FIQHI CIBAADAAT


 twahara


QUSULKA :
Qusul macnihiisu wuxuu yahay biyaha oo jidhka dhammaan la gaadhsiiyo. Amarkiisuna waa mid Ilaahay subxaanahu watacaalaa Qur'aanka kariimka ah inoogu caddeeyay isgoo leh Haddii aad jinaabaysan tihiin is nadiifiya (Al-Maa'idah: 6).
Waxa kale oo uu Alle subxaanahu watacaalaa yidhi: Waxay kaa waraysanayaan xaydka, dheh waa wisikh, kana fogaada haweenka markay xaydka leeyihiin. Hana u dhowaanina ilaa ay ka maydhaan. Markay ka maydhaanna ugu galmooda siduu Alle idin faray, Allena wuu jecel yahay kuwa toobadkeenka ah iyo kuwa isdaahiriya (Al-Baqarah: 222)

ARRIMAHA UU QUSULKU KU WAAJIBO:
Shan arrimood haddii ay dhacaan ayuu qusulku waajib yahay. Kuwaas oo ah:

1. Manida: Lab iyo dhadigba haddii ay manidu ka timaado iyagoo hurda ama soo jeeda waxa waajib ah inay jinaabada iska maydhaan oo qusul sameeyaan. Sidaasi waa ra'yiga ay qabaan dhammaan fuqahadu. Arrintaasu waxay ku salaysan tahay Xadiiska Abii Siciid laga soo weriyey inuu Rasuulka Alle S.c.w. yidhi “Biyaha manida waa in biyo lagu maydho.” (Muslim ayaa soo weriyey). Sidoo kale, Ummu Salamah (Ihkra) waxay sheegtay in ay Ummu Saliim weydiisay Rasuulka Alle S.c.w. oo tidhi: “Rasuulkii Allow, Eebbe kama xishoodo xaqa, ee miyay waajib ku tahay haweenayda inay qusul sameeyso haddii ay riyooto? Wuxuu yidhi: “Haa haddii ay biyaha manida isku aragto.” (Labada Sheekh ayaa soo weriyey iyo qaar kale).

Waxa jira arrimo badan oo muhiim ah lana xidhiidha qusulka oo loo baahan yahay in aan ogaano sidaynu u daryeeli lahayn haddii ay inala kulmaan.

b) Haddii ay manidu qof ka timaado ugana timaado xanuun ama qabow dartii isagoo aanay hammadi qabanin, qofkaa qusul kuma waajibin. Cali (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuullku S.c.w. ku yidhi: “Haddii ay manidu kaa timaado, qusul samee.” (Abuu Daa’uud ayaa soo weriyey Mujaahid wuxuu isna yidhi: “Iyadoo annaga iyo Asxaabtii Ibnu Cabbaas (Daa’uus, Saciid bin Jubayr iyo Cikrimah) aanu xalaqo u fadhino Masjidka gudihiisa oo Ibnu Cabbaasna uu salaad ku jiro, ayuu nin nasoo kor joogsaday oo yidhi: “Miyuu mufti idinku jiraa?” Waxaanu ku nidhi: “Na weydii waxaad rabto.” Wuxuu ninki yidhi: “Markaan kaadjaba waxa kaadida soo raaca dheecaan adag.” Waxaanu ku nidhi: “Ma dheecaanka ilmuhu ka abuurmo?” Wuxuu yidhi: Haa. Waxaanu ku nidhi: “Inaad qusul samayso weeye.” Markaasu ninki dhaqaaqay isagoo arrintii ka fikiraya. Wuxuu Mujaahid yidhi: “Ibnu Cabbaas intuu salaaddiisii dedejiyay ayuu ku yidhi Cikrimah iigu yeedh ninka. Markaasuu nagu soo jeestay oo yidhi: “Waxaad ninka ugu fatwooteen ma Kitaabka Alle ayaad ka keenteen? Waxaanu nidhi: Maya. Wuxuu yidhi: “Haddaa ma Rasuulka Alle S.c.w. ayaad ka keenteen?” Waxaanu nidhi: Maya. Wuxuu yidhi: “Haddaa ma Asxaabtii Rasuulka ayaad ka keenteen?” Waxaanu nidhi: Maya. Wuxuu yidhi: “Haddaba xaggee ka keenteen?” Waxaanu nidhi: Ra’yigayaga. Wuxuu yidhi: Sidaas darteed, ayuu Rasuulka Alle S.c.w u yidhi: “Faqiih keliya ayaa kaga xoog badan shaydaanka kun addoon oo Alle caabud ah.1 ” Mujaahid wuxuu yidhi: Ninki markuu yimi ee Ibnu Cabbaas uu is hortaagay, wuxuu Ibnu Cabbaas weydiiyey: “Markuu dheecaanku kaa imanayo miyaad shahwad dareentaa?” Wuxuu ninki yidhi: Maya. Wuxuu Ibnu Cabbaas haddana yidhi: “Miyuu dareenku jidhkaaga ka tagaa?” Wuxuu yidhi: Maya. Wuxuu markaa Ibnu Cabbaas ku yidhi: “Waxa kuugu wacan qabowga, weysadaana kaaga filan. Erayga: “Faqiih keliya ayaa kaga xoog badan shaydaanka kun addoon oo Alle caabud ah” wuxuu al-Albaani tilmaamay inuu daciif yahay.

Haddii uu qof riyoodo lakiin aanu isku arag wax qoyaan ah (mani), qusul kuma waajibin qofkaa. Sidaas waxa qaba dhammaan culimada ahlul cilmiga. Arrintaa waxa daliil u ah Xadiiska aan kor ku sheegnay ee Ummu Saliim laga soo weriyey inay Rasuulka Alle S.c.w weydiisey: “Haddii ay haweenaydu riyooto miyuu qusul ku waajibay?” Wuxuu Rasuulki S.c.w yidhi: “Haa, haddii ay qoyaan isku aragto.” Xadiiskaasu wuxuu ina tusayaa in aanu haweenayda qusul ku waajib haddii aanay qoyaan isku arag. Haddii ay qoyaan isku aragto markay toostana waxa waajib ku ah inay qusul samayso.

j) Haddii uu qof hurdo ka tooso oo uu qoyaan dharkiisa ku arko, laakiin aanu xasuusan karin inuu riyooday iyo in kale. Marka uu hubiyo waxa ka qoyani inuu mani yahay waxa qofkaas ku waajib ah qusul. Hase yeeshee, Mujaahid iyo Qataadah waxay yidhaahdeen: Qusul kuma waajibin isagoo shaki la’aan huba inuu qoyaanku mani yahay mooyee. Waayo shakigu dahaaradda ma buriyo.

x) Haddii uu Qof lab ahi (rag ah) cadaadiyo qoodhihiisa marka uu dareemo inay manidu ka imanayso, una diido inay manidu ka soo baxdo qusul kuma waajibin qofkaa.

Waxa arrintaa daliil u ah Xadiiska aan hore u soo sheegnay ee uu Rasuulku
S.c.w qusulka ku xidhay aragtida manida. Laakiin haddii uu qofku xejin kari waayo oo ay manidu ka timaado waxa ku waajib ah qusul.

kh) Haddii uu qof dharkiisa mani ku arko, hase yeeshee aanu ogayn goor ay ka timi manidaasu isla markaana uu tukaday; waa inuu soo bedo oo uu mar labaad tukado dhammaan salaaddihii ka dambeeyay hurdadii ugu dambaysay ee uu seexdo. Haddii uu ogaado in uu dharkiisu mani leeyahay isagoo salaaddii Casar tukaday, waxa habboon inuu qofkaasu soo bedo dhammaan salaaddihii ka dambeeyay markuu xalay seexday. Kuwaas oo ah Subax, Duhur iyo Casar.

2-Haddii ay labada buuryo istaabtaan: Haddii qoodhaha ragga iyo ka dumarku ay istaabtaan (isdhex galaan) iyadoo aanay xatta wax kale dhicin waxa ku waajib ah labadaba qusul. Wuxuu Alle casa wajala yidhi: Haddii aad jinaabaysan tihiin isdaahiriya. Imaam ash-Shaafici oo arrintaa ka faalooday wuxuu yidhi: “Afka Carabida jinaabo waxay dhacdaa marka laysu galmoodo, haddii ay maniyi timaado iyo haddii kaleba.
Haddii uu qof yidhaahdo: Habel wuu jinaabaysan yahay, macneheedu wuxuu yahay qof kale (dhadig ah) ayuu u galmooday, xattaa haddii aanay maniyi qofkaa ka iman.” Wuxuu ash-Shaafici intaa raaciyey: Culimadu iskumay khilaafin inay zinada xadku (shaabuuga ama karbaashka iwm.) ku waajibka yahay ay tahay galmada, xattaa haddii aanay maniyi iman.

Abuu Hurayrana waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku S.c.w yidhi: “Marka uu qof lab ahi ku kor fadhiisto qof dhadig afarteeda waaxood (labada lugood iyo labada, gacmood) iskuna dayo inuu u galmoodo waxa labadoodaba ku waajib ah qusul maniyi ha ka timaado ama yaanay ka imanne.” (Axmad iyo Muslim ayaa soo weriyey)) Saciid Ibnul Musayib waxa laga soo weriyey inuu Abuu Muusaa al-Ashcariyi ku yidhi Caa’isha (Ihkra): “Waxaan raba inaan wax ku weydiiyo waanaan kaa xishoonayaa.” Waxay tidhi: “I waydii hana xishoon. Waayo, waxaan ahay Hooyadaa.” Wuxuu ka waraystay: “Ninka haweenay u galmooda ee aanay maniyi ka iman.” Waxay u sheegtay inuu Nebigu S.c.w yidhi: “Markay labada buuryo is taabtaanba qusul ayaa waajib ah.” (Axmad iyo Maalik ayaa ku soo weriyey erayo kala gedisan). Istaabasho macneheedu waxa weeye hadday isdhexgalaan. Haddii ay arrintu taabasho keliya tahay qusul kuma waajibin labada qof midna siduu Ijmaaca culimadu yahay.
3-Marka xaydka iyo nifaasku joogsadaan:Xaydku waa dhiigga caadada dumarka, nifaaskuna waa dhiigga dhalmada. Ilaahay casa wajala wuxuu ragga ka mamnuucay inay xaasaskooda u galmoodaan markay labadaa dhiig leeyihiin, ilaa uu dhiiggu ka joogsado ay kana maydhaan. Sidaas wuxuu Alle inoogu caddeeyay Aayadda: Hana u dhowaanina haweenka markay xaydka leeyihiin ilaa ay ka maydhaan, markay ka maydhaanna ugu galmooda siduu Alle idin faray, Allena wuu jecel yahay kuwa toobadkeenka ah iyo kuwa isdaahiriya (Al-Baqarah: 222)

Wuxuu Rasuulka Alle S.c.w Faadima bint Abii Xabiish (Ihkra) ku yidhi: “Salaadda ha tukan markaad xaydka leedahay, markuu kaa joogsadana maydho (qusul samee) oo tuko.” (Sixadiisa waa laysku waafaqay Sidoo kale, aragtida Ijmaaca Asxaabta Rasuulku wuxuu yahay inuu nifaaskuna la mid yahay xaykda. Haddii ay haweenay ilmo dhasho oo aanu dhiig ka iman dhalmada dabadeed, culimada qaar waxay yidhaahdeen qusul kumuu waajibin gabadhaa. Qaarna waxay yidhaahdeen wuu ku waajibaa.
4-Geerida: Haddii uu qof Muslim ahi geeriyoodo, waxa ku waajib ah dadkii meel kula noolaa qofkaa inay maydkiisa maydhaan (una maydhaan maydhasho dhamaystiran oo ah qusul) sida aan gadaal ku sharxi doonno.

5- Markuu qof kaafir ahaa muslimo: Markuu qof aan Muslim ahayni muslimo waxa qofkaa ku waajib ah inuu qusul (maydhasho dhamaystiran) sameeyo, sida aan gadaal ku sharxi doono. Abuu Hurayra waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Waxa dagaal lagu qafaashay nin la yidhaahdo Thumaamah al-Xanafiyi kolkaasuu muslimay, dabadeetana wuxuu Rasuulku S.c.w ku amray inuu maydho (qusul). Amarkii Rasuulka wuu yeelay, laba rakcadoodna wuu tukaday. Markaasuu Rasuulki S.c.w yidhi: “Walaalkiin wuxuu noqday Muslim dhab ah.” (Axmad ayaa soo weriyey Xadiiska assalkiisuna wuxuu ku yaal kutubta labada Sheekh)


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

788915
Today
Yesterday
All days
1531
779
788915
2024-12-21 16:34

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6766ee094124113524091031734798857
title_6766ee094132411924365261734798857
title_6766ee09414001454691071734798857
title_6766ee09414d03820991641734798857
title_6766ee094159c3583292041734798857
title_6766ee094166711255434911734798857

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6766ee094238613023269921734798857
title_6766ee094246310284412481734798857
title_6766ee09425332325254271734798857
title_6766ee094260020909628431734798857

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com