FIQHI CIBAADAAT


 twahara


ARRIMO QUSULKA LA XIDHIIDHA
1. Haddii ay xayd iyo jinaabo ku kulmaan qof waxa kefeeya qusul keliya. Sidoo kale, maalin Jimce iyo Ciidi haddii ay kulmaan, ama jinaabo iyo Jimce ku wada kulmaan qof waxa kefeeya qusul keliya haddii uu niyaysto inuu labadaba mar ka wada maydho. Haddii u qof jinaabo ka maydho (qusul) laakiin aanu weysaysan qusulka ayaa ku filan umana baahna inuu weysaysto. Caa’isha (Ihkra) waxay tidhi: “Rasuulku salallaahu caleyhi wasalam qusulka dabadii muu weysaysan jirin.”
Ibnu Cumar isaguna (Ihkra) wuxuu ku yidhi nin u sheegay inuu weysaysto qusulka dabadii: “Waad ku fogaatay.” Ibnul Carabii isaguna wuxuu yidhi: “Culimadu iskumay khilaafin inay weysadu hoos timaado (la socoto) qusulka. Isla markaana inay niyadda ka maydhashada jinaabada la socoto niyadda weysadu. Waayo waxyaabaha ay jinaabadu qofka ka hor joogsato (u diido) ayaa ka badan kuwa weysa la’aantu ka hor joogsato. Sidaas darteed, ayay niyadda shayga yari ugu hoos jirtaa niyadda shayga weyn una kafaala qaadanysaa.
2. Waxa u bannaan qofka jinaabaysan inuu timaha xiiro, ciddiyaha iska guro iyo inuu suuqa u baxo. Cadaa’ waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Qofka jinaabayasan waxa u bannaan toobinka, ciddiyaha inuu iska guro ama timaha xiiro xatta haddii aanu weysaysan.” (Al-Bukhaari ayaa soo weriyey)
3. Way bannaan tahay inuu qof (lab) isticmaalo xamaamka1 dadweynaha ka dhexeeya haddii aan cidi cawradiisa arki karin, isaguna aanu cawro qof kale arki karin. Imaam Axmad wuxuu yidhi: Haddii aad og tahay in dhammaan dadka xamaamka ku jira ay cawradoodu qarsoon tahay gal, haddii kale ha gelin.” Rasuulkana salallaahu caleyhi wasalam waxa laga soo tebiyey inuu yidhi: “Ninku waa in aanu eegin cawrada nin kale, gabadhuna waa in aanay eegin cawro gabadh kale.” In Alle la xuso marka xamaamka dadweynaha ka dhexeeya lagu jirana waxba kuma jabna. Waayo In Alle la xuso xaalad kasta oo lagu jiro way fiican tahay, maadaama aanu jirin daliil arrintaa inaga mamnuucayaa. Rasuulkuna salallaahu caleyhi wasalam wuu xusi jiray Alle xaalad kasta oo uu ku jiroba.
4. Waxba kuma jabna inuu qof tuwaal ama maro kale jidhka ku qalajiyo
qusulka ama weysada dabadeed gu' iyo jiilaalba.
Way bannaan tahay inuu nin qusul u isticmaalo biyaha ka hadhay qusulka xaaskiisa, gabadhuna sidoo kale. Sidoo kale, waxa u bannaan inay weel keliya ka wada maydhaan labadooduba. Ibnu Cabbaas waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Xaasaskii Rasuulka salallaahu caleyhi wasalam mid ka mid ah ayaa biyo weel ku jiray qusul kaga maydhatay. Markaasuu Rasuulki salallaahu caleyhi wasalam yimi oo damcay inuu ku weysaysto ama ku maydho. Waxay ku tidhi: Rasuulkii Allow waan jinaabaysnaa! Wuxuu yidhi: “Biyuhu jinaabo ma yeeshaan.” (Axmad, Abuu Daa’uud, iyo an-Nasaa’i ayaa soo weriyey, at-Tirmidina wuxuu yidhi waa xasan Saxiix).
5. Ma bannaana inuu qof ku hor maydho dad kale isagoo qaawan, waayo Diinta Islaamku way xaaraantimaysay in cawrada la muujiyo. Laakiin haddii uu qofku maro iyo wax la mid ah isku asturo waxba kuma jabna. Faadimah (Ihkra) waxay Rasuulka salallaahu caleyhi wasalam ku asturi jirtay maro, markuu maydhanayo. Qofkii aragtida dadka ka fogaada ee isagoo qaawan maydha iyadoo aan cidi arkaynin isna waxba kuma jabna. Waayo siduu al-Bukhaari soo weriyey Nebi Muuse c.s.w. wuxuu Xamaamka dadweynaha ka dhexeeyaa wuu ka gedisan yahay musqusha caadiga ah oo ma laha meel lagu kaadhjo ama lagu saxaroodo ee waxa loogu tala galay maydhasho keliya. Hase yeeshee, waxa mudan kana saxsan in biyaha weysada ama qusulka lagu dhaafo jidhka oo aan laga qallajin haddii aan dhibaato jirin, sidaan ku soo sheegnay xadiiska Maymuuna laga soo weriyey.
Waxay u xidhi jirtay maro ay sida sitaaradda ama daaha ugu xidho si aan cidi u arkin. maydhay isaga oo qaawan oo aan cidi arkaynin. Abuu Hurayrana (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Nebigu salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Isagoo Nebi Ayuub qaawan oo maydhanaya ayaa kiish dahab ahi ku soo dhacay kolkaasuu maryihiisii ku orday. Markaasuu Rabbigii ku yidhi: Miyaanan ahayn kii kaa baahi tiray sidaad ahayd. Wuxuu yidhi: Mayee weynidaadaan ku dhaartee waad I baahi tirtay, laakiin kama kaaftoomayo barakadaada.” (Axmad, al-Bukhaari iyo an-Nasaa’i ayaa soo weriyey).


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

788962
Today
Yesterday
All days
1578
779
788962
2024-12-21 16:50

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6766f1c34563d7443990701734799811
title_6766f1c34571312439664731734799811
title_6766f1c3457e312847851741734799811
title_6766f1c3458b011592362901734799811
title_6766f1c34597b13360613691734799811
title_6766f1c345a4f17085539001734799811

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6766f1c3467b39815314851734799811
title_6766f1c3468857586840251734799811
title_6766f1c34695317498034581734799811
title_6766f1c346a2a17525905571734799811

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com