FARAA’IDKA SALAADDA :
Salaaddu waxay leedahay rukunno fard ah oo midna la'aantood aanay ansaxayn haddii laga tago ama aan loo fulin siduu Alle Caza wajala ina faray. Kuwaas oo ah:
1.Niyadda: Wuxuu Alle Caza wajala yidhi: Dadka lama farin waxaan ahayn inay cibaadada Alle u khaalis yeelaan Diintana Eebbe ku keli yeelaan (aanay Alle mooyee wax kale caabudin), salaaddana oogaan, zekadana bixiyaan, sidaas weeye Diinta qumani. (Al-Bayinah: 5).
Rasuulka Allena Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yidhi: “Camal waliba waa niyadda, qof waliba wuxuu leeyahay wuxuu niyaysto. Qofkii goosta inuu u haajiro xagga Alle iyo Rasuulkiisa, hijraddiisu waa xagga Alle iyo Rasuulkiisa. Qofkii u haajira inuu maal adduunyo soo xereeyo ama guursadana, hijraddiisu waa wuxuu niyaystay.” (AlBukhaari ayaa soo weriyey). Horena waxaynu Xadiiskan ugu soo sheegnay markaynu Baabka weysada ka hadlaynay.
Ibnul Qayim wuxuu ku qoray kitaabkiisa “Iqaathat al-Lahfaan”: Niyaddu waa qasdi ka soo go’a gofka kana yimaada qalbigiisa oo aan raad ku lahayn carrabka. Sidaas darteed, lagama soo tebin Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam iyo Asxaabtiisa midna inay niyadda carrabka kaga dhawaaqeen. Waxyaabaha bidcada ah ee dadka qaar falaan oo ah inay niyadda ku dhawaaqaan markay weysaysanayaan ama salaadda xidhanayaan waa dabin uu shaydaanku u qoolay dadkaa oo wis-wis geliya si uu shaydaanku u dhibo. Dadkaasu waxay isku dayaan inay xaqiijiyaan niyaddooda. Sidaas darteed, waxaad arkaysaa dad niyadda ku dhawaaqaya kuna cel-celinaya markay salaadda xidhanayaan, waana arrin aan salaadda raad ku lahayn.
2. Takbiirta: Takbiirtu waa niyadda dabadeed camalka ugu horeeya ee salaadda lagu guda-galo ama lagu xidho. Cali bin Abii Daalib (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Furaha salaaddu waa dahaarada (weyso), waxa lagu guda-galaana (xidhaana) waa takbiir (Allaahu akbar), waxa lagaga baxaana waa tasliim (asalaamu calaykum).” (Waxa soo weriyey ash-Shaafici, Axmad, Abuu Daa’uud, Ibnu Maajah iyo at-Tirmidi oo isagu yidhi: Xadiiskan ayaa ugu saxsan uguna fiican waxa baabkan ku soo arooray; iyo al-Xaakim iyo Ibnu Saknina oo iyana saxixay).
Sidoo kale, Abuu Xamiid waxa laga soo weriyey: “Inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam markuu salaad u kaco intuu si qumman isu taago oo gacmaha kor u qaado uu odhan jiray Allaahu akbar.” (Waxa soo weriyey Ibnu Maajah, waxa kale oo soo weriyey Ibnu Khusaymah iyo Ibnu Xibbaan oo saxixay).
Sidoo kale, Cali (Ihkra) waxa laga soo weriyey: “Inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam markuu salaadda u kaco odhan jiray “Allaahu akbar” (Waxa soo saaray alBazaar waana ku saxiix qiyaasta Muslim).
3. Sarajoog in lagu tukado salaadaha faradka ah: Waa waajib ku sugan Kitaabka Alle, Sunnaha Rasuulka iyo Ijmaaca culimada intaba in salaadda sarajoog lagu tukado iyadoo la kari waayo mooyee. Wuxuu Alle yidhi Caza wajala Xafida (ilaashada) salaadaha iyo salaadda dhexe (Casarka), una istaaga1 Alle dartii idinkoo khushuucsan . (Al-Baqarah: 238).
Dhinaca Xadiiska waxa Cimraan bin Xusayn (Ihkra) laga soo weriyey inuu yidhi: “Babaasiir ayaa igu dhacday, markaasaan Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam weydiiyey sidaan salaadda u tukan lahaa? Wuxuu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Tuko adigoo taagan, haddii aad kari weydo, tuko adigoo fadhiya, haddii aad kari weydana tuko adigoo dhinac u jiifa.” (Al-Bukhaari ayaa soo weriyey). Sidaas ayay dhammaan culimaduna isku waafaqday. Sidoo kale, waxay culimadu isku raacday inay habboon tahay in adimada la kala yara fogeeyo marka salaadda la tukanayno.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1290646
Today
Yesterday
All days
166
2083
1290646
2025-10-22 02:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_68f83cdbe5f0712722686261761098971
title_68f83cdbe5fe75478585361761098971
title_68f83cdbe60b611696802741761098971
title_68f83cdbe61849146450871761098971
title_68f83cdbe624f20494826401761098971
title_68f83cdbe62f13891501081761098971

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_68f83cdbe704620497210431761098971
title_68f83cdbe71173067509941761098971
title_68f83cdbe71e76028403201761098971
title_68f83cdbe72957905930041761098971

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com