FIQHI CIBAADAAT


 twahara


SUNNAYAASHA QUSULKA

Habka qumman ee Rasuulka laga soo tebiyey in qusulka loo sameeyo waa sidan:
1. Saddex goor in la faraxasho.
2. Istijo (farjiga oo la maydho) in lagu xigsiiyo.
3. Weyso dhan sida weysada salaadda oo lagu xigsiiyo. Haddii uu rabo qofku maydhidda cagaha wuu u ugu dambaysiin karaa.
4. Biyaha oo madaxa la wada gaadhsiiyo saddex goor iyadoo timaha faraha la dhex gelinayo si ay biyuhu u gadhaan timaha guntooda.
5. Jidhka oo dhammaan la wada maydho, laguna bilaabayo waaxda midig laguna xigsiiyo waaxda bidix, iyadoo kilinkilooyinka, dhegaha daloolkooda, xundhurta, faraha adimada dhexdooda iyo jidhka dhammaan inta la gaadhikaro biyaha la gaadhsiiyo. Caa’isha (Ihkra) waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Nebigu salallaahu caleyhi wasalam markuu jinaabada ka maydhanayo wuu faraxalan jiray marka hore, markaasuu biyaha gacanta midig ku jira gacanta bidixda ku gediyi jiray, dabadeetana intuu istijoodo ayuu weysada salaadda oo kale weysaysan jiray. Haddana intuu biyo qaado ayuu timaha salkooda faraha marin jiray ilaa uu arko inay biyuhu gaadheen timaha guntooda. Dabadeetana saddex goor ayuu biyo ku shubi jiray madixiisa iyo jidhkiisa kale oo dhan.” (Al-Bukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey). Riwaayad kalena waxay Caa’isha tidhi: “Gacmihiisa ayuu timaha dhexgelin jiray ilaa uu dareemo inay timaha guntoodu qoyday, dabadeetana saddex goor ayuu biyo isku gediyi
Labada Sheekh waxay Caa’isha (Ihkra) ka soo weriyeen oo kale inay tidhi: “Rasuulku salallaahu caleyhi wasalam markuu jinaabada ka maydhanayo intuu biyo dalbado oo uu sacabkiisa ku qaado ayuu madixiisa dhinaca midig ku bilaabi jiray, dabadeetana dhinaca bidix. Kabacdina intuu sacabbadiisa biyaha ku qaado ayuu madixiisa ku shubi jiray.”

Maymuunah (Ihkra) waxay iyana tidhi: “Nebiga salallaahu caleyhi wasalam ayaan biyo uu ku maydho (qusul) u dhigay, markaasuu faraxashay laba ama saddex goor oo uu gacntiisa midig biyihii ku jiray ku gediyay ta bidix dabadeetana istijooday. Intuu gacantiisa dhulka ku duugay ayuu luq-luqday oo sandaartay wejiga iyo gacmahana maydhay oo uu madixiisana saddex goor maydhay, ayuu jidhkiisa oo dhan biyo ku gediyey. Markaasuu meeshii uu taagnaa intuu ka yara dhaqaaqay cagihiisa maydhay. Waxay tidhi: Waxaan u keenay maro waanuu diiday oo wuxuu biyihii iskaga tir-tiry gacantiisa.” (Jamaacada ayaa soo werisay).


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1745919
Today
Yesterday
All days
674
3173
1745919
2026-05-29 17:55

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a19d30bbd49716274616661780077323
title_6a19d30bbd4e617242883951780077323
title_6a19d30bbd5316777279731780077323
title_6a19d30bbd57c18644028851780077323
title_6a19d30bbd5c6672063551780077323
title_6a19d30bbd6328911274721780077323

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a19d30bd6d1317212486801780077323
title_6a19d30bd6d626667207471780077323
title_6a19d30bd6dae8410518631780077323
title_6a19d30bd6df917202130851780077323

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com