SAKAATUL FIDRIGGA :

Allaah wuxuu ku waajibiyey qofkii heysta wax ka badan baahidiisa maalinta ciidda iyo habeenkeeda oo raashin ah inuu bixiyo madaal ah cuntada laga helo magaalada ee leh bariis ama sareen ama timir la siiyo fuqarada iyo masaakiinta ka mid ah muslimiinta, si aanu u jirin maalinta ciidda qof baahan.
Waqtigeeda: Waqtiga la bixiyo sakada fidirka waa laga billaabo qorrax dhaca maalinka u dambeeya Ramadaanka ilaa ka hor salaadda ciidda, waxaana bannaan in la bixiyo ciidda ka hor habeen ama labo habeen.
Qaddarka la bixinayo sakada fidirka waa madaal raashinka laga cuno magaalada ah ee leh sareen ama bariis ama timir iwm, madaalkana waa beegga kiilooyinka, laakiinse in lagu cabbiro miisaan baa fudud cabbir iyo qiyaas ahaan, wuxuuna la mid yahay seddex kiilo garaam ku dhowaad.
Waxayna ku waajibtaa qofka naftiisa iyo cidda ay saaran tahay masruufiddiisa sida xaaskiisa iyo ilmahiisa, waxaana fiican in laga bixiyo ilmaha ku jira uurka hooyada, wuxuu ka bixin nafsad walbaa madaal cuntada beledka ah macnaha seddex kiilo garaam ku dhowaad.
Rasuulka Ilaahay baa faral yeelay” ka daahirin ahaan soomanaha wixii ka dhacay hadal macno darro ah iyo af lagaaddo, iyo quudin ahaan masaakiinta, marka qofkii bixiya salaadda ciidda ka hor waa sako aqbal ah, qofkiise bixiya salaaddda ciidda kddib waa sadaqo ka mid ah sadaqooyinka oo ma aha sako fidir”. (Abuu Daawuud 1609)
2- Waxaa la sharciyeeyey in la faafiyo farxadda iyo reynreynta yar iyo weynba rag iyo dumarba oo lagu muujiyo wax kasta oo bannaan, iyo xirashada dharka kuwa ugu qurxoon oo u wanaagsan, iyo in Allaah loogu cibaadeysto afuridda iyo in wax la cuno dharaarta maalinkaas, sidaas awgeed waa xaaraan in la soomo maalinka ciidda.
3- Waxaa sharci ah takbiir Allaah Cazza Wajalla darti habeenka ciidda iyo marka loo baxayo salaadda ciiidda, wuxuuna ku eg yahay waqtiga takbiirka gudashada salaadda ciidda, arrinkaasina waa muujin farxad dhammeystiridda soomidda Ramadaanka barakeysan iyo ka mahad celin nicmadda ilaahay noo galay iyo nagu hanuunintiisa innaga soonka. Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
“Inaad xurmo weyneysaan Allaah inuu idin hanuuniyey darteed, iyo inaad mahad naqdaan.” (Al-Baqarah: 185)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1491802
Today
Yesterday
All days
1134
2040
1491802
2026-01-31 09:53

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_697dd0fe8a2104225370951769853182
title_697dd0fe8a26119322850791769853182
title_697dd0fe8a2ad1912030561769853182
title_697dd0fe8a2f91032550521769853182
title_697dd0fe8a3438460821801769853182
title_697dd0fe8a38e6090739111769853182

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_697dd0fe9bb451026116421769853182
title_697dd0fe9bb958228782311769853182
title_697dd0fe9bbe28368727211769853182
title_697dd0fe9bc2f11242306501769853182

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com