ARRIMO AADAANKA LOO NISBEEYAY HASE YEESHEE AAN KA MID AHAYN:
Aadaanku waa cibaado. Dhammaan wixii cibaado ahna waa in loo hogaansamo loona fuliyo siduu Ilaahay ina faray oo aan waxna lagu darin waxna laga reebin. Xadiis Saxiix ah wuxuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qofkii Diinteena wax aan ka mid ahayn ku dara, waa in la diido.” Waxaynu halkan ku tilmaamaynaa arrimo badan oo aan sharci ahayn oo uu dad badani ku dhaqmo loona haysto inay Diinteena ka mid yihiin, hase ahaatee aan Diinta Islaamka ka mid ahayn. Arimahaa waxa ka mid ah:
1. Inuu Mu'adinku yidhaahdo markuu adimo ama salaadda aqiimayo Ash-hadu Anna Sayidanaa Muxammadan bil-Laah. Erayga Sayidanaa kama mid aha ereyada Eedaanka ee sharciga ah sidaan hore ugu soo sheegnay baabka Eedaanka. Ibnu Xajar wuxuu yidhi: Ereyga Sayidanaa inkastoo uu yahay eray lagu siyaadin karo meelihii kale ee habboon, maaha in Eedaanka in lagu daro.
2. Sheekh Ismaaciil al-Cajloonii wuxuu yidhi: Indhaha in farta murdisada oo duuban la mariyo lana dhunkado markuu Mu'adinku yidhaahdo Ash-hadu Anna Muxammadan bil-Laah lagana daba yidhaado Ash-hadu Anna Muxammadan Rasuulu-Laah dikri kalena la raaciyo waa arrin aan Eedaanka ka mid ahayn Rasuulka Allena Salallaahu caleyhi wasalam aan raad ku lahayn. Dadka sidaa falaa waxay arrintaa ka soo xigteen kitaabka Muujibaat ar-Raxmah wa Cazaa’imal Maqfirah ee uu qoray Abuu Bakar ar-Radaad al-Yamaanii mana aha arrin dhab ah oo sugan.
3. Eedaanka in lagu heeso ama loogu dhawaaqo si aan ahayn sida saxa ah ee Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam iyo Asxaabtiisa ka soo aroortay, ama in lagu kordhiyo xaraf, madd ama xarako (hoos dhaw ama kor dhaw) dheeraad ah intaba lama ogola. Dhammaan wixii beddeli kara ama qarin kara macnaha ereyada Eedaanku waa xaaraan. Yaxyal Bakaa'a waxa laga soo weriyey inuu arkay Ibnu Cumar oo nin ku leh “Ilaahay hortii ayaan kuu necebay.” Kabacdina asxaabtiisii ku yidhi: Waayo Eedaank ayuu ku heesaa, lacagna wuu ka qaataa.”
4. In la tasbiixsado ama dikri nooc kaleba ah lagu dhawaaqo Eedaanka salaadda Subax ka hor waa arrin iyana aan aas-aas ku lahayn Diinta Islaamka waana bidco Sunnada Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam lagu kordhiyey. Kitaabka Al-Iqnaac oo ka mid ah kutubta fiqiga Mad-habta Xanaabilada arrintaa waa lagu mamnuucay. Culimaduna dhammaantood arrintaa in la falo ma ogola, waayo waa bidco karaahiyo ku jirto oo aan la fali jirin cahdigii Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam iyo kii Asxaabta midna. Sidoo kale, Ibnul Jawziyi kitaabkiisa Talbiis Ibliis wuxuu ku qoray: Waxaan arkay dad habeenkii toosa oo minaaradda korkeeda intay u baxaan dadka wacdiya oo Qur’aan akhriya iyagoo codka kor u qaadaya. Kuwaasu way rabisheen dadkii hurday iyo kuwii Qiyaamul-Layal tukanayayba waana arrin munkar ah in lagu kaco. Al-Xaafid Ibnu Xajar wuxuu isna ku qoray kitaabka Fatxul Baarii: Tasbiixda Subaxa ka hor iyo tasbiixda iyo salliga Nebiga ee salaadda Jimcaha ka hor Eedaanka kama mid aha mana aha sharci ay Diintu banaysay.
5. Salliga Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam in kor loogu dhawaaqo Eedaanka dabadii sharci maaha, ee waa bidco ay karaahiyo ku jirto. Ibnu Xajar wuxuu ku sheegay kitaabka Al-Fataawaa alKabiir: Inay arrintaa culimadu ka fatwoodeen isla markaana go'aamiyeen in uu assal ahaan salliga Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam Sunne yahay hase ahaatee, in kor loogu dhawaaqo Eedaanka dabadii ay bidco tahay. Muxammad Cabdoh oo arrintaa laga waraystay isaguna wuxuu yidhi: Eedaanku wuxuu ka koobmaa shan iyo toban odhaahood oo ta ugu dambaysaa ay tahay Laa Ilaaha Illa-Laah, wixii laga horaysiiyo ama laga dambaysiiyaana waa bidco aanay jirin cid banaysay.
Qofkii yidhaahda waa bidco fiicanna waxaynu leenahay: Bidco kasta oo cibaadada khusaysaa waa bidco xun qofkii ku andacooda waxa Eedaanka lagu darayaa waa qurxin oo keliyana waa qof been sheegay.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

684696
Today
Yesterday
All days
1083
1445
684696
2024-09-16 19:39

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e8895481e2119069260361726515540
title_66e8895481f0c227924171726515540
title_66e8895481fec9226613281726515540
title_66e88954820cb17933626131726515540
title_66e88954821a810814516501726515540
title_66e88954822939187604221726515540

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e889548306f14637036951726515540
title_66e889548315510284079021726515540
title_66e88954832436253760101726515540
title_66e88954833221525969411726515540

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com