FIQHI CIBAADAAT


 twahara


WAXYAABAHA WEYSADA BURIYA

Weysadu waxay leedahay waxyaabo buriya oo haddii la sameeyo ay waajib tahay in mar labaad la weysaysto. Kuwaas oo ah:
Dhammaan wixii hor iyo dabo ka yimaada: Kuwaas waxa ka mid ah: Kaadida Saxarada (xaarka(
Faalo: Ma jiro Saxaabi Khumraan la yidhaahdo ee waxa laga yaabaa inay tahay qalad daabacaaddu samaysay. Waxaan filayaa inuu Mu’alifka kitaabku u jeedo Xumraan. Eeg kitaabka Al-Isaabah fii Tamyiiz as-Saxaabah (Mujalladka( 2: 104.

Sidaas wuxuu Ilaahay inoogu caddeeyay Qur'aanka kariimka ah.
Haddii aad buktaan ama aad safar tihiin, ama aad saxarootaan, ama aad haween u galmootaan oo aydinaan biyo heli karin ku gagabaysta carro wanaagsan ...( An-Nisaa': 43).
Erayga ama aad saxarootaan macnahiisu wuxuu yahay haddii aad kaadidaan ama xaartaan.
Dhuusada: Abuu Hurayra waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Ilaahay salaad kama aqbalo qofka dhuusa ilaa uu mar labaad weysaysto.” Nin reer Xadramawt ah ayaa Abuu Hurayra ku yidhi: Dhuusadu maxay tahay? Wuxuu yidhi: Waa neef ama dabayl.” (Sixadiisa waa laysku waafaqay.

Abuu Hurayra (Ihkra) waxa kale oo laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii uu qof ka shakiyo inuu dhuusay waa in aanu Masjidka ka bixin (si uu mar labaad u soo weysaysto) isagoo dhawaaq maqla ama wax uriya mooyee. (Muslim ayaa soo weriyey Maqalka ama urta dhuusadu shardi uma aha arrintaa, balse waxay ina tusaysaa inuu qofku hubsado kuna camal falo wuxuu hubo oo keliya.


Al-maniyi (manida), al-madyi iyo al-wadyi: Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Al-Madyi waa in laga weysaysto.” Ibnu Cabbaas (Ihkra) wuxuu yidhi: “Al-maniyi (manida) waa in laga maydho (Qusul). Al-madyi iyo al-wadyina wuxuu yidhi: Iyagana qoodhahaaga ka maydh weysadii salaadda oo kalena weysayso.” (Al-Bayhaqi ayaa sunankiisa ku soo weriyey.
Hurdo dheer: Haddii uu qof seexdo ama luloodo isagoo aan badhida dhulka ku haynin waa inuu mar labaad weysaysto. Safwaan bin Cassaal (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Wuxuu Rasuulku صىى الله لىيه وسلىم nagu amri jiray in aanaan khufka (sharabaadada) saarin haddii aanu safar nahay saddex maalmood iyo habeenkood iyadoo jinaabo nala kulanta mooyee. Laakiin xaar, kaadi iyo hurdo midna aanaan u saarin” (Axmad, an-Nasaa’i iyo at-Tirmidi oo saxixay ayaa soo weriyey) Haddiise uu qofku seexdo isagoo badhida dhulka ku haya weysadu kama jabayso. Anas bin Maalik wuxuu yidhi: “Asxaabta Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam salaadda Cishaha markay sugayaan qaarkood way luloon jireen iyagooo badhida dhulka ku haya, marka salaadda loo kacana may weysaysan jirin.” (Ash-Shaafic, Muslim, Abuu Daa'uud iyo at-Tirmidi ayaa soo weriyey). Lafdiga uu at-Tirmidi kaga soo weriyey Shucbah wuxuu isagu yahay: “Waxaan arkay Asxaabta Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam oo salaadda u toosay iyagoo khuurinayey (hurday) oo intoo ay salaadda u kacaan tukanaya iyagoon weysaysan.” Ibnul Mundir wuxuu yidhi: Waxaanu anagu qabnaa inay seexdeen iyagoo fadhiya (fadhiga aan weysada jebinin
3-.Suuxidda: Suuxiddu waa markuu qof dareenka maskaxda lumiyo, taas oo ku iman karta siyaabo badan. Suuxidda waxa keeni kara waalida, xanuunka, sakhradda ama dewo uu qofku istimaalay iwm,. Si kasta sababtu ha u dhacdee haddii uu qof dareenka maskaxda lumiyo ha noqoto muddo gaaban ama mid dheere weysadu way jabaysaa. Sidaas ayay culimadu isku waafaqday.

4-Taabashada qoodhaha: Qofkii qoodhihiisa taabta ama mid qof kale iyadoon waxba ka xigin weysadu way ka jabaysaa. Busrah bint Safwaan waxa laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qofkii qoodhihiisa taabtaa (baabacad ku taabta) waa in aanu tukanin ilaa uu weysaysto” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey, iyo at-Tirmidi oo saxixay, al-Bukhaarina wuxuu yidhi Xadiiskan ayaa ugu saxsan Axaadiista baabkan ku soo aroortay. Waxa kale oo iyana soo weriyey Xadiiska Maalik, ash-Shaafici, Axmad iyo qaar kale
Abuu Daa’uud wuxuu yidhi: Axmad ayaan weydiiyey inuu Xadiiska Busrah saxiix yahay. Wuxuu yidhina: Waa saxiix. Riwaayad ay Axmad iyo an-Nasaa’i iyana ka soo weriyeen Busrah waxay tidhi: “Waxaan maqlay Rasuulka Alle

oo leh: “Qofkii qoodhe taabtaa waa inuu weysaysto.” Macnihii qoodhihiisa ama qoodhe kale qofkii taabtaa waa inuu mar labaad weysaysto
Abii Hurayra isagana waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qofkii gacantiisa qoodhe ku taabta iyadoon wax ka xigin waxa ku waajib ah inuu weysaysto.” (Axmad, Ibnu Xibbaan iyo al-Xaakim iyo Ibnu Cabdal-Bar oo iyagu saxixay. Ibnu Saknina wuxuu yidhi Xadiiskan ayaa ugu fiican Axaadiista baabkan ku soo aroortay.

Ash-Shaafici lafdiga uu ku soo weriyeyna wuxuu yahay inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii uu qof idinka mid ahi gacantiisa ku taabto qoodhihiisa iyadoon waxba ka xigin waa inuu weysaysto
Camr bin Shucayb oo ka soo tebiyay aabihii oo ka soo raray awowgii (Ihkra) wuxuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Ninkii qoodhihiisa taabtaa waa inuu weysaysto. Gabadhii qoodheheeda taabataana waa inay weysaysato.” (Axmad ayaa soo weriyey,

Ibnul Qayimna wuxuu yidhi: Al-Xaazimii ayaa yidhi: Waa Xadiis sanadkiisu Saxiix yahay Hase ahaatee, Xanafiyadu waxay qabtaa in qofka qoodhaha taabta aanay weysadu ka jabaynin. Ra’yigooduna wuxuu ku salaysan yahay Xadiiska Dalq laga soo weriyey: “Inuu Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam nin ka waraystay ninka qoodhihiisa taabta inay weyso ku waajibayso? Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Maya , waayo waa qayb isaga ka mid ah.” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey, Ibnu Xibbaan isaguna wuu saxixay, Ibnul Madiin wuxuu isna yidhi: Xadiiska Busrah kanaa ka fiican.


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

788962
Today
Yesterday
All days
1578
779
788962
2024-12-21 16:50

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6766f1c34563d7443990701734799811
title_6766f1c34571312439664731734799811
title_6766f1c3457e312847851741734799811
title_6766f1c3458b011592362901734799811
title_6766f1c34597b13360613691734799811
title_6766f1c345a4f17085539001734799811

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6766f1c3467b39815314851734799811
title_6766f1c3468857586840251734799811
title_6766f1c34695317498034581734799811
title_6766f1c346a2a17525905571734799811

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com