FIQHI CIBAADAAT


 twahara


QUSULKA HAWEENKA

Qusulka haweenku waa la mid ka ragga. Hase yeeshee, dumarka waxa u bannaan in aanay timaha tidcan (daban) furfurin haddii ay biyuhu gaadhayaan timaha guntooda. Sidaa wuxuu Rasuulku salallaahu caleyhi wasalam inoogu caddeeyay Xadiis Ummu Salamah (Ihkra) laga soo weriyey inay gabadhi waydiisay Rasuulka Alle salallaahu caleyhi wasalam oo tidhi: “Rasuulkii Allow waxaan ahay gabadh timaheedu tidcan yihiin miyaan furfuraa markaan jinaabada ka maydhanayo? Wuxuu yidhi: “ Maya, waxa kugu filan inaad saddex goor baabacooyinka muggood oo biyo ah ku shubto madaxa, dabadeetana aad jidhka intiisa kale maydho. Markaad sidaa fasho daahir ayaad tahay.” (Axmad iyo Muslim ayaa soo weriyey iyo at-Tirmidi oo yidhi waa xasan Saxiix)

Cubayd bin Cumayr (Ihkra) wuxuu yidhi: “Waxa Caa’isha (Ihkra) soo gaadhay inuu Cabdullah bin Cumar haweenka farayo inay timaha tidcan furfuraan markay qusul samaynayaan. Waxay tidhi: Waa arrin layaab leh inuu Ibnu Cumar haweenka ku amro inay timaha tidcan furfuraan markay qusul maagaan. Muxuu ugu amri waayay inay xiiraanna? Aniga iyo Rasuulku salallaahu caleyhi wasalam waxaanu ka wada maydhan jirnay weel keliya, kamanaan badin jirin saddex sacab oo biyo in aan madaxayga ku shubo.” (Axmad iyo Muslim ayaa soo weriyey).

Waxa mustaxab ah haweenayda xayd ama nifaas ka maydhanaysa inay cudbi yar ama wax la mid ah cadar mariso oo ay meelihii dhiiggu maray la raacdo si ay urta dhiiggu uga tirtiranto. Caa’isha (Ihkra) waxa laga soo weriyey inay Asmaa’ bint Yaziid Nebiga salallaahu caleyhi wasalam ka waraysatay qusulka gabadha xaydka leh. Wuxuu yidhi: “Waxay ku maydhanaysaa biyo celeen gob leh, waanay weysaysanaysaa, dabadeetana biyaha ayay madexa ku shubaysaa oo xoog ugu masaxaysaa ilaa ay biyuhu timaha guntooda gaadhaan. Kabacdina biyaha ayay isku gediyaysaa, dabadeetana cudbi cadar leh ayay isku nadiifinaysaa.” Asmaa’ waxay tidhi: Siday isgu nadiifinaysaa? Wuxuu yidhi: “Subxaanal-Laah! Way isku nadiifinaysaa.” Caa’isha oo codka hoos u dhigaysa si ay u qariso ayaa tidhi: Meelihii dhiiggu maray ayay la raacaysaa. Waxay Asmaa’ haddana waydiisay qusulka jinaabada. Wuxuu yidhi: “Biyo intoo ay qaado ha isku nadiifiso nadaafad buuxda ama dhamays-tiran (weyso). Dabadeetana biyaha madexeeda ha ku shubto hana ku masaxdo ilaa ay biyuhu timaha guntooda gaadhaan. Kabacdina jidhka oo dhan biyaha ha ku shubto.” Caa’isha ayaa markaa tidhi: Haweenka waxa u fiican haweenka Ansaarta., Xishoodkooda badani kama joojiyo inay Diintooda ku xeel dheeraadaan.” (Jamaacada ayaa soo werisay marka laga reebo at-Tirmidi).


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1465572
Today
Yesterday
All days
1235
2440
1465572
2026-01-13 17:52

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6966864162a4c16712965831768326721
title_6966864162ab76983581551768326721
title_6966864162b0910179402571768326721
title_6966864162b575847069671768326721
title_6966864162ba417947357361768326721
title_6966864162bef21221688891768326721

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6966864175d0c293112631768326721
title_6966864175d5f2078584531768326721
title_6966864175d8f20653998441768326721
title_6966864175ddc2419560601768326721

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com