GAGABAYSIGA:

Gagabaysigu waa ula kac ama qasdi uu qofku qasdiyo inuu Ciidda ku masaxo wejiga iyo gacmaha, isagoo ula niyoonaya inuu isu diyaariyo salaad iyo wixii la mid ah. Daliilkiisana waxa laga soo xigtay Qur'aanka, Sunnaha iyo Ijmaaca culimada intaba. Dhinaca kitaabka Qur’aanka ah: Wuxuu Alle yidhi caza wajalla  :Haddii aad buktaan ama aad safar tihiin ama aad saxarootaan ama aad dumar taabataan oo aydinaan biyo helaynin, ku gagabaysta carro wanaagsan kuna masaxa wajigiina iyo gacmihiina Eebbena waa Cafiye Dembi-dhaafe ah . (An-Nisaa’: 43). م Rasuulka Sunnaha Dhinaca Wuxuu Abii Umaamah sheegay (Ihkra) inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Wuxuu dhulka korkiisa dhammaan Alle nooga yeelay aniga iyo Ummadayda Masjid iyo dahaarad (mid wax nadiifiya). Sidaas darteed, qofkii Ummadayda ka mid ahi wuxuu ka helayaa meeshii ay salaaddi ugu soo gashaba wax uu isku daahiriyo (ciidda).” (Axmad ayaa soo weriyey).  . Dhinaca Ijmaaca: Dhammaan culimada Muslimku waxay isku waafaqday inuu gagabaysigu sharci yahay, isla markaana beddeli karo weysada iyo qusulka marka ay arrimo gaar ahi dhacaan.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1465572
Today
Yesterday
All days
1235
2440
1465572
2026-01-13 17:52

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6966864162a4c16712965831768326721
title_6966864162ab76983581551768326721
title_6966864162b0910179402571768326721
title_6966864162b575847069671768326721
title_6966864162ba417947357361768326721
title_6966864162bef21221688891768326721

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6966864175d0c293112631768326721
title_6966864175d5f2078584531768326721
title_6966864175d8f20653998441768326721
title_6966864175ddc2419560601768326721

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com