SAKAATUL FIDRIGGA :

Allaah wuxuu ku waajibiyey qofkii heysta wax ka badan baahidiisa maalinta ciidda iyo habeenkeeda oo raashin ah inuu bixiyo madaal ah cuntada laga helo magaalada ee leh bariis ama sareen ama timir la siiyo fuqarada iyo masaakiinta ka mid ah muslimiinta, si aanu u jirin maalinta ciidda qof baahan.
Waqtigeeda: Waqtiga la bixiyo sakada fidirka waa laga billaabo qorrax dhaca maalinka u dambeeya Ramadaanka ilaa ka hor salaadda ciidda, waxaana bannaan in la bixiyo ciidda ka hor habeen ama labo habeen.
Qaddarka la bixinayo sakada fidirka waa madaal raashinka laga cuno magaalada ah ee leh sareen ama bariis ama timir iwm, madaalkana waa beegga kiilooyinka, laakiinse in lagu cabbiro miisaan baa fudud cabbir iyo qiyaas ahaan, wuxuuna la mid yahay seddex kiilo garaam ku dhowaad.
Waxayna ku waajibtaa qofka naftiisa iyo cidda ay saaran tahay masruufiddiisa sida xaaskiisa iyo ilmahiisa, waxaana fiican in laga bixiyo ilmaha ku jira uurka hooyada, wuxuu ka bixin nafsad walbaa madaal cuntada beledka ah macnaha seddex kiilo garaam ku dhowaad.
Rasuulka Ilaahay baa faral yeelay” ka daahirin ahaan soomanaha wixii ka dhacay hadal macno darro ah iyo af lagaaddo, iyo quudin ahaan masaakiinta, marka qofkii bixiya salaadda ciidda ka hor waa sako aqbal ah, qofkiise bixiya salaaddda ciidda kddib waa sadaqo ka mid ah sadaqooyinka oo ma aha sako fidir”. (Abuu Daawuud 1609)
2- Waxaa la sharciyeeyey in la faafiyo farxadda iyo reynreynta yar iyo weynba rag iyo dumarba oo lagu muujiyo wax kasta oo bannaan, iyo xirashada dharka kuwa ugu qurxoon oo u wanaagsan, iyo in Allaah loogu cibaadeysto afuridda iyo in wax la cuno dharaarta maalinkaas, sidaas awgeed waa xaaraan in la soomo maalinka ciidda.
3- Waxaa sharci ah takbiir Allaah Cazza Wajalla darti habeenka ciidda iyo marka loo baxayo salaadda ciiidda, wuxuuna ku eg yahay waqtiga takbiirka gudashada salaadda ciidda, arrinkaasina waa muujin farxad dhammeystiridda soomidda Ramadaanka barakeysan iyo ka mahad celin nicmadda ilaahay noo galay iyo nagu hanuunintiisa innaga soonka. Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
“Inaad xurmo weyneysaan Allaah inuu idin hanuuniyey darteed, iyo inaad mahad naqdaan.” (Al-Baqarah: 185)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1814557
Today
Yesterday
All days
1237
1967
1814557
2026-06-26 09:18

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a3e43d37585816434996551782465491
title_6a3e43d3758c418306159561782465491
title_6a3e43d37592720422644031782465491
title_6a3e43d37598a10792574871782465491
title_6a3e43d3759ed17630248341782465491
title_6a3e43d375a3a19098317541782465491

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a3e43d38a62420086095471782465491
title_6a3e43d38a6786544464511782465491
title_6a3e43d38a6c61284096181782465491
title_6a3e43d38a7164379355181782465491

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com