FIQHI CIBAADAAT


 twahara


ARRIMAHA AY WAAJIB TAHAY IN LOO WEYSA QABO:

Waxa jira saddex arrimood oo weyso la'aan aanay shareecada Islaamku ogolayn in la falo. Kuwaas oo ah:

Salaadda. Salaad oo dhan farad ama Sunne ha ahaatee, dhammaan waxa loo baahan yahay inuu qofku weysa qabo markuu tukanayo, xatta salaadda jinaasada. Sidaas wuxuu Alle Casa wajala inagu amray Qur'aanka kariimka ah isagoo leh: Kuwiina Alle rumeeyayow haddii aad salaad u kacdaan maydha wejigiina iyo gacmihiina ilaa xusulada. Madixiinana masaxa, lugihiinana maydha ila canqowga (Al-Maa’idah: 6

Taas oo macneheedu yahay, haddaad salaad u kacdaan idinkoon weysa qabin, salaadda ka hor weysaysta. Rassulkuna Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yidhi “Ilaahay salaad kama aqbalo qof aan weysa qabin, sadaqo aan xalaal lagu hananna ma aqbalo.” (Jamaacada ayaa soo werisey al-Bukhaari mooyee ).
2-Dawaafka Kacbada: Ibnu Cabbaas (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Dawaafku waa salaad Ilaahay inoo baneeyey in aan dhexdeeda ku hadallo. Sidaas darteed, hadal aan khayr ahayn yaan lagu hadlin.” (Waxa weriyey at-Tirmidi, al-Daaraqudni, al-Xaakim oo yidhi waa Saxiix, Ibnu Sakini iyo Ibnu Khuzaymah).

3-Taabashada Musxafka: Abuu Bakar bin Muxammad bin Camr bin Xazm oo aabihii ka soo tebiyey wuxuu awowgii (Ihkra) yidhi: “Rasuulka ayaa Salallaahu caleyhi wasalam warqad u diray reer Yaman, warqadaas oo ay ku qornayd: “Qof aan daahir ahayni waa in aanu taaban Kitaabka Qur'aanka ah.” (An-Nasaa'i, ad-Daaraqudni, alBayhaqi, iyo al-Athram ayaa soo weriyey ). kale, Cabdullah bin Cumar (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi “Kitaabka Qur'aanka ah waa in aanu taaban qof aan daahir ahayni.” (Al-Haythami ayaa ku soo weriyey kitaabkiisa Az-Zawaa’id wuxuu yidhina ragga Xadiiskan laga soo xigtay waa lagu kalsoon yahay )

Xadiisku wuxuu in tusayaa in aanay bannaanayn inuu Musxafka taabto qof daahir ah mooyee qof kale. Erayga daahir waa eray macna guud leh. Waxa hoos imanaya dahaaradda weyn (shirkiga) iyo dahaaradda yar (kaadida iwm). Waxa kale oo hoos iman kara qofka Mu’minka ah, iyo qof aanu jidhkiisu nijaas lahayn iwm. Sidaas darteed, dahaaradda yari kama hor joogsan karto qofkii aan qabin inuu Musxafka taabto. Qawlka Alle ee ah: Ma taabtaan kuwo aan daahir ahayni wuxuu tilmaamayaa kitaabka Looxul Maxfuudka ee Malaa’iigta daahirka ah mooyee aan cid kale taabanin siduu Alle casa wajala inoogu qeexay Aayado kale oo Qur’aanka ka mid ah (Sida Suuradda Cabasah: 13-16).

Ibnu Cabbaas, ash-Shacbiyi, ad-Daxaak, Zayd bin Cali, al-Mu’ayad bil-Laah, Daa’uud, Ibnu Xazm, iyo Xamaad bin Abii Sulymaan waxay qabaan inuu taaban karo Musxafka qofkii aan dahaaradda yar qibini laakiin qaba dahaaradda weyn. Hase yeeshee, in Qur’aanka korka laga akhriyo iyadoo aan la taabanin waxay culimadu isku waafaqday inay u bannaan tahay dhammaan dadka ku jira xaaladda aan kor ku sheegnay.
weydiiyey: Rasuulkii Allow miyuu seexan karaa qof jinaabaysani? Wuxuu yidhi: “Haa, haddii uu weysaysto.”

Al-Albaani wuxuu tilmaamay inay culimo badani qabaan inuu Xadiisku daciif yahay. Sida ash-Shaafici, al-Bayhaqi iyo al-Khaddaabi iyo qaar kaleba. (Tamaam al-Minnah).

Sidoo kale, Caa’isha iyana (Ihkra) waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Rasuulku haddii uu rabo inuu seexdo isagoo jinaabaysan intuu qoodhahiisa maydho ayuu weysada salaadda oo kale weysaysan jiray.” (Jamaacada ayaa soo werisay).

3- Jinaabada: Haddii uu qof jinaabaysani rabo inuu wax cuno, seexdo ama xaaskiisa u galmoodo mar labaad, waxa fiican inuu ka hor weysaysto. Caa’isha (Ihkra) waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Haddii uu Nebigu s.c.w isagoo jinaabaysan damco inuu wax cuno ama seexdo wuu weysaysan jiray ka hor.

Cammaar bin Yaasir isagana waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Nebigu s.cw. wuu u fasaxay qofka jinaabaysan inuu wax cuno, cabbo ama seexdo haddii uu marka hore weysaysto weysada salaadda oo kale.” (Waxa weriyey Axmad iyo atTirmidi oo isagu saxixay )
Sidoo kale, Abii Saciid waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku S.c.w. yidhi “Haddii uu nin idinka mid ahi xaaskiisa u galmoodo, oo mar labaad uu rabo inuu ku noqdo waa inuu weysaysto ka hor.” (Jamaacada ayaa soo werisay, al-Bukhaari mooyee. Waxa kale oo weriyey Ibnu Khuzaymah, Ibnu Xibbaan iyo al-Xaakim oo isagu ku daray inuu Nebigu s.c.w. yidhi: “Ku noqoshada ayuu wanaajiyaa .
4- Maydhashada jinaabada ka hor: Caa’isha (Ihkra) waxa laga soo werisay inay tidhi: “Markuu Rasuulka Alle s .c.w. jinaabada ka maydhanayo, marka hore wuu faraxalan jiray markaasuu biyaha gacanta midig ku jira ku gediyi jiray gacanta bidix, dabadeetana intuu istijoodo ayuu weysada salaadda oo kale weysaysan jiray.” (Jamaacada ayaa soo werisay)
5- Raashin dab taabtay haddii la cuno: Ibraahiim bin Cabdullah bin Qaarid wuxuu yidhi: “Waxaan soo ag maray Abuu Hurayra oo weysaysanaya. Wuxuu yidhi: Miyaad garanaysaa waxaan ka weysaysanayo? Waxaan ka weysaysanayaa caana fadhi dab lagu engejiyay oo aan cunay. Waayo waxaan maqlay Rasuulka Alle s.c.w. oo leh: “Ka weysaysta waxii dab taabto.” (Axmad, Muslim iyo afarta Imaam ayaa soo weriyey)

6- Cusboonaysiinta weysada: Buraydah wuxuu yidhi “Rasuulku s.c.w. salaad walba wuu u weysaysan jiray, maalintii Makka la furtay Rasuulku صىى الله لىيه وسلىم intuu weysaystay oo cagaha masaxay ayuu salaaddihii oo dhan weyso keliya kuwada tukaday. Cumar ayaa markaa ku yidhi: Rasuulkii Allow waxaad fashay wax aanad wali hore u falin. Wuxuu yidhi: “Ukas ayaan u falay Cumarow.” (Waxa weriyey Axmad, Muslim iyo qaar kale)
Camr bin Caamir al-Ansaariyi (Ihkra) wuxuu yidhi: Anas bin Maalik wuxuu odhan jiray: “Nebigu s.c.w. salaad walba wuu u weysaysan jiray. Waxaan ku idhi: Idinkuna sidee fali jirteen? Wuxuu yidhi: Salaadaha oo dhan weyso keliya ayaanu ku tukan jirnay haddaanay naga jabin.” (Axmad iyo al-Bukhaari ayaa soo weriyey).
Abuu Hurayra isagana waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku s.c.w. yidhi: “Haddii aanay Ummadayda dhibaato ku noqonaynin waxaan amri lahaa inay salaad walba u weysaystaan, weyso walb ka horna ay cadaydaan.” (Axmad ayaa sanad fiican ku soo weriyey) .
Ibnu Cumar isaguna (Ihkra) wuxuu yidhi: Rasuulku s.c.w. wuxuu odhan jiray: “Qofkii isagoo weysa qaba weysaysta waxa loo qoraa toban xasano.” (Abuu Daa’uud, at-Tirmidi iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey)


logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

673833
Today
Yesterday
All days
321
841
673833
2024-09-08 04:17

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dd253bc52ac21136276701725769019
title_66dd253bc53cb3930041811725769019
title_66dd253bc54d019428887661725769019
title_66dd253bc55cb330940661725769019
title_66dd253bc56cf7102437161725769019
title_66dd253bc57c613267920291725769019

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dd253bc672f10899812011725769019
title_66dd253bc681612519978081725769019
title_66dd253bc68f910914904351725769019
title_66dd253bc69d819905748101725769019

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com