FIQHI CIBAADAAT


 twahara


SUNNAHA WEYSADA:
Sunnuhu waa qaybaha aan waajibka ahayn, laakiin ka soo sugnaaday Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ficil ahaan ama uu cid kale faray, isla markaana, aanu cidna ku ijbaarin ama ku canaanan haddii laga tago. Kuwaas oo ah:

1. Bisinka in lagu bilaabo:
Waxa arrintaa ku soo aroortay Axaadiis daciif ah, laakiin marka laysu geeyo is xoojinaya inoona tilmaamaya inay arrintaasu assal ku leedahay shareecada Islaamka. Guud ahaan in Bisinka wax kasta lagu bilaabaana waa arrin fiican.
2.Cadayga:
Caday waxa loola jeedaa cadayashada ama cadayga laftiisa iyo wixii u dhigma ee ilkaha iyo afka lagu nadiifiyo. Wax lagu cadaydana waxa ugu khayr badan geed cadayga oo afka carabida lagu yidhaahdo Araak. Waana geed ka baxa dhulka Xijaas iyo Somaalidaba. Wuxuu ku caan baxay geedka noocaas ah cadaygiisu inuu ciridka adkeeyo, ilakahana ka ilaaliyo cudurada, calooshana ku caawiyo daqiijinta cuntada, kaadidana dadka u hawl yareeyo. Hase yeeshee, Sunnuhu wuxuu ku suura gelayaa shay kasta oo ilkaha caddeeya afkana nadiifin kara. Abuu Hurayra waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii aanay Ummadayda dhibaato ku noqon lahayn waxaan fari lahaa inay cadaydaan mar kasta oo ay weysaysanayaan.” (Maalik, ash-Shaafici, al-Bayhaqi iyo al-Xaakim ayaa soo weriyey).
Allaah haka raali ahaado iyadana waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Cadaygu afka wuu nadiifyaa, Eebbena wuu raaligeliyaa.” (Axmad, an-Nasaa’i iyo at-Tirmidi ayaa soo weriyey).

Cadaygu mar walba wuu fiican yahay, wuxuuse aad u fiican yahay shan goor: Weysada ka hor. Salaadda ka hor. Akhriga Qur’aanka ka hor. Hurdada marka laga soo tooso. Markasta oo ay afka urtiisu xumaato.

Nasrid-Diin al-Albaani oo arrintaa xoojiyey wuxuu tilmaamay Xadiis Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ka soo sugnaaday inana farayaa in weysada Bisinka lagu bilaabo. Kaas oo ah in Abuu Hurayra laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Salaadi uma jirto qofkii aan weysaysanin, weysana uma jirto qofkii aan weysadiisa bisinka u qabanin.” (Abuu Daa’uud ayaa soo weriyey).

Dadka sooman iyo kuwa aan soo-manayniba waxa fiican inay cadaydaan bilowga iyo dhammaadka maalinta. Sidaa waxa caddaynaya Xadiiska Caamir bin Rabiicah (Ihkra) laga soo weriyey inuu yidhi: “Tiro male intaan arkay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam oo cadayanaya isagoo sooman.” (Axmad, Abuu Daa’uud iyo at-Tirmidi ayaa soo weriyey).
Sunnuhuna wuxuu yahay in la maydho oo la nadiifiyo cadyaga laftiisa marka lagu cadaydo dabadeed. Caa’isha (Ihkra) waxay tidhi: “Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam markuu cadaydo cadaygiisa wuu ii dhiibi jiray si aan u maydho. Markaasaan maydhi jiray oo aan ku cadayan jiray haddana intaan maydho ayaan isaga u dhiibi jiray.” (Abuu Daa’uud iyo al-Bayhaqi ayaa soo weriyey).

Qofkii aan ilko lahayn wuxuu Sunnuhu yahay inuu farihiisa afka mariyo oo ku nadiifiyo. Sidaa waxa caddaynaya Xadiiska Caa’isha (Ihkra) laga soo weriyey inay Rasuulka weydiisay oo ay tidhi: “Rasuulka Allow, qofkii aan ilko lahayni miyay tahay inuu cadaydo? Wuxuu yidhi: “Haa.” Waxay tidhi: “Muxuu samaynayaa?” Wuxuu yidhi: “Farihiisa ayuu afka gelinayaa oo uu ku masaxayaa.” (Ad-Dabaraani ayaa soo weriyey). Al-Albaani wuxuu tilmaamay in ay al-Xaafid iyo al-Bukhaari labaduba yidhaahdeen Xadiiskanu waa daciif.

3. Saddex goor in la faraxasho weysada ka hor: Aws bin Aws ath-Thaqafiyi Allaah haka raali ahaado waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Waxaan arkay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam م oo weysaysanaya oo saddex goor faraxashay.” (Axmad iyo an-Nasaa’i ayaa soo weriyey).


logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

673833
Today
Yesterday
All days
321
841
673833
2024-09-08 04:17

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dd253bc52ac21136276701725769019
title_66dd253bc53cb3930041811725769019
title_66dd253bc54d019428887661725769019
title_66dd253bc55cb330940661725769019
title_66dd253bc56cf7102437161725769019
title_66dd253bc57c613267920291725769019

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dd253bc672f10899812011725769019
title_66dd253bc681612519978081725769019
title_66dd253bc68f910914904351725769019
title_66dd253bc69d819905748101725769019

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com