FIQHI CIBAADAAT


 twahara


SUNANKA FIDRADA

(Arimaha Waafaqsan Abuurta Banii Aadamka)
Ilaahay wuxuu u dooray Nebiyadiisa Sunne (dhaqan). Sunnahaas uu Ilaahay Nebiyadiisa u dooray wuxuu ina faray in aan inaguna la nimaadno kuna dayano Nebiyadiisu siday faleen. Sunankaa wuxuu Alle ka yeelay shacaa’irka (astaamaha) lagu garto Anbiyadiisa si loo raaco looguna daydo, dadka kalena loogaga sooco. Kuwaas oo loo yaqaano Sunanka Fidrada, waxa ka mid ahna kuwa soo socdaa:
1. Xalaalaynta:
Xalaalayntu waa in buuryada inta hore ee dheeraadka ah woxoogaa laga jaro. Xalaalayntu waa arrin caafimaadka qofka u fiican, una hawl yaraysa ragga nadaafadda, galamada xaaskiisana ninka u wanaajisa. Haweenkana waa in laga gooyo cad yar oo xagga kore ku yaala. Hase yeeshee, xalaalaynta haweenka Axaadiis saxiix ahi kumaysoo aroorin ee waa caado gabowday oo keliya. Al-Bukhaari wuxuu Abuu Hurayra ka soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Nebi Ibraahiim  wuxuu isxalaaleeyey isgoo sideetan jir ah wuxuu isku xalaakleeyayna gudin (al-Quduum)1.”
Culimada intooda badani (al-Jamhuur) waxay qabaan inay xalaalaynta raggu waajib tahay. Imaam ash-Shaafici wuxuu qabaa in caruurta la xalaaleeyo markay toddoba maalmood jiraan. Ash-Shawkaanina wuxuu yidhi: Ma jiro daliil xadidaya waqtiga ubadka la xalaaleeyo, ama sheegaya inuu waajib yahay.
2-3. Xiiridda bisqinta iyo kilinkilada:
Timaha bisqinta waa in la xiiro. Timaha kilinkiladana waa in la rujiyo. Labadan Sunne haddii la kari waayo sida aan kor ku sheegnay waxa kefeeya in timaha la xiiro ama la gaabiyo lana nadiifiyo.
4-5. Ciddiyaha oo la guro iyo shaarubaha oo la quseeyo:
Waxa ku soo arooray labadan arrimood Axaadiis badan oo saxiix ah. Ibnu Cumar (Ihkra) waxa laga soo weriyey Inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Mushrikiinta khilaafa: Gadhka dhaqa (la baxa) shaarubahana quseeya.” (Labada Sheekh ayaa soo weriyey).
1 Al-Quduum waxay noqon kartaa oo kale meel wadanka Shaam (Suuriya) ku taal. Macnihii wuxuu isku xalaaleeyay meesha al-Quduum la yidhaahdo.
Dahaarada _ 49
Waxa kale oo Abuu Hurayra laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi “Shan arrimood ayaa fidrada ka mid ah: Bisqinta oo la xiiro, buuryada oo la jaro (xalaalaynta), shaarubaha oo la quseeyo, kilinkilada oo timaha laga guro iyo ciddiyaha oo iyana la guro.” (Jamaacada ayaa soo werisay).

Ujeedadu waxay tahay inaan shaarubaha la dheeraynin si aan wixii la cunayo ama la cabbayo iyo wisikhdu aanay ugu dhegin uguna ururin. Yaziid bin Arqam (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qofkii aan shaarubihiisa goynin (gaabin) inaga mid maaha.” (Axmad iyo an-Nasaa’i ayaa soo weriyey, iyo at-Tirmidi oo yidhi waa Saxiix).
Si ay nadaafad taam ahi qofka ugu suura gasho, jidhkiisuna u raaxaysto; Diinta Islaamku waxay ina faraysaa in bisqinta la xiiro, kilinkilada iyo ciddiyahana la guro, shaarubahana la quseeyo toddobaadkiiba mar. Culimada qaarkood waxay banneeyeen iyagoo cuskanaya Xadiis Anas bin Maalik laga soo weriyey in afartankii (40) maalmoodba mar sidaa la falo, haddii toddobaadkiiba mar la kari waayo. Anas bin Maalik waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu noo xadiday inaan shaarubaha qusayno, ciddiyaha iska gurno, Bisqinta xiirno, timaha kilinkiladana rujinno, oo aanaan dhaafin afartan habeen wax ka badan.” (Axmad Abuu Daa’uud iyo qaar kale ayaa soo weriyey).
6. Gadhka in lala baxo:
Gadhka waa in lala baxo oo la dhaqo (daayo) lana nadiifiyo, loogana shaqeeyo si ay uu qofka haybad ugu siyaado. Taas oo ah in la isku simo aadna aan loo dheerayn ama loo gaabin, laakiin meel dhexaad laga dhigo. Waayo waa calaamad raganimo oo haybad muujinaysa. Ibnu Cumar (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam .
Dahaarada _ 50
yidhi: “Mushrikiinta khilaafa, gadhka la baxa, shaarubahana quseeya” (Sixadiisa waa laysku waafaqay). Al-Bukhaari wuxuu ku daray: Ibnu Cumar markuu Xajka ama Cumrada tago intuu gacanta gadhkiisa ka buuxiyo oo uu ku duubo ayuu wixii gacantiisa dheer gadhka ka goyn jiray.
7. Daryeelka timaha madaxa:
Qofkii Ilaahay timo siiyo waxa la gudboon inuu daryeelo (nadiifiyo, saliideeyo oo feedho). Abuu Hurayra waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam
yidhi : “Qofkii Ilaahay timo siiyaa waa inuu daryeelo.” (Abuu Daa'uud ayaa soo weriyey).
Cadaa’ bin Yasaar (Ihkra) isna wuxuu yidhi: “Nin ayaa Nebiga Alle Salallaahu caleyhi wasalam u yimi isagoo gadhkiisa iyo timihiisuba ay coof1 yihiin. Markaasuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam ishaaro siiyey aad moodo inuu farayo inuu soo hagaajiyo timaha madixiisa iyo gadhkiisa. Ninkii intuu sidaa falay ayuu soo noqday. Markaasuu Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Miyaanay sidaasu ka khayr badnayn qofka la yimaada madixiisa oo aan hagaagsanayn siduu shaydaan yahay.” (Maalik ayaa wkasoco
eriyey)2.
Abii Qataadah (Ihkra) wuxuu lahaa gadh aad u tima badan oo weyn, kolkaasuu Nebiga
Salallaahu caleyhi wasalam weydiiyey wuxuu ka yeeli lahaa. “Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam ku amray inuu hagaajiyo (feedho) oo ka shaqeeyo maalin kasta.” (An-Nasaa’I ayaa soo weriyey). Lafdiga Imaam Maalik uu ku soo weriyey kitaabka al-Muwadda’ wuxuu yahay inuu Qataadah yidhi: “Rasuulkii Allow waxaan leeyahay gadh weyn ee miyaan
Coofku waa timaha aan laga shaqaynin lana feedhin (shanlaynin) ee taag-taagan.
Nasrud-Diin al-Albaani wuxuu sheegay inuu Xadiisku daciif yahay (Tamaam al-Minnah).
Dahaarada _ 51
feedhaa (shanleeyaa)? Wuxuu yidhi: “Haa . . . daryeelna.” Sidaas darteed, Qataadah maalintii laba goor ayuu subki jiray oo feedhi jiray gadhkiisa.
Xiiridda dhammaan timaha madaxu way bannaan tahay, sidoo kale in la dhaqo oo la koriyaana way bannaan tahay. Sidaa wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam inoogu sheegay Xadiis laga soo weriyey Ibnu Cumar inuu yidhi Salallaahu caleyhi wasalam : “Timaha madaxa dhammaantood xiira ama dhaafa.” (Axmad, Muslim, Abuu Daa'uud iyo an-Nasaa'i).
Hase yeeshee, in timaha badh la xiiro badhna la dhaafo Diintu ma ogola. Sidaas waxa uu Rasuulku inoogu sheegay Xadiis laga soo weriyey Naafic oo uu ka soo raray Ibnu Cumar (Ihkra): “Inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam inoo diiday al-qazac. Naafic waxa la weydiiyey: Muxuu yahay al-qazac? Wuxuu yidhi: Waa timaha madaxa ilmaha sabiga ah oo badh la xiiro badhna la dhaafo.” (Sixadiisa waa laysku waafaqay).
8. Cirrada in aan la gurin
Ragg iyo dumarba waxay Diinta Islaamku ina faraysaa in cirrada madaxa iyo gadhka midna aan la gurin ee meeshooda lagu dhaafo. Rag iyo dumar labaduba arrintaa way ka siman yihiin. Camr bin Shucayb wuxuu ka soo weriyey aabihii oo awowgii ka soo raray (Ihkra) inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Cirrada ha gurina waayo ciradu waa nuurka Muslimka, qofkii Islaamnimo ay cirro kaga soo baxdo wuxuu Ilaahay cirro walba ugu qoraa wanaag (xasano), derejo xaggiisa ahna Ilaahay wuu ugu kordhiyaa, isla markaana dembi uu galay ayuu Ilaahay kaga dhaafaa cirro kasta oo ka soo baxda.” (Axmad, Abuu Daa'uud, at-Tirmidi, an-Nasaa'i iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey).
Dahaarada _ 52
Sidoo kale, Anas bin Maalik (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Waanu karhi jirnay inuu ninku cirrada madaxa iyo gadhka ka guro.” (Muslim ayaa soo weriyey).
9. Cirrada in la xinneeyo
Diinta Islaamku waxay inagu dhiirisay in cirrada la xinneeyo. Abuu Hurayra waxa laga soo soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Yuhuudda iyo kiristaanku ma xineeyaan cirradooda, sidaas darteed khilaafa (idinku xineeya).” (Jamaacadaa werisay).
Dhammaan waxa cirrada la mariyo waxa ugu fiican uguna fadli badan xinnaha sida uu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam inoogu sheegay Xadiis Abii Darr (Ihkra) laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Dhammaan waxa cirrada midabkeeda lagu gediyo waxa ugu fiican xinnaha iyo katimka1 .” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey).
Waxa jira riwaayado odhanaya karaahiyo ayaa ku jirta in cirrada la xinneeyo. Hase yeeshee, waxa cad inay arrintaasu khilaafsan tahay Sunnaha, dhaqanka iyo caadada intaba. Asxaabta qaar waxa laga soo weriyey inay fadli badan tahay inaan cirrada xinnaha la marin. Qaarkoodna waxa laga soo weriyey inuu xinnuhu fadli badan yahay. Asxaabta qaar waxay midabka cirrada ku gediyi jireen xinne, katim iyo sacfaraan, qaarkoodna midab madow. Ibnu Xajr wuxuu Fatxul Baarii ku qoray inuu Ibnu Shihaab az-Zuhriyi yidhi: Waxaanu isticmaali jiray midabka madow intuu wejigu da’da yar yahay. Markuuse wejigu corgogo2 ee ilkuhuna ay daataan waanu iska dhaafi jiray.”3
Waa caleen sida xinnaha cirrada la mariyo.
Markuu wejigu gaboobo ee laa-laabmo.
Nasrud-Diin al-Albaani oo arrintaa ka faalooday wuxuu sheegay inay Sunnaha Rasuulka  ee qawl iyo ficilba ah khilaafsan tahay in cirada midabka madaw la mariyo balse ay tahay in laga fogaado midabka madaw.
Dahaarada _ 53
Jaabir bin Cabdullah (Ihkra) isna waxa laga soo weriyey: “In maalintii Makka la furay Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam loo keenay Abii Qaxaafah1 isagoo madixiisu uu wada cirro yahay. Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “U geeya xaasaskiisa midkood timihiisa midabka ha ka bedeshee, kana fogaada2 midabka madow.” (Jamaacada ayaa soo werisay al-Bukhaari iyo at-Tirmidi mooyee).

Arrintanu waa wax mar dhacay oo aan caam laga dhigi karin, isla markaana midabka madoobi kuma habboona umana qalmo qof da’ ah sida Abii Qaxaafah oo uu madixiisu wada cirro ahaa.
10. Udgugga
Udgoonka Miskiga iyo wixii la mid ahi naftay u raaxeeyaan ruuxana fir-fircooni iyo tamar (xoog) ayay ku abuuraan. Anas bin Maalik wuxuu sheegay inuu Rasuulka Alle
Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Dhammaan waxa adduunka korkiisa ku uuman saddex ayaan jecelay, dumarka, cadarka iyo indhahayga oo salaadda ku qabowsada.” (Axmad iyo an-Nasaa'i ayaa soo weriyey).
Abuu Hurayra isagana waxa laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qofkii cadar la siiyo waa inaanu diidin, waayo qaadistiisu way fududay, urtiisuna way fiicantay” (Muslim, an-Nasaa’i iyo Abuu Daa’uud ayaa soo weriyey).
Sidoo kale, Abii Saciid (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam , isagoo miskiga tilmaamaya yidhi: “Waa cadarka oo dhan ka ugu fiican.” (Jamaacada ayaa soo werisay al-Bukhaari iyo Ibnu Maajah mooyee).
Abuu Bakar aabihii.
Ha marinina midabka madow.
Dahaarada _ 54
Naafic isaguna wuxuu sheegay: “Inuu Ibnu Cumar shidan jiray cuud saafi ah iyo kaafuur uu isku daray, yidhina sidaas ayuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam fali jiray.” (Muslim iyo aN-Nasaa’i ayaa soo weriyey).


logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

673833
Today
Yesterday
All days
321
841
673833
2024-09-08 04:17

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dd253bc52ac21136276701725769019
title_66dd253bc53cb3930041811725769019
title_66dd253bc54d019428887661725769019
title_66dd253bc55cb330940661725769019
title_66dd253bc56cf7102437161725769019
title_66dd253bc57c613267920291725769019

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dd253bc672f10899812011725769019
title_66dd253bc681612519978081725769019
title_66dd253bc68f910914904351725769019
title_66dd253bc69d819905748101725769019

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com