FIQHI CIBAADAAT


 twahara


WAXYAABAHA WEYSADA AAN BURININ
Waxaanu jeclaysanay in aanu tilmaanno waxyaabo dadku u maleeyo inay weysada jebiyaan laakiin sharci ahaan aan jebinin. Sababtoo ah daliil saxiix ah oo arimahaas ku soo arooray ma jiro. Arimahaasi waa kuwa hoos ku qeexan: Taabashada haweenka Caa’isha (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam Salallaahu caleyhi wasalam dhunkaday isagoo sooman yidhina: “Dhunkashadu ma jebiso weysada iyo soonta midna.” (Waxa soo saaray Isxaaq bin Raahwiyah iyo al-Bazaar oo sanad fiican ku soo weriyey). Cabdul-Xaq wuxuu isaguna yidhi: Kuma ogi Xadiiskan cillad ina faraysa in amarkiisa laga tago.
Caa’isha (Ihkra) waxa kale oo laga soo weriyey inay tidhi: “Habeen aan Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam ka waayey gogosha oo aan gacanta ku raadiyey, waxaan taabatay baabacooyinka cagihiisa oo kor u taagan1 isagoo Masjidka ku tukanaya oo leh:Wuu sujuudayey markay Caa’isha taabatay cidhbihiisuna kor ayay u taagnaayeen.

Allaahumma inii acuudu bi ridaaka min sakhadika, wa acuudu bi mucaafaatika min cuquubatika, wa acuudu bika minka, laa uxsii thanaa’a calayka Anta kamaa athnayta calaa nafsika.” (Muslim ayaa soo weriyey iyo at-Tirmidi oo yidhi waa Saxiix.
Caa’isha (Ihkra) waxa kale oo laga soo weriyey “Inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam dhunkaday xaasaskiisa kale qaar ka mid ah oo uu salaadda u baxay isagoo aan weysaysanin.” (Axamed iyo afarta Imaam ayaa ku soo weriyey sanad dadkiisa lagu kalsoon yahay.
Waxa kale oo Caa’isha laga soo weriyey inay tidhi: “Waxaan Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam hor jiifsan jiray iyadoo ay lugahaygu Qiblada ka xigaan, markuu sujuudayana intuu I taabto ayaan lugaha ka laabi jiray.” Lafdi kalena waxay tidhi: “Markuu rabo inuu sujuudo lagahayga ayuu taaban jiray.” (Sixadiisa waa laysku waafaqay)

Dhiig ka yimi meel aan caadi ahayn Dhiigga sanboorka, toobinka iyo dhaawaca ha badnaado ama ha yaraadee weysada ma jebiyo. Al-Xasan (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Muslimiintu iyagoo dhaawacan ayay tukan jireen.” (Al-Bukhaari ayaa soo weriyey)
Wuxuu al-Xasan yidhi oo kale: “Ibnu Cumar (Ihkra) ayaa findoob ku yaalay tuujiyey ilaa uu dhiig ka yimi manuu weysaysan. Ibnu Abii Awfaa oo tukanaya ayaa isaguna dhiig tufay salaaddiina wuu sii watay oo muu joojin. Cumar bin al-Khaddaab (Ihkra) isaguna wuxuu tukaday iyadoo nabar ku dhacay oo dhiig ka socdo. Cubbaad

Bin Bishr isaguna isagoo tukanaya ayuu leeb ku dhacay salaaddiisiina wuu sii watay.” (Abuu Daa’uud iyo Ibnu Khuzaymah ayaa soo weriyey, al-Bukhaarina wuxuu ku soo weriyey hab mucallaq ah Matagga Xadiis saxiix ah oo ku soo arooray in uu mataggu weysada jebiyo ha yaraado ama ha badnaadee ma jiro. Sidaas darteed, mataggu weysada ma jebiyo.

Hilibka geela In aanu hilibka geelu weysada jebin waa ra'yiga afartii Khulafaa'u Raashidiinka ahaa, Asxaabtii Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam iyo Taabiciinta intuba ay qabaan, iyadoo uu haddana jiro Xadiis xoog badan oo sheegaya in laga weysaysto hilibka geela. Jaabir bin Samurah waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Nin ayaa Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam waydiiyey hilibka idaha miyaanu ka weysaysanaa? Wuxuu Rasuulki yidhi: “Haddaad rabto ka weysayso haddii kalena ha ka weysaysan. Ninkii ayaa haddana weydiiyey Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam hilibka geela miyaanu ka weysaysanaa? Wuxuu Rasuulku yidhi: “Haa.” hilibka geela ka weysayso. Wuxuu ninki yidhi: Miyaan ku tukadaa xerada adhiga? Wuxuu yidhi: “Haa.” Wuxuu ninki haddana yidhi: Xerada geela miyaan ku tukadaa? Wuxuu yidhi: “Maya.” (Axmad iyo Muslim ayaa soo weriyey) Caazib waxa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ayaa la weydiiyey: In hilibka geela laga weysaysto? Wuxuu yidhi: “Ka weysaysta.” Waxa kale oo la weydiiyey in hilibka adhiga laga weysaysto? Wuxuu yidhi: “Ha ka weysaysanina.” Waxa la weydiiyey: In xerada geela lagu tukado? Wuxuu yidhi: “Ha ku tukanina waxay ka mid tahay shayaadiinta.” Waxa la weydiiyey: Xerada adhiga in lagu tukado? Wuxuu yidhi: “Ku tukada way barakaysantee.” (Waxa weriyey

Axmad, Abuu Daa’uud, Ibnu Xibbaan iyo Ibnu Khuzaymah oo isagu yidhi: Maan ogi khilaaf ka dhex jooga culimada Xadiiska waayo waa war saxiix ah. An-Nawawina wuxuu yidhi: Ra’yigaasu daliil xoog badan ayuu ku salaysan yahay, inkastoo culimada badankoodu (al-Jamhuur) ay arrintaa khilaafeen

Shakiga Shakiga uu qofku ka shakiyo inay weysadi ka jabtay isagoo salaad ku jira ama aan ku jirin weysada ma buriyo, isagoo qofku huba inay weysadu ka jabtay mooyee. Cubaad bin Tamiim wuxuu ka soo tebiyey adeerkii (Ihkra) “Inuu nin Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam ka waraystay qofka ka shakiya inay neefi ka timi isagoo salaadda ku jira. Wuxuu yidhi: “Waa in aanu qofkaasu salaadda ka bixin isagoo dhawaaq maqla ama wax uriya mooyee.” (Jamaacada ayaa soo werisay at-Tirmidi mooyee .
Abuu Hurayra isagana waxa laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii qof idinka mid ah caloosha laga qabto oo uu ka shakiyo inay neefi ka baxsatay iyo in kale, waa in aanu Masjidka ka bixin isagoo dhawaaq maqla ama wax uriya mooyee.” (Muslim, Abuu Daa’uud iyo at-Tirmidi ayaa soo weriyey)
Maqalka ama urta dhuusadu shardi uma aha arrintaa, balse wuxuu nuxurku yahay inuu qofku hubsado dhab ahaan inay wax ka soo baxeen. Ibnul Mubaarak wuxuu yidhi: Haddii uu qof ka shakiyo inuu dhuusay kumay waajibin qofkaa inuu weysaysto isagoo hubaal ahaan ku dhaaran kara mooyee. Qofkii huba inay weysadi ka jabtay, hase yeeshee ka shakiya inuu weysaystay iyo in kale markay weysadu ka jabtay dabadeed waxa qofkaa waajib ku ah inuu weysaysto sida Ijmaaca culimadu yahay.

Haddii uu qof qoslo isagoo salaadda ku jira weysadu kama jabayso. Waayo ma jiro Xadiis caddaynaya inuu qosolku weysada jebiyo.

Maydhidda maydka Weysadu kama jabayso qofkii isagoo weysa qaba maydha maydka qof geeriyooday. Waxa jira Axaadiis daciif ah oo sheegaysa inay maydhidda maydku jebiso weysada, laakiin xujo laguma oogi karo Xadiis daciif ah. Sidaas darteed, maydhidda maydku ma jebiso weysada.


logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

673833
Today
Yesterday
All days
321
841
673833
2024-09-08 04:17

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dd253bc52ac21136276701725769019
title_66dd253bc53cb3930041811725769019
title_66dd253bc54d019428887661725769019
title_66dd253bc55cb330940661725769019
title_66dd253bc56cf7102437161725769019
title_66dd253bc57c613267920291725769019

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dd253bc672f10899812011725769019
title_66dd253bc681612519978081725769019
title_66dd253bc68f910914904351725769019
title_66dd253bc69d819905748101725769019

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com