FIQHI CIBAADAAT


 twahara


FARAA'IDKA WEYSADA :

Weysadu waxay leedahay arkaan iyo faraa’id aanay la'aantood ansaxaynin oo haddii rukun keliyi uu maqanyahay weyso aanay jirin, kuwaas oo ah:

1. Niyadda: Waa inuu qofku niyeeyo inuu weysaysto si uu Alle u caabudo isagoo aan ujeedo kale ka lahayn Ilaahay xukunkiisa inuu fuliyo mooyee. Waana camal uu qofku qalbiga gashado oo aan u baahnayn inuu carabka kaga dhawaaqo. Niyadda in afka laga
dhawaaqaana sharci maaha. Sidaas waxa uu Rassulku Salallaahu caleyhi wasalam inoogu caddeeyey Xadiis laga soo weriyey Cumar (Ihkra) inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Camal waliba waa niyadda, qof walibana wuxuu niyeeyo ayuu leeyahay.” (Jamaacada ayaa soo werisay).
2.Wejiga oo la maydho mar keliya: Kaas oo ah in biyaha la wada gaadhsiiyo foodda ilaa gadhka iyo daamanka hoostooda, iyo dhegta caaradeeda ilaa dhegta kale caaradeeda.

3. Gacmaha oo ilaa xusulada la maydho: Xusulku waa meesha kala soocda tagoogta iyo cududda, waana waajib in xusulka la maydho. Sidaa ayaa Rasuulkeenii Muxammad ahaa Salallaahu caleyhi wasalam laga soo weriyey inuu fali jiray, oo aanu marna dhaafin.

4. Madaxa oo la masaxo:
Madaxa waa in lagu masaxo (ama la mariyo) baabacooyinka oo qoyan. Masixid macneheedu waa in dhaq-dhaqaaq jiro, haddii gacanta oo qoyan madaxa lagu taabto ama la kor saaro oo keliya masixid noqonmayso. Wuxuu Alle yidhi : Subxaanahu watacaalaa Ku masaxa madixiina . . . . Taas macneheedu ma,aha in madaxa oo dhan biyo lagu qooyo ee waxay tilmaamaysaa in madaxa qayb ka mid ah biyaha lagu masaxo. Waxa Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam ka soo sugnaaday saddex nooc oo madaxa loo masixi karo. Kuwaas oo ah:

b) Madaxa dhammaan in la masaxo Cabdullah bin Zayd waxa laga soo weriyey: “Inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam madaxa oo dhan masaxay isagoo gacmaha hore iyo gadaal u marinaya. Wuxuu ka bilaabay foodda oo gacmaha kormariyay ilaa qadaadka, markaasuu haddana dib ugu soo celiyay halkii uu ka bilaabay.” (Jamaacada ayaa soo werisay).
t) Cumaamadda oo kelideed la masaxo
Camr bin Ubayah Allaah haka raali ahaado waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Waxaan arkay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam oo masaxay cumaamaddiisa (duubka madaxa) iyo khufkiisa .” (Axmad iyo, al-Bukhaari, iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey).

Bilaal isagana Allaah haka raali ahaado waxa laga soo weriyey inuu Nebiga Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Masaxa khufkiina iyo duubka madaxa.” (Axmad ayaa soo weriyey).

Cumar (Ihkra) wuxuu isna yidhi: “Qofkii qaba masixiddu in aanay cumaamadda daahirinin, Alle madaahiriyo”
Arrintaa waxa ku soo aroortay Axaadiis baban oo ay soo weriyeen al-Bukhaari, Muslim iyo qaar kale. Culimada ahlul cilmiga intooda badanina sidaas ayay ku camal falaan.

j) Masixidda foodda iyo cumaamadda Al-Muqiirah Ibnu Shucbah (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam ayaa weysaystay, wuxuu masaxayna foodda, cumaamadda korkeeda, iyo labada khuf.” (Muslim ayaa soo weriyey).
Hase yeeshee, kamay soo sugnaan Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam inuu madaxa badhkii oo keliya masaxay, inkastoo Aayadda Qur’aanka ah ee kor ku xusani (Al-Maaidah: 6) ay sidaa tilmaamayso. Mana ansaxayso haddii la masaxo timaha ka soo baxsan foodda ama kuwa wejiga dhinaca kaga yaala oo keliya.

5. Lugaha oo la maydho ilaa qoobabka: Sidaas ayaa isdaba joog loogaga soo tebiyay ugana soo sugnaatay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam qawl iyo ficilba. Waxay al-Bukhaari iyo Muslim ka soo weriyeen Ibnu Cumar Allaah haka raali ahaado inuu yidhi: “Rasuulka ayaa maalin naga yara hadhay anagoo safar ah, wuxuu nasoo gaadhay anagoo u weysaysanay salaaddii Casarka oo aanu dib uga dhignay waqtigeedii. Wuxuu na arkay Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam anagoo maydhayna adimada. Intuu kor ugu dhawaaqay ayuu yidhi: “Waxa hoogay oo naar ku sugan kuwa aan maydhin cidhbahooda, sidaas wuxuu Rasuulku ku celiyay laba ama saddex goor.” (Sixadiisa waa laysku waafaqay).
Dhammaan faraa'idka aan kor ku sheegnay wuxuu Ilaahay ku tilmaamay suuradda Al-Maa'idah. Wuxuu Alle yidhi: (Kuwa Alle rumeeyow haddii aad salaad u kacdaan maydha wejigiina iyo gacmihiina ilaa xusulada. Madaxiinana masaxa lugahana maydha ila qoobabka. (Al-Maa'idah: 6).
Tartiibta: Wuxuu Alle Subxaanahu watacaalaa ku sheegay Aayadda kor ku xusan siday u kala horeeyaan xubnaha weysadu, isagoo kala saaray lugaha, gacmaha (oo ay waajib tahay labadaba in la maydho) iyo madaxa oo ah in la masaxo. Carabtu Islaamka ka hor may kala sooci jirin arimaha iyadoo faa’iido ku jirto mooyee. Faa’iidada hadda ku jirta in xubnaha la kala soocona waa tartiibta oo ah arrin uu Alle Subxaanahu watacaalaa Aayadda kor ku xusan inuugu caddeeyay, Rasuulka Allena Salallaahu caleyhi wasalam inoogu sheegay Xadiiska uu yidhi Salallaahu caleyhi wasalam : “Ku bilaaba (weysada) wuxuu Alle ku bilaabay ” : Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam tartiibta ugu dhaqmi jiray inay ka mid tahay arkaanta weysada. Kamanay soo sugnaan ama lagama soo werin Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam م inuu tartiibta weysada marna dhafay. Weysaduna waa qayb cibaadada ka mid ah. Sidaas darteed, waxa waajib ah in aynu ugu camal-fallo siday Alle iyo Rasuulkiisu ina fareen oo taam ah. Umana bannaana qof keliya inuu khilaafo wixii ka soo sugnaaday Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam


logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

673833
Today
Yesterday
All days
321
841
673833
2024-09-08 04:17

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dd253bc52ac21136276701725769019
title_66dd253bc53cb3930041811725769019
title_66dd253bc54d019428887661725769019
title_66dd253bc55cb330940661725769019
title_66dd253bc56cf7102437161725769019
title_66dd253bc57c613267920291725769019

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dd253bc672f10899812011725769019
title_66dd253bc681612519978081725769019
title_66dd253bc68f910914904351725769019
title_66dd253bc69d819905748101725769019

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com