FIQHI CIBAADAAT


 twahara


Weysadu waa dahaaro ama nadiifin wejiga, gacmaha, madaxa iyo lugaha lagu nadiifyo biyo. Weysadu waxay ku sugan tahay lagana soo xigtay saddex daliil oo kala ah:

1. Kitaabka Alle: Wuxuu Alle Subxaanahu watacaalaa yidhi: (Kuwa Alle rumeeyow haddii aad salaad u kacdaan maydha wejigiina iyo gacmihiina ilaa xusulada. Madaxiinana masaxa lugahana maydha ila qoobabka ) (Al-Maa'idah: 6).
2. Sunnaha Rasuulka: Al-Bukhaari, Muslim, Abu Daa'uud iyo at-Tirmidi waxay Abuu Hurayra ka soo weriyeen inuu Rassulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi “Ilaahay salaad kama aqbalo qofkay weysadu ka jabto ilaa uu weysaysto.”
3. Ijmaaca Culimada: waxay dhammaan culimada Islaamku isku waafaqeen inay weysadu tahay sharci ku dhaqankiisa uu inooga tegay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ilaa maantana ah shay daruuro ah oo la og yahay.

FADLIGA WEYSADA :
Weysadu fadli aad u qiima badan ayay leedahay sida ku soo aroortay Axaadiis badan oo aan qaarkood halkan ku tilmaami doono.

1. Cabdullah as-Sunaabiji waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi “Marka uu addoonka Alle weysaysto ee uu luqluqdo, wixii uu xumaan ama gef afkiisu falay waa laga tirtiraa. Sidoo kale, markuu sanka biyo mariyo dembi ayaa laga tirtiraa. Markuu wejiga maydho dembi kale ayaa laga tirtiraa ilaa uu dembigiisu ka siibmo xirribaha indhihiisa. Markuu gacmaha maydho qofkaa dembigiisu wuxuu ka siibmaa gacmihiisa ilaa uu ka baxo ciddiyaha hoostooda. Markuu madaxa masaxo wuxuu dembigiisu ka baxaa madixiisa ilaa uu ka siibmo dhegihiisa. Markuu lugaha maydhana dembigiisu wuxuu ka baxaa lugihiisa ilaa uu ka siibmo ciddiyaha hoostooda. Dabadeetana socodka uu u kicitimo Masjidka iyo salaadda uu tukado labaduba waxay u noqdaan ajar dheeraad ah.” (Maalik, anNasaa'i, Ibnu Maajah iyo al-Xaakim ayaa soo weriyey)
Maalik (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qofkii dhaqan wanaagsan leh camalkiisa oo dhan Alle wuu u hagaajiyaa. Qofkii salaad u weysaystana Ilaahay dembigiisa wuu dhaafaa, salaaddiisuna waxay u noqotaa ajar dheeraad ah.” (Waxa soo weriyey Abuu Yaclaa, al-Bazaar iyo adDabaraani oo isagu ku soo weriyey kitaabkiisa al-Awsad). Nasru-Diin al-Albaani wuxuu tilmaamay inuu Xadiiskanu yahay Xadiis daciif ah. (Eeg Silsilat al-Axaadiith ad-Daciifah: 2999).

Abuu Hurayra waxa laga soo weriyey inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Ma idiin sheegaa waxa uu Ilaahay dembiga ku dhaafo derejooyinna dadka ugu siyaadiyo? Waxay Asxaabti tidhi noo sheeg Rasuulkii Allow. Wuxuu yidhi: Weysada oo la dhamays tiro, khaas ahaan waqtiga dhibaatada (sida qabowga subaxda jiilaalka), badinta u socodka (talaabada) Masjidka iyo salaad markaad tukato inaad salaadda kale Masjidka ku sugto. Sidaasi waa jihaad. Sidaasi waa Jihaad, sidaasi waa Jihaad. (Maalik, Muslim, at-Tirmidi iyo an-Nasaa'i ayaa weriyay).
Waxa kale oo Abii Hurayra laga soo weriyey inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam soo mary xabaalo (qabuuro) oo yidhi: “Nabad-gelyo korkiina ha ahaato dadyow mu’miniinta ahi, annaguna haddii Alle idmo dhowaan waanu idinka daba iman. Waxaan jeclaan lahaa inaan walaalahay arko.” Waxay Asxaabti yidhaadeen: Rasuulkii Allow, annagu miyaanaan walaalahaa ahayn? Wuxuu yidhi: “Idinku waxaad tihiin Asxaabtaydii, walaalaheenna waa kuwa aan wali imanin1.” Waxay yidhaaheen: Rasuulkii Allow sideed ku garanaysaa kuwa Ummaddaada aan wali imanin? Wuxuu yidhi: “Haddii uu qof leeyahay fardo food cad oo ku dhex jira fardo food madow, miyaanu fardihiisa garan karin?” Waxay yidhaahdeen: Mayee wuu garan karaa Rasuulkii Allow. Wuxuu Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Waxay imandoonaan iyagoo caddaan (dhalaal ama nuur) ku leh meesha weysadu marto. Markaasaan ku sugi Xawdka.
Waxa jiri doona rag Xawdkayga looga eryi doono sida uu geel-jiruhu darka (ceelka) uga eryo neefka hallowga ah. Markaasaan u imandoonaa (walaalahay), waxa la odhan doonaa: Dabadaa waxbay beddeleen. Waxaan odhan doonaa, fogaa , fogaa.” (Muslim ayaa soo weriyey).


logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

673833
Today
Yesterday
All days
321
841
673833
2024-09-08 04:17

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dd253bc52ac21136276701725769019
title_66dd253bc53cb3930041811725769019
title_66dd253bc54d019428887661725769019
title_66dd253bc55cb330940661725769019
title_66dd253bc56cf7102437161725769019
title_66dd253bc57c613267920291725769019

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dd253bc672f10899812011725769019
title_66dd253bc681612519978081725769019
title_66dd253bc68f910914904351725769019
title_66dd253bc69d819905748101725769019

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com