WAQTIGA AADAANKA :
Eedaanka waqtigiisu waa bilowga waqtiga salaad kasta ugu horeeya, iyadoo aan laga horaysiin dibna looga dhigin. Waxa ka reebban oo keliya Eedaanka salaadda Subax oo isaga waqtiga salaadda (waaberiga) laga horaysiin karo haddii ay dadku kala sooci karaan Eedaanka hore ee yeedhitaanka iyo Eedaanka salaadda. Cabdullah bin Cumar (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Bilaal wuxuu adimaa habeenkii. Sidaas awgeed, cuna oo cabba ilaa uu Ibnu Ummu Maktuum adimo.” (Sixadiisa waa laysku waafaqay).

Xikmadda Eedaanka Subax looga horaysiin karo waqtigiisa wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam inoogu caddeeyay Xadiis Imaam Axmad iyo qaar kale ay ka soo weriyeen Ibnu Mascuud inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Eedaanka Bilaal waa in aanu ninna ka hor joogsan suxuurta. Waayo Eedaanka Bilaal waxa loogu tala galay in dadka tukanayaa ay salaadda ku joojiyaan, kuwa hurdaana ay ku toosaan. Bilaalna kuma adimo ereyo aan ahayn kuwa Eedaanka caadiga ah.” Ad-Daxaawi iyo an-Nasaa'i waxay sheegeen in waqtiga u dhexeeya labada Eedaan uu yahay intuu Bilaal Minaaradda ka soo degayo iyo intuu Ibnu Ummu Maktuum korayo.

Waqtiga Eedaanka iyo Iqaamada u dhexeeya: Eedaanka iyo Iqaamada waa in loo dhexaysiiyo waqti ku filan in uu dadku ku diyaar garoobo Masjidkana ay ku soo gaadhaan. Ujeedada Eedaanka loogu tala-galay ayaa sidaa ah. Axaadiista sheegaysa waqti go’an oo labada u dhexeeyaana waa daciif. Imaam al-Bukhaari ayaa qoray qayb uu kaga hadlayo waqtiga Eedaanka iyo Iqaamada u dhexeeya mana jiro waqti go’an oo uu u xadiday. Ibnu Baddaal wuxuu yidhi: Ma jiro waqti u xadidan aan ahayn intay dadku salaadda u soo ururayaan. Jaabir bin Samurah (Ihkra) wuxuu yidhi: “Mu'adinka Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam markuu adimo wuu sugi jiray ilaa uu arko Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam oo soo baxay, markaasuu salaadda aqiimi jiray markuu Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam arko.” (Axmad, Muslim Abuu Daa’uud iyo at-Tirmidi ayaa soo weriyey).
Qofka adimaa waa inuu salaaddana aqiimo: Way bannaan tahay inuu salaadda aqiimo qof aan ahayn kii adimay, sida culimadu isku waafaqday. Hase ahaatee, waxa mudan inuu qofkii adimay aqiimo. Imaam ash-Shaafici wuxuu yidhi: “Waxaan jecelay qofka addimaa inuu Iqaamadana raaciyo.” At-Tirmidi wuxuu isna sheegay inay culimada ahlul cilmiga badankoodu sidaas isku waafaqeen. Goormaa salaadda laysu taagayaa: Imaam Maalik wuxuu kitaabkiisa al-Muwada' ku sheegay in aanu ogayn wax waqti ah oo loo cayinay goorta salaadda laysu taagayo. Waxay ku xidhan tahay awoodda dadka. Dadka qaar way culus yihiin qaarna way fudud yihiin.
Ibnul Mundir wuxuu sheegay inuu Ibnu Cabbaas (Ihkra) isu taagi jiray salaadda markuu Mu'adinku yidhaahdo Qad Qaamatis-Salaah. Masjidka in laga baxo Eedaanka dabadii: Lama ogola in salaadda laga tago haddii uu Eedaanku bilaabmo iyo in Masjidka laga baxo Eedaanka dabadii cudurdaar la'aan. Sidoo kale, lama ogola inuu qofku Masjidka ka baxo Eedaanka dabadii isagoo aan ku tala jirin inuu salaadda ku soo laabto. Labadaa arrimood midna lama ogola. Qofkii raba inuu Masjidka ka baxo Eedaanka dabadii waa inuu yahay qof wax culusi la kulmeen oo raba inuu soo dhameeyo intaan salaadda loo kicin isla markaana niyadda ku haya inuu ka soo gaadho salaadda. Abuu Hurayra wuxuu yidhi: Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ayaa nagu amray “Haddii idinkoo Masjidka ku jira la adimo, waa in aanu qofna ka bixin ilaa uu tukado.” (Axmad ayaa soo weriyey, sanadkiisuna waa Saxiix).

Abii ash-Shacthaa ayaa aabihii ka soo tebiyay inuu Abuu Hurayra ku yidhi maalin nin Masjidka ka baxay Eedaanka dabadii: “Kaasu Abal Qaasim Salallaahu caleyhi wasalam wuu caasiyay.” (Muslim iyo Asxaabta Sunanka ayaa soo weriyey). Asxaabta Rasuulka (Ihkra) in badan oo ka mid ahi waxay qabeen in aan salaaddi u jirin qofka Eedaanka maqla ee iska dhega mara (ee aan tukan oo aan jamaca ka qayb gelin).
Mucaad al-Juhaniyi wuxuu isna sheegay inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qalbi adayg, kufri iyo nifaaq intuba waxay ku jiraan qofka maqla Mu’adinka oo Eedaanka 172 adimaya uguna yeedhaya dadka guul ee haddana salaadda iman-waaya1 .” (Axmad iyo ad-Dabaraani ayaa soo weriyey).

At-Tirmidi wuxuu isna yidhi: Asxaabta Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam dhowr ka mid ah ayaa laga soo weriyey inay yidhaahdeen: Qofkii Eedaanka maqla ee salaadda imanwaaya salaaddi uma jirto.” Culimada ahlul cilmiga qaarkoodna waxay yidhaahdeen: Taasi waa arrin xoog badan oo ina tusaysa in haba yaraatee aanay cidna (ragga) u bannaanayn inay ka maqnaadaan salaadda jamaca iyagoo aan cudur-daar sharci ah haysanin. Eedaanka iyo Iqaamada waqtigoodi tegay: Qofkii ay hurdo la tagto ama salaadda ilaawa waxa u bannaan inuu adimo isla markaana uu aqiimo markuu tooso ama xasuusto. Abuu Daa'uud wuxuu soo sheegay: “In maalin ay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam iyo Asxaabtiisa hurdo la tagtay oo ay tooseen markay cadceeddu soo baxday. Dabadeetana uu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam Bilaal ku amray inuu adimo oo aqiimo kabacdina ay tukadeen.” Qofkii ay dhawr salaadood dhaafaan waxa mustaxab ah inuu salaadda ugu horaysa adimo oo aqiimo inta kalena uu Iqaamo keliya ku tukado. Al-Athram wuxuu yidhi: Waxaan maqlay Abuu Cabdullah (Imaam Axmad) oo la waydiiyey wuxuu Eedaanka ka yeelayo qofkii qallaynaya salaad dhaaftay? Wuxuu Axmad sheegay Xadiis uu Hashiim ka soo raray Abii Zubayr oo isna ka soo xigtay Naafic bin Jubayr oo sheegay inuu Abuu Cubayd bin Cabdullah aabihii yidhi: “Mushrikiinta ayaa ka mashquuliyey Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam afar salaadood maalintii dagaalka al-Khandaq ilaa uu habeenkii badh tegay. Markaasuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam amray Bilaal inuu adimo oo uu haddana aqiimo. Markaasay Duhur tukadeen. Markaasuu haddana amray inuu aqiimo oo ay Casar tukadeen. Markaasuu haddana amray inuu aqiimo oo ay Maqrib tukadeen. Markaasuu haddana amray inuu aqiimo oo ay Cishihii tukadeen.”

Nasrud-Diin al-Albaani wuxuu tilmaamay inuu Xadiisku daciif yahay.
Eedaanka iyo Iqaamada haweenka: Ibnu Cumar (Ihkra) waxa laga soo weriyey in aanay haweenku Eedaan iyo Iqaamo midna lahayn. Sidaas wuxuu al-Bayhaqi ku soo tebiyay sanad saxiix ah. Sidoo kale, waxa waafaqsan Anas bin Maalik, al-Xasan, Ibnu Siiriin, an-Nakhaci, ath-Thawri, Maalik, Abuu Thawr, iyo asxaabta ra'yiga. Ash-Shaafici, Isxaaq iyo Axmad waxay iyagu qabaan in aan dembi ku jirin haddii ay dumarku adimaan ama salaadda aqiimaan markay kelidood yihiin. Hooyo Caa’isha (Ihkra) waxa laga soo weriyey: “Inay adimi jirtay oo ay aqiimi jirtay markay haweenka tukinayso, isna taagi jirtay safka hore badhtankiisa.” (Al-Bayhaqi ayaa soo weriyey).

Masjid lagu tukaday qofka soo gala: Imaam Axmad wuxuu ku sheegay kitaabkiisa Al-Muqnii: “Qofkii soo gala Masjid lagu tukaday, haddii uu rabo wuu adimi karaa oo wuu aqiimi karaa.” Arrintaa wuxuu Imaam Axmad ku saleeyay sida ay al-Athram iyo Saciid bin Mansuur ka soo xigteen Anas bin Maalik inuu galay Masjid mar hore lagu tukaday oo Anas uu nin ku amray inuu adimo isla markaana uu aqiimo, dabadeetana dadka intii aan hore u tukanin uu Anas jamac ku tukiyey salaaddii. Sidoo kalena, waxa bannaan inuu qofka soo gala Masjid mar hore lagu tukaday uu salaadda xidho isagoo aan Eedaan iyo Iqaamo midna samaynin.
Curwah wuxuu yidhi: Haddii aad soo gasho Masjid salaaddii hortaa lagu tukaday oo dadkii kaa horeeyay ay adimeen isla markaana aqiimeen, Eedaankooda iyo Iqaamadooda ayaa kefaysa dadkii markaa kadib yimaada. Waxa sidaa iyana qaba alXasan, ash-Shacbiyi, iyo an-Nakhaci, inkastoo al-Xasan uu raaciyey waxa fiican in la aqiimo salaadda haddii hortaa la tukaday. Haddii aad goosato inaad adinto waxa fiican inaad hoos u dhigto si aanu dadku u moodin Eedaan waqtigiisii ka baxsan. Iqaamda iyo salaadda intee u dhexaysa? Hadalku wuu bannaan yahay Iqaamad iyo salaadda dhexdooda, loomana baahna in Iqaamada lagu celiyo xattaa haddii waqtiga u dhexeeyaa uu dheeraado. Anas bin Maalik waxa laga soo weriyey: “In salaadda maalin la aqiimay iyadoo Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam uu nin kula hadlayo Masjidka dhiniciisa. Umanuu kicin Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam salaaddii ilaa ay dadka qaar luloodeen.”(Macnihii Iqaamadii mar labaad laguma celin). (Al-Bukhaari ayaa soo weriyey).

Maalin kale wuxuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam xasuustay inuu jinaabaysnaa markii salaadda la aqiimay. Markaasuu gurigiisii ku laabtay oo uu soo maydhay isla markaana salaaddii tukiyey iyadoo aan Iqaamadii lagu celinin. Eedaanka qof aan ahayn Mu'adinka joogtada ah: Lama ogola in uu adimo qof kale haddii uu jiro Mu'adin joogto ah. Haddii uu rabo inuu qof adimo waa inuu ka fasax qaato Mu'adinka joogtada ah. Hase yeeshee, haddii uu soo raago Mu'adinka joogtada ahi oo laga baqo in salaadda uu waqtigeedu tago wuu adimi karaa qof kale.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

684696
Today
Yesterday
All days
1083
1445
684696
2024-09-16 19:39

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e8895481e2119069260361726515540
title_66e8895481f0c227924171726515540
title_66e8895481fec9226613281726515540
title_66e88954820cb17933626131726515540
title_66e88954821a810814516501726515540
title_66e88954822939187604221726515540

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e889548306f14637036951726515540
title_66e889548315510284079021726515540
title_66e88954832436253760101726515540
title_66e88954833221525969411726515540

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com