SHURUUDAHA SALAADDA :
Shuruudaha salaadda ka hor looga baahan yahay qofku inuu la yimaado la'aantoodna aanay salaaddi jiri karin waxay yihiin:
1. Ogaanshaha waqtiga salaadda: Markuu qofku hubiyo in uu waqtigii salaaddu joogo waa inuu tukado. Hubsiinada wuxuu qofku ku gaadhi karaa isagoo Eedaan maqla, ama wax waqtiga salaadda u sheega haysta (sida saacad) ama ijtihaad uu qofku la yimaado. Markuu qofku dhab ahaan u ogaado inuu waqtigii salaaddu joogo waa inuu tukado.
2. Dahaaradda (Nadaafadda): Salaadda ka hor waa inuu qofku daahir ka ahaado nijaasta muuqata iyo midda qarsoonba. Wuxuu Alle Caza wajala yidhi: Kuwa Alle rumeeyayow haddii aad salaad u kacdaan maydha wejigiina iyo gacmihiina ilaa xusulada. Madixiinana masaxa, lugahana maydha ila qoobabka. Haddii ay jinaabo idinku dhacdana is daahiriya (qusul sameeya). Haddii aad bugtaan ama aad safar tihiin, ama aad saxarootaan ama aad haween taabataan (u galmootaan) oo aydinaan biyo helaynin, ku gagabaysta ciid daahir ah, kuna masaxa wejigiina iyo gacmihiina. Ilaahay idinlama rabo dhibaato ee wuxuu rabaa inuu idin daahiriyo idiinna dhameeyo nimcadiisa si aad ugu mahad celisaan . (Al-Maa'idah: 6).
Ibnu Cumar (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Ilaahay dahaarad la'aan ma aqbalo salaad, sadaqo laga bixiyay, xoolo laga tuugaystay (xaday) maal dagaal (Qaswad) lagu hantayna ma aqbalo.” (Jamaacada ayaa soo werisay al-Bukhaari mooyee).
2. Nadiifinta jidhka, dharka iyo musallaha: Dhammaan intaa aan kor ku sheegnay waa inay nadiif ka aheedaan nijaasta muuqata inta awoodeenu tahay. Haddii nijaasta qaarkeed la suulin kari waayo oo tirtiriddeedu suura gal noqon weydo waa lagu tukanayaa laguna celin maayo salaaddaa. Dahaaradda jidhka waxa daliil u ah Xadiiska Anas bin Maalik laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Iska tirtira kaadida, waayo cadaabta qabriga inteeda badan ayay keentaa.” (Ad-Daaraqudni oo yidhi waa Xadiis xasan ah ayaa soo weriyey).
Cali bin Abii Daalib (Ihkra) wuxuu isna yidhi: Waxaan ahaa nin mani badani ka timaado. Anigoo Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam ka xishoonaya inantiisa aan qabo darteed ayaan nin kale faray inuu Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam weydiiyo arrintaa wixii laga yeeli lahaa. Ninkii wuu weydiiyey, Rasuulkina Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yidhi: ”Weysayso qoodhahaagana maydh.” (Al-Bukhaari iyo qaar kale ayaa soo weriyey).
Caa’isha (Ihkr) waxay iyana sheegtay inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam gabadh caadada haweenku ku dheeraatay ku yidhi: ”Dhiigga iska maydh, dabadeetana tuko.”
Dhinaca dahaaradda dharkana waxa daliil u ah qowlka uu Alle ku amray Rasuulkiisa Salallaahu caleyhi wasalam isagoo leh: Dharkaaga daahiri (Al-Mudathir: 4).
Jaabir bin Sumarah waxa laga soo weriyey inuu yidhi waxaan maqlay nin weydiinaya Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam” Miyaan ku tukadaa dharka aan xaaskayga ugu galmoodo?” Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: ”Haa haddii aanad wax ku arag. Laakiin, haddii aad wax ku aragto waa inaad maydho.” (Axmad iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey ragga soo tebiyayna waa lagu kalsoon yahay).
Mucaawiyah wuxuu yidhi: Ummu Xabiibah ayaan ku idhi: Miyuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam ku tukan jiray dharka uu haweenkiisa ugu galmoodo? Waxay tidhi: “Haa, haddii aan wax ku bi’n.” (Axmad iyo Asxaabta Sunanka ayaa soo weriyey at-Tirmidi mooyee).
Abii Saciid isagana waxa lag soo weriyey: Inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam kabaha iska saaray oo dadkii ku daba tukanayey iyana ay kabahoodii iska sareen. Markuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam salaaddii dhamaystay ayuu yidhi: “Maxaad isaga saarteen?” Waxay yidhaahdeen: Waxaanu aragnay inaad saartay anana waanu saarnay. Wuxuu yidhi: “Malak Jibriil ayaa ii yimi oo ii sheegay inay kabahaygu wisikh leeyihiin. Qofkii idinka mid ah ee Masjidka yimaadaa waa inuu kabihiisa rogo oo uu hoostooda eego. Haddii uu wisikh ku arko dhulka ha ku masaxo hana ku tukado.” (Axmad, Abuu Daa’uud, al-Xaakim, Ibnu Xibbaan iyo Ibnu Xuzaymah ayaa soo weriyey).
Xadiisku wuxuu ina tusayaa daliilka qofka kabaha ku tukada ee nijaas aanu ogayn ku soo joogsada ama ogaa inay kabihiisu nijaas leeyihiin laakiin ilaawa ee ogaada ama xasuusta nijaastaa salaadda dhexdeeda inay u bannaan tahay inuu qofkaasu kabaha iska saaro salaaddiisana halkaa ka sii wato oo aanu joojin. Isla markaana aan loo baahnayan inuu salaaddaa mar labaad ku celiyo. Musalluhu (meesha lagu tukanayo) waa inuu daahir ahaado. Waxa daliil u ah arrintaa Xadiiska laga soo weriyey Abuu Hurayra inuu yidhi: “Nin reer baadiye ah ayaa maalin ku kaadjay Masjidka Rasuulka .Asxaabtii ayaa u kacday inay fara saaraan oo ay ka joojiyaan. Hase ahaatee, Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam Salallaahu caleyhi wasalam ayaa yidhi: “Iska dhaafa oo baaldi ama kildhi biyo ah ku shuba (raaciya) kaadidiisa. Waxa laydiin soo saaray inaad isu debecsanaataan ee laydiinma soo saarin inaad isu qallafsanaataane.” (Jamaacada ayaa soo werisay Muslim mooyee).
Ash-Shawkaani oo arrintaa ka faaloonayaa wuxuu yidhi: “Daliilka aan kor ku sheegnay wuxuu inoo caddaynayaa inay waajib tahay inaynu dharka nadiifinno salaadda ka hor. Hase yeeshee, qofkii tukada isagoo dharkiisu uu nijaas leeyahay, waa qof dhaafay waajib ay salaaddu leedahay, salaaddiisuna may burin.” Sidoo kale, kitaabka Rawdat an-Nadiyah wuxuu sheegay: In Culimada intooda badani ay qabaan inay waajib tahay nadiifinta jidhka, dharka iyo musallaha intuba. Qaarkood waxay qabaan inay arrintaasu shardi u tahay salaadda, qaarna waxay qabaan inay Sunne tahay. Hase yeeshee, wuxuu xaqu yahay inay waajib tahay saddexduba inay nadiif ahaadaan si ay salaaddu u ansaxdo. Qofkii ukas ugu tukada dhar aan nadiif ahayn wuxuu yahay qof ka tegay waajib Alle faray, laakiin salaaddiisi burimayso.”
3. Asturidda cawrada: Wuxuu Alle Caza wajala yidhi: Banii Aadamow ziinaddiina1 (hugiina) u qaata Masjid kasta (Al-Acraaf: 31). Erayga ziinad waa wixii cawrada astura. Sidaas darteed, waa in cawrada la asturo marka la tukanayo
4.Salamah binul Awkac (Ihkra) wuxuu yidhi: Waxaan Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ku idhi: Khamiiska miyaan ku tukan karaa? Wuxuu yidhi: “Haa, laakiin badhamo ku xidh. Haddii aad wax kale weydo, qodax badhamo uga dhig.” (Al-Bukhaari ayaa ku soo weriyey kitaabkiisa At-Taariikh iyo qayrkii).
Ziinad macneheedu wuxuu yahay dharka ama huga jidhka astura. Masjidna macnihiisu hadda waa salaadda.
5. Xadka cawrada ragga: Cawrada ragga la gudboon inay qariyaan markay tukanayaan waa meesha uu qoodhuhu ku yaalo hor iyo daboba inta ku beegan. Wixii intaa dheer ee ka koobma xundhurta, bawdyaha iyo ruugagga culimadu way isku khilaaftay. Qaar waxay yidhaahdeen cawro maaha, qaarna waxay yidhaahdeen waa cawro. Daliilka culimada yidhi cawro maaha: Kuwa yidhi xundhurta, bawdyaha iyo ruugaggu cawro maaha daliikoodu wuxuu yahay:
1. Caa’isha (Ihkra) waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam oo maalin ay bawdyihiisu qaawan yihiin ayuu Abuu Bakar guriga nagu garaacay. Markaasuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam u ogolaaday inuu soo galo isagoo aan maro isa saarin oo sidiisii u fadhiya. Sidoo kale, markuu Cumar nagu garaacay wuu u ogolaaday marona ismuu saarin Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam .Hase yeeshee, markuu Cuthmaan codsaday inuu soo galo Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu bawdyihiisii ku qariyey maro. Caa’isha ayaa Rasuulkii Salallaahu caleyhi wasalam waydiisay markay tegeen: Rasuulka Allow markay Abuu Bakar iyo Cumar soo galeen bawdada maad qarin, laakiin markuu Cuthmaan soo galay waad qarisay. Maxay sidaasu ku dhacday? Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yidhi: “Caa’ishay miyaanay ahayn inaan ka xishoodo nin Wallaahi ay Malaa'iigtu ka xishooto.” (Axmad ayaa soo weriyey iyo alBukhaari oo hab mucallaq ah isna ku soo weriyey).
2. Anas isagana waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Maalintii dagaalka Khaybar Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam go’iisu bawdyaha ayuu kor uga faydmay.” (Axmad iyo alBukhaari ayaa soo weriyey).
Ibnu Xazm wuxuu yidhi: Waa sax haddii aynu nidhaahno sida Xadiiskaa ku cad bawdyuhu cawro maaha. Haddii ay cawro yihiin Ilaahay Caza wajala muu qaawiyeen Rasuulkiisa macsuumka ah, manay arkeen Anas iyo cid kale toonna bawdyihiisa hadday cawro yihiin. Labada saxiix waxa ku taala inuu Jaabir yidhi: Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam oo markuu yaraa dhagxaan u guraya Kacbada isagoo go’ keliya guntan ayuu adeerkii al-Cabbaas ku yidhi: Adeer maxaad go’a isaga furi weyday oo intaad degta saarto dhagaxa isaga dhigi weyday? Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam markuu sidii yeelay wuu suuxay, cidina maalintaa ka dib may arag isagoo qaawan.”
4. Muslim wuxuu isna ka soo weriyey Abul Caaliyah al-Barraa’ inuu yidhi: Cabdullah bin as-Saamit ayaa bawdadayda garaacay oo yidhi: Abuu Darr ayaa mar aan wax waydiiyey bawdadayda garaacay sidaan taada u garaacay oo kale, yidhina: Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ayaa mar aan wax waydiiyey sidaadad ii waydiisay oo kale bawdadayda garaacay sidaan taada u garaacay oo kale, yidhina: “Salaadda waqtigeeda tuko . . . ”
Ibnu Xazm oo arrintaa fasiray wuxuu yidhi: Haddii ay bawdadu cawro tahay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam kumuu taabteen gacantiisa Muqaddaska ah cawrada Abuu Darr. Abuu Dar isaguna haddii ay cawro tahay muu taabteen bawdada Cabdullah bin asSaamit iyo sidoo kale Cabdullah bin as-Saamit isaguna muu taabteen bawdadayda. Umana bannaana qof Muslim ah inuu taabto hor iyo dabo toona meesha cawrada dadka ku beegan (dharka korkiisa). Umana bannaana ragga haba yaraatee inay taabtaan jidhka gabadh ajnabi ah (gabadh uu geyo).
5. Ibnu Xazm wuxuu sheegay oo kale inuu Jubayr bin al-Xuwayrith eegay bawdada Abuu Bakar iyadoo qaawan. Sidoo kale, Anas bin Maalik isaguna inuu u yimi Qays bin Shammaas1 iyadoo ay bawdadiisu qaawan tahay. Daliilka culimada yidhi waa cawro: Culimada yidhi xundhurta, bawdyaha iyo ruugaggu waa cawro daliikoodu wuxuu ku salaysan yahay labadan Xadiis:
1. Muxammad bin Jaxash wuxuu yidhi: “Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ayaa soo kor maray Macmar oo ay labadiis bawdyood qaawan yihiin. Markaasuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam ku yidhi: Macmarow bawdyuhu waa cawro e bawdyahaaga qari.” (Waxa soo weriyey Axmad, al-Xaakim iyo al-Bukhaari oo kitaabkiisa At-Taariikh ku sheegay, isla markaana hab mucallaq ah ugu soo weriyey kitaabkiisa saxiixa ah).
2. Jurhad isna wuxuu yidhi: Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ayaa I soo ag maray iyadoo burdihii (maradii) aan xidhnaa ay bawdyahayga ka faydantay, markaasuu yidhi: “Qari bawdyahaaga waayo bawdyuhu waa cawro.” (Waxa weriyey Maalik, Axmad, Abuu Daa’uud, at-Tirmidi oo yidhi waa xasan iyo al-Bukhaari oo hab mucallaq ah ugu sheegay kitaabkiisa saxiixa ah).
Halkaa wax ku cad daliilka labada kooxood ee culimada ka mid ahi ay daliishadeen.
Waa Qays bin Shammaas al-Ansaari ee maaha Qas bin Shamaas siduu kitaabka Mua’lifka ku qoran oo aan filayo inay tahay qalad ay daabacaaddu samaysay (eeg kitaabka Al-Isaabah Fii Tamyiiz As-Saxaabah: bogga 149aad).
Qofka Muslimka ahna waxa u bannaan inuu raaco hadba labada ra’yi midkuu rabo. Hase ahaatee, waxa mudan dhinaca Diinta inuu ninkii tukanayaa qariyo inta u dhexaysa xundhurta iyo ruugagga. Imaam al-Bukhaari wuxuu yidhi: Xadiiska Anas laga soo weriyey ee aan kor ku sheegnay waa mid uu sanadkiisu xooggan yahay. Laakiin waxa nabad-gelyo badan in la raaco Xadiiska Jurhad laga soo weriyey ee kor ku xusan. Xadka cawrada haweenka: Jidhka haweenku dhammaantii waa cawro, waajibna waxa ah in la asturo dhammaan wixii aan ahayn wejiga iyo baabacooyinka (gacanta inteeda hore) wuxuu Alle Caza wajala yidhi: Hana u muujinina quruxdiina cid aan loo ogolayn (An-Nuur: 31) Taas oo uu macneheedu yahay waa in aanay haweenku muujinin quruxdooda (oo ah jidhkooda, marka laga reebo wejiga iyo gacanta inteeda hore). Sida ku soo aroortay Xadiis saxiix ah oo laga soo weriyey Ibnu Cabbaas, Ibnu Cumar iyo Caa’isha inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Ilaahay salaad kama aqbalo gabadh qaan-gaadh ah oo aan khimaar gashanin.” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey an-Nasaa'i mooyee, Ibnu Khusaymah iyo al-Xaakim iyaguna way saxixeen, at-Tirmidina wuxuu yidhi waa xasan).
Ummu Salamah (Ihkra) waxay iyana tidhi Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ayaan weydiiyey: “Gabadhi ma ku tukan kartaa diric iyo khimaar iyadoo aan go' huwan?” Wuxuu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii uu diricu yahay mid dheer oo qarinaya adimadeeda.” (Abuu Daa'uud ayaa soo weriyey. Hase ahaatee, culimada Xadiiska saxixdaa waxay yidhaadeen Xadiiskanu waa mawquuf xukunkiisuna waa marfuuc waayo maaha ereyadii Ummu Salamah)
Caa’isha iyana (Ihkra) waxa la weydiiyey: Dharka intee ayay haweenaydu ku tukan kartaa? Waxay qofkii weydiiyey ku tidhi: “Cali bin Abii Daalib soo weydii oo igu soo celi wuxuu ku yidhaahdo.” Qofki intuu Cali u tegay ayuu weydiiyey. Wuxuu Cali (Ihkra) yidhi: “Khimaar iyo diric dheer.” Khimaarku waa xijaabka madaxa lagu daboolo (asturo). Diricu waa maro u tolan sida dirica haweenku ay maanta gashadaan laakiin ka samaysan maro adag oo jidhka asturta oo aan wax laga arki karin.
Qofki intuu Caa’isha ku soo noqday ayuu u sheegay wuxuu Cali yidhi: Waxay tidhi: “Run ayuu Cali sheegay.”
Nasrud-Diin al-Albaani wuxuu isagu tilmaamay inuu Xadiisku daciif yahay. Eeg Daciif Abuu Daa’uud.
Dharka inta waajibka ah iyo inta mustaxabka ah: Dharka intii cawrada asturta ayaa waajib ah, xatta haddii uu yahay mid qofka ku dhejisan. Hase ahaatee, dharka khafiifka ah ee jidhka muujinaya salaadi kuma baxayso. Way bannaan tahay in maro keliya lagu tukado sidaan hore ugu soo sheegnay Xadiiska Salamah bin al-Awkac laga soo weriyey. Sidoo kale, waxa isna Abuu Hurayra laga soo weriyey In Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam la waydiiyay in salaadda maro keliya lagu tukan karo. Wuxuu yidhina: “Qof waliba miyuu laba maro haystaa.” (Muslim, Maalik iyo qaar kale ayaa soo weriyey)..
Inkastoo maro keliya in lagu tukadaa ay bannaan tahay, haddana waxa fiican oo mustaxab ah inuu qofku ku tukado ugu yaraan laba maro oo kala sarreeya iyo wax ka badan. Waana inuu qofku salaadda isu qurxiyo intay awooddiisu tahay. Ibnu Cumar waxa laga soo weriyey inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qofkii tukanayaa wa inuu gashado laba maro, Ilaahay ayaa cid walba idinkaga xaq leh inaad isu qurxisaan. Qofkii aan haysanin waa inuu go' huwado markuu tukanayo, hana u huwanina dharka siday yuhuuddu u huwato (asturaad la'aan).” (Ad-Dabaraani iyo al-Bayhaqi ayaa soo weriyey).
Cabdur-Razaaq wuxuu sheegay inay maalin Ubaya bin Kacab iyo Ibnu Mascuud murmeen. Wuxuu Ubaya yidhi: In maro keliya salaadda lagu tukado makruuh maaha. Ibnu Mascuudna wuxuu yidhi: Waxay sidaasu bannaan tahay haddii dhar kale la waayo. Cumar ayaa markaa kacay oo minbarka koray yidhina: Arrintu waa siduu Ubaya yidhi. Ibnu Mascuudna waxba kama tegin, waayo qofkii uu Alle nolosha u waasiciyo (wax siiyo) waa inuu waasacsado (ku tukado dhar badan). Ninku wuxuu ku tukan karaa dharkiisa hadba intuu rabo. Wuxuu ku tukan karaa: Laba go’ (mid uu huwado iyo mid uu guntado), ama go’ iyo khamiis, ama go’ iyo macawis, ama surwaal iyo khamiis, ama surwaal iyo shaadh. Buraydah wuxuu yidhi: “Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ragga wuu u diiday inay ku tukdaan lixaaf keliya (maro gunti ah) oo aan cawrada si fiican u asturin, wuxuu ragga u diiday oo kale inay ku tukadaan surwaal aan go’ ka saraynin (ama shaadh).”
Al-Xasan bin Cali (Ihkra) isaguna: Markuu salaadda tukanayo wuxuu xidhan jiray dharkiisa kuwa ugu fiican. Markii la weydiiyayna wuxuu yidhi: Alle wuu qurux badan yahay, wixii qurux badanna wuu jecel yahay. Sidaa darteed, Rabbigayga ayaan isu qurxinayaa, waayo wuxuu Alle Caza wajala yidhi: Banii aadamow quruxdiina [hugiina] uwalba salaad [walba Masjid qaata Madaxa oo la qaawiyo marka la tukanayo: Ibnu Casaakir wuxuu soo weriyey Ibnu Cabbaas (Ihkra) inuu yidhi: “Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam mararka qaar koofyaddiisa wuu saari jiray oo hortiisa ayuu dhigi jiray si uu sutro uga dhigto .”
Mad-habta Xanafiyadu waxay qabtaa inaan waxba ku jabnayn haddii uu raggu ku tukado koofyad la'aan. Hase yeeshee, waxay qabaan inay ku habboon tahay qofkii raba inuu salaadda khushuuc ku tukado. Lama sheegin daliil ina faraya in madaxa uu raggu qariyo (koofyad iwm. saaro) markuu tukanayo.
Qiblada in loo jeesto: Culimadu waxay isku waafaqday inay waajib tahay inuu qofka tukanayaa Qiblada (Kacbada) u jeesto. Sidaas waxa ina faraya qowlka Alle Caza wajala ee ah: U jeedi wejigaaga Masjidka Xaramka, meelkasta oo aad joogtaan u jeediya wejiyadiina xaggiisa (Al-Baqarah: 144). Al-Barraa' bin Caasib wuxuu yidhi: “Waxaanu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam la tukanaynay 16 ama 17 bilood anagoo u jeesana dhinaca Masjidka al-Qudus, kabacdi ayaanu u jeesanay dhinaca Kacbada.” (Muslim ayaa soo weriyey).
Nasrud-Diin al-Albaani wuxuu tilmaamay inuu Xadissku daciif yahay.
Aragtida ama aragti la'aanta Kacbada: Qofkii Kacbada arki kara waxa ku waajib ah inuu u jeesto dhinaceeda. Qofkii aan arki karinna waxa ku waajib ah inuu u jeesto xaggay ka xigto. Allena kuma kalifo qofna wax aanu karaynin. Abuu Hurayra waxa laga soo weriyey inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Bari iyo Galbeed wixii u dhexeeyaa waa qiblo.” (Ibnu Maajah ayaa soo weriyey iyo at-Tirmidi oo yidhi waa xasan).
Imaam al-Bukhaari wuxuu yidhi taasu waxay Qiblo u tahay dadka ku nool Madiina, Shaam iyo Jaziiradda carabta iyo Ciraaq. Hase yeeshee, dadka ku nool Masar Qibladoodu waa wixii u dhexeeya Bari iyo Koonfur. Yaman dadka ku noolna Barigu wuxuu ka qabanayaa midigta markay Qiblada u jeestaan, galbeedna wuxuu ka qabanayaa bidixda. Hindidana qorrax soo baxu wuxuu ka qabanayaa dhabarka, qorrax dhacuna hortooda ayuu noqonayaa markay Qiblada u jeestaan. Astaanta Qiblada: Waddan kasta iyo magaalo kastaa waxay leeyihiin astaamo Qiblada lagu garto. Waxa ka mid ah mixraabka Masaajiddadu dhinacuu u jeedo ee ay Muslimiintu Qiblada ku toosiyeen markay dhisayeen ama Buusalad sheegysa Qiblada, iwm,. Qofkay Qibladu ka qarsoonto xukunkiisa: Qofkii ceeryaan, mugdi ama wax la mid ahi ay Qiblada ka qariyaan waa inuu warsado haddii uu helayo cid toosisa. Haddii uu waayo cid toosisa waa inuu dedaalo (ijtihaado) una tukado dhinaca uu isku qanciyo inay Qibladu tahay. Isagoo qof sidaa ku tukaday haddii markuu salaadda dhamaysto uu ogaado inuu dhinac aan Qiblada ahayn u jeestay kuma celinayo salaadda. Hase yeeshee, haddii qofkaa loo tilmaamo Qiblada saxa ah isagoo salaadda ku dhex jira waa inuu isu gediyo dhinaca Qiblada saxa ah, salaaddiisuna kala joogsan mayso (go'i mayso). Ibnu Cumar (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Dadka magaalada Qubaa' ku nooli iyagoo salaad Subax tukanaya ayuu nin u yimi oo ku dhawaaqay: “Ilaahay Qur'aan ayuu xalay ku soo dejiyay Nebigiisa uu ku farayo inuu waajaho Kacbada. Sidaas darteed, idinna ujeesta dhinaca Kacbada. Markaasay u jeesteen dhinicii Kacbada iyagoo markii hore dhinaca Shaam (Qudus) u jeeday.” (Sixadiisa waa laysku waafaqay).
Qofkii u tukada dhinac uu ijtihaad (dedaal) ugu maleeyay inay Qibladu ka xigto, markuu rabo inuu haddana salaad kale tukadoba waa inuu ijtihaad cusub sameeyo. Haddii markaa ijtihaadka cusubi noqdo dhinac ka gedisan kii uu markii hore u tukaday kuma celinayo salaaddihii uu dhinacaa u tukaday. Goormaan loo baahnayn in Qiblada loo jeesto? Qiblada in loo jeestaa waa waajib. Hase yeeshee, waxa jira laba xaaladood oo aanay waajib ahayn inuu qofku Qiblada u jeesto haddii ay la kulmaan. Kuwaas oo ah:
1. Salaadda nafalka ah ee qofka daabad kor saaran (sida diyaarad, dooni iwm.), waxa qofkaa u bannaan inuu tukado nafalka isagoo u jeeda hadba dhinicii ay daabaddiisu u jeedo oo rukuuca iyo sujuudda uu foororsi ku sameeyo, isagoo sujuudda foororkeeda ka dheeraynaya midka rukuuca. Caamir Ibnu Rabiicah waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Waxaan arkay Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam oo tukanaya isagoo hashiisa kor saaran una tukanaya hadba xaggay u jeedo.” (Al-Bukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey). Al-Bukhaari wuxuu ku daray: Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam madaxa ayuu foororinayey markuu sujuudayo, manuu fali jirin sidaa markuu salaadda faradka ah tukanayo.
Imaam Axmad, Muslim iyo at-Tirmidi waxay sheegeen inuu Rasuulka Alle ku kor tukan jiray daabaddiisa (hashiisa) markuu isaga safrayo Makka iyo Madiina una jeeda hadba xaggay hashiisu u jeedo. Waxa sidaa ku soo degtay Aayadda: Qorrax kasoo bax iyo qorrax ka dhacba Eebbaa iska leh, meelkastood u jeedsataanna waa jiho Alle (markaad Qiblada garanweydaan), Ilaahayna waa kii naxariis balaadhan ee wax walbana og (Al-Baqarah: 115).
Ibraahiim an-Nakhacii wuxuu yidhi: “Asxaabta Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam waxay tukan jireen (nafalka) iyagoo gaadiidkooda (daabad) kor saaran una jeeda hadba xaggay daabaddu u jeedo.” Ibnu Xazm wuxuu isna yidhi: “Asxaabtii iyo Taabiciintii waxa laga soo tebiyey inay sidaa fali jireen safar iyo negaanshaba.” Shuruudaha Salaadda 189 2. Salaadda qofka baqanaya, qofka la khasbo iyo qofka buka, saddexdaa xaaladood mid ka mid ah qofkii ku jira waxa u bannaan inuu u jeesto hadba siduu karo hadday u suura geliweydo inuu Qiblada waajaho. Wuxuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Wixii aan idin faro ku dedaala inaad fulisaan inta awooddiinu tahay.” Ilaahayna Caza wajala wuxuu yidhi: Haddii aad cabsi qabtaan tukada idinkoo lug ah (socda) ama gaadiid saaran, markaad aamin noqotaanna u xusa Eebbe siduu idiin baray waxaydaan hore aqoon (caadi u tukada. Ibnu Cumar (Ihkra) oo tilmaamaya habka ay u tukanayaan dadka xaaladahaa ku jiraa wuxuu yidhi: “Iyagoo Qiblada u jeeda ama aan u jeedin (hadba sidii u suura-gasha) ayay u tukanayaan.” (Al-Bukhaari ayaa soo weriyey).
HABKA SALAADDA LOO TUKADO :
Axaadiis badan ayaa ku soo aroortay habka salaadda loo tukado waxa inagaga filanna labada Xadiis ee hoos ku xusan oo midna tilmaamayo ficilkii Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam ka kalena qawlkiisii.
1. Cabdullah bin Qanam wuxuu yidhi: “Abuu Maalik al-Ashcari ayaa dadkiisii soo ururiyay oo yidhi: Reer Ashcariyow isu kaalaya, soona ururiya haweenkiina iyo ubadkiina waxaan idin barayaa siduu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam u tukan jiray salaadduu Madiina nagu tukin jiray. Markay isu yimaadeen iyaga, haweenkoodii iyo caruurtoodiba, ayuu weysaystay oo tusay sida loo weysaysanayo. Markuu weysadii gaadhsiiyey dhammaan meelihii ku habboonaa oo uu dhamaystiray ayuu sugay ilaa uu hadhki soo rogmaday. Markaasuu kacay oo adimay (Duhur). Kabacdina wuxuu raggii safay gadaashiisa, caruurtiina safkii ragga ku xigay, haweenkiina caruuta safkii ku sii xigay. Intuu salaaddii aqiimay, oo xidhay ayuu Faataxadii akhriyay iyo suurad gaaban. Haddana intuu rukuucay ayuu saddex goor yidhi “Subxaanal-Laahi wa bixamdihi.” Debadeetana intuu “Samical-Laahu liman xamidah” yidhi ayuu jidhka si qumman u toosiyay. Allaahu Akbar intuu yidhi ayuu haddana sujuuday. Markaasuu haddana Allaahu Akbar yidhi oo uu sujuuddii ka soo toosay. Haddana intuu Allaahu Akbar yidhi ayuu sujuuday, kabacdina intuu Allaahu Akbar yidhi ayuu sara joogsaday. Tirada takbiiraha uu sameeyay rakcaddii hore waxay ahayd lix takbiirood. Haddana intuu Allaahu Akbar yidhi ayuu rakcaddii labaad u kacay. Markuu salaaddii dhamaystayna intuu dadkii ku soo jeestay ayuu yidhi: “Xafida intaan takbiir sameeyay, bartana rukuuca iyo sujuudda sidaan u sameeyay.
Waa sidaa siduu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam noo tukin jiray saacaddan oo kale (Duhurka). Markuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam salaadda dhamaystana intuu dadka ku soo jeesto ayuu odhan jiray: “Dadyow maqla, fahma oo barta inuu Ilaahay Caza wajala leeyahay addoomo Anbiyo iyo Shuhadaa’ midna aan ahayn oo ay Anbiyada (Nebiyo) iyo Shuhadadu majeertaan maqaamkooda iyo dhowaanshaha ay Alle u dhow yihiin.” Nin reer baadiye ah ayaa dadkii ka soo dhex baxay oo gacantiisa ku fiiqay Rasuulkii Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhina: Nebigii Allow noo sifee dadkaa aan Anbiyo iyo Shuhadaa’ midna ahayn ee ay Anbiyada iyo Shuhadadu majeertaan? Nebigii Salallaahu caleyhi wasalam wuu ku farxay su’aasha uu ninka reer baadiyaha ahi weydiiyey wuxuu yidhina: “Waa dad ka mid ah reero iyo qabiillo kala gedisan oo aan raxim wadaagin dhalashona aanay ka dhexaynin. Hase yeeshee, Alle dartii isku jeclaaday kuna walaaloobay. Maalinta Qiyaamaha wuxuu Alle ku fadhiisin doonaa dadkaa minbarro (kuraasi) nuur ah, wejiyadoodana wuxuu ka ifin doonaa nuur, dharkoodana wuxuu ka dhigidoonaa nuur. Dadka kale way cabsan doonaan Maalinta Qiyaamaha, iyaguse cabsi ma arki doonaan. Kuwaasu waa awliya Alle oo cabsi iyo murugo ka dheer1 .” (Axmad iyo Abuu Yaclaa ayaa sanad xasan ah ku soo weriyey. al-Xaakimna wuxuu yidhi waa Saxiix).
1.Nasrud-Diin al-Albaani wuxuu tilmaamay inuu Abii Daa’uud Xadiiskan daciifiyey).
2. Abuu Hurayra (Ihkra) wuxuu yidhi: Nin ayaa Masjidka soo galay oo tukaday. Markaasuu Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam u yimi si uu u salaamo. Nebigi Salallaahu caleyhi wasalam intuu salaantii ka qaaday ayuu ku yidhi: “Ku noqo salaadda oo mar labaad tuko maad tukanine.” Ninki wuu ku noqday salaaddii. Wuxuu Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam ku celiyay inuu salaaddii ku noqdo saddex goor. Wuxuu ninki yidhi: Allihii xaqa kuu soo saaray ayaan ku dhaartee sidaa si ka fiican oo aan u tukado garanmaayo ee salaadda I bar. Wuxuu Nebigi Salallaahu caleyhi wasalam ku yidhi: “Markaad salaadda u kacdo Allaahu Akbar dheh (salaadda xidho). Kabacdi akhri wixii aad Qur’aan karto. Dabadeeto rukuuc oo cabbaar ku hako rukuuca. Rukuuca ka soo toos oo jidhka oo dhan toosi kuna xasil cabbaar sarajoogga. Kabacdi sujuud kuna hako cabbaar sujuudda. Sujuudda ka soo toos oo fadhiga cabbaar ku hako. Haddana sujuud oo sujuudda ku hako cabbaar. Sidaa samee salaaddahaaga oo dhan.” (Axmad, alBukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey). Xadiiskan waxa lagu magacaabaa Xadiiska ninkii salaadda toosin-waayey
Labadaa Xadiis waxay ina tusayaan guud ahaan siduu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam u tukaday iyo wuxuu ka yidhi sida salaadda loo tukado. Habka salaadaha faradka ah iyo kuwa Sunnaha ah loo tukadana inagoo kala soocayna waa kuwa hoos ku qeexan.
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix