo weriyey mar ay Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam ka waraysatay gabadha caadadu ku dheeraato inuu yidhi: “Waxay qiyaasaysaa habeenada iyo maalmaha uu ka socon jiray intay ahaayeen iyo meeshay bisha kaga beegnaayeen. Waqtigaa salaad tukan mayso. Intaa wixii ka dambeeyana intoo ay maydhato oo ay farjiga gufayso ayay tukanaysaa.” (Maalik, ash-Shaafici iyo Shanta Imaam ayaa soo weriyey at-Tirmidi mooyee. AnNawawina wuxuu yidhi sanadkiisu waa ku saxiix qiyaasta labada Sheekh).
1- Alaabta haweenka. Al-Khaddaabi wuxuu yidhi: Sidaas weeye xukunka gabadha taqaanna caadi ahaan intuu bisha gudeheeda dhiiggu ka socdo markay caafimaadka qabto. Haddii gabadha sidaas ah ay caadadu ku dheeraato oo uu dhiiggu la dhaafo muddadii caadiga u ahayd, wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam armaray inay salaadda dhaafto muddadii bisha gudeheeda caadada u ahayd. Markay maalmahaa dhamaysato wixii dheeraad ku ah haddii uu dhigu ka joogsan waayo, way maydhanaysaa waxay u dhaqmaysaana sidii gabadh caadi ah.
2. Midda labaad waxay khusaysaa gabadha caadadu ku dheeraato ee aan aqoon u lahayn caadi ahaan intuu dhiiggu ka socdo. Sida gabadh ilawday intii caadada u ahayd ama gabadh yar oo hadda baaluqday oo aan midabyada dhiigga caadada kala sooci karin. Haweenkaasu waxay tirsanayaan lix ama toddoba maalmood oo ah intuu caadi ahaan xaydku haweenka ka socdo. Ximnah bintu Jaxash waxay tidhi: “Waxaan ahaa gabadh uu dhiigga caadadu ku dheeraado aadna uu uga socdo. Markaasaan Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam u imi si aan ugu sheego ugana waraysto. Waxaan maalin ka helay guriga walaashay Zaynab bintu Jaxash. Markaasaan ku idhi: Rasuulkii Allow dhiigga caadada ayaa igu dheeraada xoogna iiga socda oo salaaddii iyo soontii ii diiday ee maxaan falaa? Wuxuu yidhi: “Cudbi (suuf) dhiigga nuuga ku xidh.” Waxay tidhi: Waxaa wuu ka badan yahay. Wuxuu yidhi: “Gufee.” Waxay tidhi: Waa dhiig xoog badan. Wuxuu yidhi: “Waxaan ku farayaa laba arrimood oo tii aad kartaaba ay kugu filantay. Labada tii kuu roonna adaa og” Wuxuu ku yidhi oo kale: “Waana haraati (dambaabidho) shaydaan. Markuu xaydku kaa socdo lix ama toddoba maalmood hadba intuu Alle garto, maydho ilaa aad aragto inaad daahir noqotay saafi ah. Dabadeeto tuko oo soon saddex iyo labaatan ama afar iyo labaatan maalmood iyo habeenkood. Sidaa ayaa kugu filan inaad fasho bil walba, sida haweenka caadada helaaba xaydka u tirsadaan ugana maydhaan. Haddii aad awoodi karto salaadda Duhurka dib u dhig, oo intaad maydhato Duhur iyo Casar isku jamci oo mar wada tuko. Haddana salaadda Maqribka dib u dhig, oo intaad maydhato Maqrib iyo Cishe isku jamci oo mar wada tuko. Salaadda Fajarkana intaad maydhato tuko. Sidaa ayaad u tukunaysaa una soomaysaa haddaad karto. Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Labada hab kan ayaan anigu jececlay.” (Waxa weriyey Axmad, Abuu Daa’uud iyo at-Tirmidi oo isagu yidhi waa xasan Saxiix. Wuxuu yidhi oo kale at-Tirmidi waxaan Xadiiskan weydiiyey al-Bukhaari oo yidhi waa xasan. Axmad Ibnu Xanbalna wuxuu yidhi waa xasan Saxiix).
Al-Khaddaabi oo Xadiiskaa ka faalooday wuxuu yidhi: Arrinta kor ku qeexani waxay khusaysaa gabadha hadda baaluqday ee aan lahayn maalmo u caado ah, isla markaana aan midabyada dhiigga kala sooci karin. Wuxuu gabadhaa Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam faray inay u dhaqanto sida haweenka badankoodu u dhaqmaan oo ah inay guud ahaan bishii mar keliya caadada helaan. Sidaa wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam ku caddeeyay qawlkiisa aan hore Xadiiska ugu soo sheegnay ee ahaa: “Sida haweenka caadada helaaba xaydka u tirsadaan ugana maydhaan.” Al-Khaddaabi wuxuu raaciyey intaa inuu yidhi: Sidaa ayaa assal u ah loogana qiyaas qaadanayaa dhammaan amuuraha haweenka khuseeya oo dhan. Sida xaydka, uurka, qaan-gaadhka iyo dhammaan wixii la mid ah.
3. Haddii aanay gabadhu lahayn caado u go’an, laakiin ay kala sooci karto midabyada dhiigga waxay adeegsanaysaa midabka dhiigga. Sida Fatimah bintu Abii Xabiish laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam ku yidhi markay caadadu ku dheeraatay sidaan hore u soo sheegnay: “Haddii uu kii xaydka yahay (dhiiggu) waa madow, waana la garan karaa. Haddii uu noocaa yahay salaadda ha tukan. Haddii uu nooc kale yahayna weysayso oo tuko waa dhiig xidid ka yimide.” Xukunkeeda: Haweenka ay caadadu ku dheeraato xukunkoodu waa sida hoos ku qeexan:
1) Haweenka uu dhabar-furanku ku dhaco (caadadu ku dheeraato) kumay waajibin inay qusul sameeyaan oo u maydhaan salaadda iwm,. Hase yeeshee, markuu dhiiggu ka joogsado ama waqtigii caadada u ahaa dhamaado waa waajib inay maydhato sida badanka culimada jiilkoodii hore iyo kooda dambeba ay qabaan.
2) Salaad walba waa inay u waysaysato gabadha uu xaydku ku dheeraado, siduu Imaam al-Bukhaari ka soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Dabadeetana u weysayso salaad walba.” Imaam Maalikna wuxuu qabaa inay mustaxab tahay oo keliya in salaad walba ay u weysaysato oo haddii aany weysa jabin ay weysadii hore ku tukan karto. 3) Waa inay farjigeeda maydho weyso kasta ka hor oo ay mashbaqad iwm,. xidhato. Haddii ay taasu dhiigga xejin weydo waxa habboon inay gufayso.
4) Waa in aanay weysaysan waqtiga salaadda ka hor sida culimada badnkoodu (alJamhuur) ay qabaan. 5) Culimo badani waxay banneeyeen in dumarka caadadu ku dheeraato ay raggooda u galmoon karaan, maadaama aan daliil arrintaa ka soo hor jeedaa jirin. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi: “Haweenka ay caadadu ku dheeraato raggooda way u galmoon karaan, waayo salaadda oo ka weynba wey tukan kartaa.” Al-Bukhaarina wuxuu yidhi: “Haddii loo ogol yahay inay tukato iyadoo uu dhiiggu ka socda, maxaa u diidaya ninkeeda inay u galmooto.” Cikrimah bint Xamnah iyadana waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Ninkeedu wuu u galmoon jiray markay caadadu ku dheeraato.” (Abuu Daa’uud iyo al-Bayhaqi ayaa soo weriyey. An-Nawawina wuxuu yidhi: Sanadkiisu waa xasan).
6) Haweenka xaaladdaa ku jira xukunkoodu waa xukunka qofka daahirka ah oo kale. Salaadda, soonka, ictikaafka, akhriga Qur'aanka, taabashada Musxafka iyo qaadiddiisa iyo cibaado oo dhan waxay culimadu isku waafaqday in loo ogol yahay. Waayo dhiigga haweenka ka socda marka waqtigii caadiga ahaa la dhaafo waa dhiig caadi ah oo aan ahayn kii xaydka.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

673833
Today
Yesterday
All days
321
841
673833
2024-09-08 04:17

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dd253bc52ac21136276701725769019
title_66dd253bc53cb3930041811725769019
title_66dd253bc54d019428887661725769019
title_66dd253bc55cb330940661725769019
title_66dd253bc56cf7102437161725769019
title_66dd253bc57c613267920291725769019

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dd253bc672f10899812011725769019
title_66dd253bc681612519978081725769019
title_66dd253bc68f910914904351725769019
title_66dd253bc69d819905748101725769019

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com