FIQHI CIBAADAAT


 twahara


MASIXIDDA SHARABAADADA
Daliilka laga soo xigtay: Sharabaadada in korkooda la masaxo wuxuu daliilkeedu ku sugan yahay Sunnaha Rasuulka S.c.w.
An-Nawawi wuxuu yidhi dhammaan culimada Ijmaacu waxay isku raaceen inay bannaan tahay in la masaxo sharabaadada korkooda safar marka la yahay iyo negaanshoba, haddii baahi loo qabo iyo haddii kaleba. Xattaa haweenayda gurigeeda aan ka bixin iyo qof curyaan ah (aan socon karin) sidaa way fali karaan.
Shiicada iyo Khawaarijtu way inkireen arrintan iyagoo aan daliil sharci ah u cuskanin. Al-Xaafid Ibnu Xajar wuxuu yidhi dhammaan culimada Xadiiska xafidaa waxay qabaan inay masixidda sharabaadada korkoodu tahay arrin si isdaba joog ah axaadisteeda loo soo tebiyay (mutawaatir). Culimada qaar ayaa ururiyey Axaadiista arrintaa ku soo aroortay, kuwaas oo tiradoodu kor u dhaaftay siddeetan, oo ay kuna jiraan Axaadiis laga soo weriyey tobankii saxaabi ee Jannada loogu balanqaaday. Xadiiska ugu saxsan uguna xoogga badan ee arrintaa ka hadlaya waxa soo weriyey Axmad, al-Bukhaari, Muslim, Abuu Daa'uud iyo at-Tirmidi oo ka soo weriyey Hamaam an-Nakhaci (Ihkra) inuu yidhi: “Jariir bin Cabdullah ayaa intuu kaadjay, dabadeetana weysaystay oo halkuu cagaha ka maydhi lahaa sharabaadada korkooda masaxay. Waxa lagu yidhi: Ma sidaasaad falaysaa adigoo kaadjay? Wuxuu yidhi: “Haa, waxaan arkay Rasuulka Alle S.c.w. oo intuu kaadjay weysaystay sharabaadada korkoodana masaxay.” (Axmad, Labada Sheekh, Abuu Daa’uud iyo atTirmidi ayaa soo weriyey)
Ibraahiim wuxuu yidhi: Dadku wey la yaabi jireen Xadiiskaa, waayo Jariir wuxuu Islaamay markay Suuradda Al-Maa’idah soo degtay dabadeed oo ahayd sanadkii tobnaad ee Hijrada oo Aayadda weysadu soo degtay lana waajibiyey in cagaha la maydho. Sidaas darteed, wuxuu Xadiisku inoo qeexayaa inay Aayadda weysadu u khaas tahay dadka aan khufka (sharabaado) gashanayn. Qofkii khufka gashanna ay u bannaan tahay inuu korkooda masaxo.

Faalo: Waxa fiican in aan jidhka biyaha laga masixin haddii aan dhibaato jirin. Eeg xadiiska Maymuunah laga soo weriyay ee ku xusan baabka qusulka ku xusan.
2- Sharciga Masixidda: Waxyaabaha sharabaadada la midka ah ee laga gashado qabowga ama lagu daboolo nabarada, waa la ogol yahay in korkooda la masaxo, haddii shuruudaha aan hoos ku sheegi doono ee masixida sharabaadada la xidhiidha la fuliyo. Abuu Daa’uud wuxuu yidhi: Waxa sharabaadada iyo wixii la mid ah korkooda masaxay Cali bin Abii Daalib, Ibnu Mascuud, al-Baraa bin Caazib, Anas bin Maalik, Abuu Umaamah, Sahal bin Sacad iyo Camr bin al-Xariith. Sidoo kale, waxa iyana falay Cumar bin al-Khaddaab iyo Ibnu Cabbaas. Waxa kale oo iyana sidaa inay faleen laga soo weriyey Cammaar, Bilaal bin Cabdullah bin Abii Awfaa’ iyo Ibnu Cumar. Kitaabka Tahdiib as-Sunan wuxuu Ibnul Qayim ku sheegay inuu Ibnul Mundir yidhi: “Axmad ayaa ka faalooday: Masixidda sharabaadada korkooda iwm. isagoo cadaalad iyo sinaan ku eegaya arrintaa. Wuxuu yidhina: Masixiddu waxay ku salaysan tahay ficilkii Asxaabta iyo qiyaaska, wax faraq ah oo u dhexeeya sharabaadada iyo khufkuna ma jiro. Xukunkooduna waa isku mid. Labadoodaba korka in laga masaxona waxa qaba culimada ahlul cilmiga intooda badan.

Culimada banneeyay in korkooda la masaxo waxa ka mid ah: Sufyaan, Ibnul Mubaarak, Cadaa’, al-Xasan iyo Saciid Ibnul Musayib. Abuu Yuusuf iyo Muxammad iyagoo arrintaa ra’yigooda ka dhiibanaya waxy iyana yidhaahdeen: “Waxa korka laga masixi karaa haddii ay ka samaysan yihiin shay adag. Abuu Xaniifah muu ogolaan jirin masixidda xattaa hadday adag yihiin. Hase yeeshee, dhimashaddiisa saddex ama toddoba maalmood ka hor ayuu banneeyay in la masaxo oo intuu isagu kuwiisii korka ka masaxay isagoo buka ayuu yidhi: “Waxaan falay wax aan idiin diidi jiray.” Maadaama ay bannaan tahay masixidda sharabaadadu, dhammaan wixii cagaha astura ee laga gashado qabowga ama nabarka lagu duubo iyana korka waa laga masixi karaa. Ibnu Taymiyah oo arrintaa ka faalooday wuxuu yidhi: “Duubka nabarada ayaa kaga xaq leh khufka iyo sharabaadadaba in korka laga masaxo. Waayo duubka nabarada waxa loo gashaday baahi darteed. Haddii nabarka laga qaado marka la weysaysanyana dhibaato ayaa imanaysa. Sidaas darteed, haddii masixidda khufka iyo sharabaadadu ay bannaan tahay, duubka nabarada ayaa kaga sii xaq leh. Qofkii sidaa wax ka gedisan sheega ama yidhaahda Ijmaaca culimadu masixidda muu bannaynin, waa qof ay aqoon daro ka yeedhsiisay. Iskaba dhaaf Ijmaaca culimada ee xattaa umana suura gelayso qofkaas inuu yidhaahdo toban culimada caanka ah ka mid ah ayaa diidan masixidda sharabaadada iyo wixii la mid ah. Wuxuu Ibnu Taymiyah intaa raaciyey: Qofkii u fiirsada erayadii Rasuulka S.c.w. qiyaastana xaqeeda siiyaa wuxuu ogaanayaa in rukhsada uu Rasuulku S.c.w. arrintaa inoo siiyey ay balaadhan tahay kana mid tahay quruxda Shareecada Islaamka iyo Diinta xanafiyada ah (toosan) ee

Nebigeenii Muxammad S.c.w. ahaa loo soo saaray inuu fidiyo. Xattaa haddii khufka iyo sharabaadadu ay daloolo leeyihiin waxba kuma jabna in korka laga masaxo, maadaama aanu qofkaasu kuwo kale haysanin. Ath-Thawrii wuxuu yidhi: “Khufka ay Muhaajiriinta iyo Ansaartu gashadaan may ahayn kuwo dhammaantood daloolo ka fayaw sida caadi ahaan sharabaadada dadkuba ay yihiin. Haddii ay daloolada sharabaadadu wax dhibayaan Asxaabta waa looga digi lahaa inana way inoosoo gudbin lahaayeen.”

3-Shuruudaha ay ku ansaxayso masixidda sharabaadadu: Sharabaadada iyo wixii la mid ah waxa korkooda la masixi karaa haddii uu qofku gashaday isagoo weysa qaba oo keliya. Al-Muqiirah bin Shucbah (Ihkra) wuxuu yidhi: “Habeen aan Rasuulka S.c.w. la socday anagoo safar ah, ayaan biyaha weysada ugu shushubay Rasuulka S.c.w. Wuxuu maydhay wejiga iyo gacmaha, madaxana wuu masaxay. Hase yeeshee, markaan u kacay inaan sharabaadada ka saaro, wuxuu yidhi: “Iska dhaaf waxaan gashaday anigoo weysa qabee, kolkaasuu korkooda oo keliya ka masaxay.” (Axmad, al-Bukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey) Al-Xumaydi wuxuu isna ku soo weriyey Masnadkiisa inuu al-Muqiirah yidhi: “Waxaanu nidhi Rasuulkii Allow miyaanu masixi karnaa khufka korkiisa? Wuxuu yidhi: “Haa, haddii la gashaday iyagoo daahir ah.” Culimada kuwa khufka shardi uga dhigay inuu noqdo mid asturaya (daboolaya) cagta meesha weysada la mariyo, ama kuwa yidhi waa inuu khufku noqdo shay muddo lagu socon karo isagoo aan khufku meeshiisa ka dhicin. Wuxuu Ibnu Taymiyah kitaabkiisa Al-Fataawaa ku sheegay isagoo arrintaa ka faaloonaya inay daciif tahay.
4- Halkee la masaxayaa: Meesha ay Diinta Islaamku ina farayso in la masaxo waa sharabaadada korkooda. Al-Muqiirah bin Shucbah (Ihkra) wuxuu yidhi “Waxaan arkay Rasuulka Alle oo s S.c.w. harabaadada korkooda masaxaya.” (Axmad, Abuu Daa'uud iyo atTirmidi oo isagu yidhi waa xasan ayaa soo weriyey
Cali bin Abii Daalib (Ihkra) wuxuu yidhi “Haddii ay Diintu ku dhisan tahay ra'iyaga dadka, waxa door roonaan lahayd in cagaha baabacooyinkooda la masaxo halka korkooda laga masaxayo. Waxaan arkay ayuu yidhi Rasuulka Alle S.c.w. oo sharabaadadiisa korkooda masaxaya.” (Abuu Daa'uud iyo ad-Daaraqudni ayaa soo weriyey, sanadkiisuna waa xasan ama Saxiix). Masixid waxa loola jeedaaa in baabacooyinka oo qoyan korka laga mariyo.
Masixidda waajibka ahi waa guud ahaan wixii hoos yimaada erayga masixid, mana jirto hab saxiix ah oo Sunnaha Rasuulka S.c.w. ku sugan inoona sheegaya habka sharabaadada korkooda loo masaxo.

5-Waqtiga masixidda: Waxa loo ogol yahay qofkii aan safar ahayn inuu sharabaadada korkooda masaxo markuu weyso maagaba mudo habeen iyo maalin ah (haddii uu iska ilaaliyo wax yaabaha arrintaa buriya ee aan hoos ku sheegi doono). Qofka safarka ahna waxa loo ogol yahay muddo saddex maalmood iyo saddex habeen ah. Safwaan bin Cassaal wuxuu yidhi: “Rasuulka Alle S.c.w. wuxuu nagu amray in aan sharabaadada korkooda masaxno haddii aanu gashanno annagoo weysa qabna saddex maalmood iyo saddex habeen haddii aanu safar nahay. Haddi kalena maalin iyo habeenkeed, oo aanaan saarin iyadoo jinaabo na hesha mooyee.” (Waxa weriyey ash-Shaafici, Axmad, Ibnu Khusaymah, at-Tirmidi, iyo an-Nasaa'i oo yidhi waa Saxiix) Shariix bin Haanii’ isaguna wuxuu yidhi: “Caa’isha ayaan weydiyey masixidda khufka waxay tidhina: Cali weydii isagaa arrintaa iiga aqoon badane, waayo Rasuulka Alle S.c.w. ayuu la safri jiray. Markii aan weydiiyeyna wuxuu yidhi: Rasuulka Alle S.c.w. ayaa yidhi: “Musaafirka waxa loo ogol yahay saddex maalmood iyo habeenkood, qofka aan musaafirka ahaynna maalin iyo hebeenkeed.” (Waxa soo weriyey Axmad, Muslim, at-Tirmidi an-Nasaa’i iyo Ibnu Maajah. Al-Bayhaqina wuxuu yidhi: Waxa arrinkaa ku soo arooray kanaa ugu saxsan. Waqtiga masixiddu wuxuu bilaabmaa marka ugu horaysa ee la masaxo. Culimada qaarna waxay yidhaahdeen wuxuu bilaabmaa marka ugu horaysa ee ay weysadu ka jabto qofkii korka ka masaxay.

6-Habka masixidda: Waxa u bannaan qofkii sharabaado iyo wixii la mid ah gashada isagoo weysa qaba inuu sharabaadada korkooda masaxo goor kasta oo uu weyso maago halkuu cagaha ka maydhi lahaa. Habeen iyo maalin haddii aanu safar ahayn, haddii uu safar yahayna saddex maalmood iyo habeenkood. Laakiin qofkii ay jinaabo la kulanto waxa waajib ah inuu sharabaadada saaro, jinaabadana ka maydho (qusul sameeyo) sida ku cad Xadiiska Safwaan laga soo weriyey ee aan kor ku soo sheegnay.

7-Maxaa buriya masixidda Saddexdan arrimood ayaa masixidda buriya: b) Waqtigii loo cayinay oo dhamaada (saddex maalmood ama maalin iyo habeenkood). t) Jinaabada. j) Sharabaadada oo la saaro. Haddii ay arrimaha (b) iyo (j) dhacaan waa in weysada la cusboonaysiiyo iyadoo cagaha markan la maydhayo. Haddii arrinta (t) dhacdana waxa waajib ah qusul in la sameeyo sidaan kor ku sheegnay.


logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

673833
Today
Yesterday
All days
321
841
673833
2024-09-08 04:17

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dd253bc52ac21136276701725769019
title_66dd253bc53cb3930041811725769019
title_66dd253bc54d019428887661725769019
title_66dd253bc55cb330940661725769019
title_66dd253bc56cf7102437161725769019
title_66dd253bc57c613267920291725769019

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dd253bc672f10899812011725769019
title_66dd253bc681612519978081725769019
title_66dd253bc68f910914904351725769019
title_66dd253bc69d819905748101725769019

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com