DIKRIGA AADAANKA:
1. Marka uu Eedaanku socdo waa in Mu'adinka laga daba yidhaahdo wuxuu ku dhawaaqo, kelmedda Xayya Calas-Salaah mooyee oo iyada markuu Mu'adinku ku dhawaaqo ay tahay in laga daba yidhaahdo: Laa Xawla Walaa Quwata Ilaa Billaah. Abii Saciid al-Khuduriyi (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii aad Eedaanka maqashaan ka daba dhaha wuxuu Mu'adinku leeyahay.” (Jamaacada ayaa soo werisay).
Sidoo kale, Cumar Ibnul Khaddaab (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku alallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Markuu Mu’adinku yidhaahdo: Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, qofkii ka daba yidhaahda Allaahu Akbar, Allaahu Akbar ee markuu yidhaahdo: Ash-hadu Allaa Ilaaha Illa-Laah ka daba yidhaahda: Ash-hadu Allaa Ilaaha IllaLaah. Marku yidhaahdo: Xayya Calas-Salaahna, ka daba yidhaahda: Laa Xawla Walaa Quwata Ilaa Billaah. Markuu yidhaahdo: Xayya Calal falaaxna ka daba yidhaahda: Laa Xawla Walaa Quwata Ilaa billaah . . . ilaa Xadiiska dhammaadkiisa . . . Jannada ayuu gelayaa.” (Muslim iyo Abuu Daa'uud ayaa soo weriyey).

An-Nawawii wuxuu yidhi: asxaabtayadu (Shaaficiyadu) waxay qabaan inay mustaxab tahay in Mu’adinka laga daba yidhaahdo wuxuu leeyahay. Waxa intaa ka reeban Xayya Calataynka (Xayya calas-Salaah, Xayya calal falaax) oo ay la gudboon tahay qofka inuu qiro inuu ka raali yahay, waafaqsan yahayna ujeedada labadaa odhaahood ee ah Salaadda u kaalaya, wanaagga u kaalaya. Markuu Mu’adinku dadka ugu yeedhayo salaadda ee uu leeyahay Xayya Calas-Salaah waa odhaah isaga oo keliya u bannaan. Sidaas darteed, waxa mustaxab ah inuu qofka kale duco kale yidhaahdo. Sida Laa Xawla Walaa Quwata Ilaa Billaah. Labada saxiix waxa ku sugan oo Abii Muusaa alAshcariyi laga soo weriyey inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Laa Xawla Walaa Quwata Ilaa Bil-Laah waa kanzi ka mid ah kunuuzta jannada.” Waxa kale oo asxaabtayadu ay yidhaahdeen waxa mustaxab ah in Mu'adinka laga daba yidhaahdo wuxuu leeyahay waana arrin la gudboon dhammaan dadka maqlaya Eedaanka. Dadkaasu daahir ha aheedaan ama yay ahaanne. Qofkii jinaabaysan iyo kii xayd leh, yar iyo weyn dhammaan waa inay Mu'adinka ka daba yidhaahdaan wuxuu yidhaado Xayya Calataynka mooyee sidaan kor ku soo sheegnay. Arrintaa waxa ka reeban qofka salaad tukanaya (ku dhex jira), qofkii musqul ku jira iyo nin iyo xaaskii oo isu galmoonaya. Kuwaasu markay arimahaa dhamaystaan ayay wixii Mu'adinku yidhi ka daba odhanayaan. Dhammaan wixii kale ee ficil ah waa in la joojiyo markuu Eedaanku socdo si looga daba yidhaahdo wuxuu Mu'adinku leeyahay. Qofkii salaad ku jira farad iyo nafalba wuxuu ka daba odhanayaa Mu’adinku wuxuu yidhi markuu Salaadda dhamaysto siday ash-Shaafici iyo asxaabtiisu qabaan. Qofkii Masjid soo gala iyadoo uu Eedaanku socdo waxa habboon in uu sugo intuu Eedaanku dhammaanayo. Haddii uu qofku salaadda hore ka bilaabo oo aanu dhamaadka Eedaanka suginna Imaam Axmad wuxuu qabaa in aan waxba ku jabnayn.
2. Waa in Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam lagu salliyo marka uu Eedaanku dhamaado, isla markaana Ilaahay loo waydiiyo Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam inuu siiyo Wasiilada. Cabdullah bin Camr (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu maqlay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam oo leh: “Markaad Mu'adinka maqashaan dhaha wuxuu leeyahay iguna salliya, waayo qofkii igu salliya mar keliya, Ilaahay ayaa ku salliya1 toban goor. Iina waydiiya Ilaahay Wasiilada oo ah maqaam (manzilad) aad u kureeya oo Jannada ka mid ah una qalma (loo diyaariyey) addoon keliya oo addoomaha Alle ka mid ah, isla Salliga uu Ilaahay qof ku saliyo macnihiisu wuxuu yahay naxriis iyo dembidhaaf. Eedaanka 166 markaana aan Ilaahay ka rajaynayo inaan noqdo addoonkaa. Qofkii Wasiilada Ilaahay ii waydiiyaana Shafaacadayda wuu hanan doonaa.” (Muslim ayaa weriyey).
Jaabir waxa laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qofkii markuu Eedaanka maqlo yidhaahda: Allaahumma Rabba haadihi dacwati taamah WasSalaatul qaa’imah aati Muxammadan al-Wasiilata wal-Fadiilah. Wabcath-hu maqaaman maxmuudaa al-Ladii wacadtahuu. Maalinta Qiyaamaha Shafaacadayda wuu hanan doonaa.” (Al-Bukhaari ayaa soo weriyey).

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

684674
Today
Yesterday
All days
1061
1445
684674
2024-09-16 19:23

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e885c4869e34016312171726514628
title_66e885c486abc14308479451726514628
title_66e885c486b8e17159536691726514628
title_66e885c486c369367268251726514628
title_66e885c486d074354315371726514628
title_66e885c486dd411125710641726514628

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e885c487ae911802255331726514628
title_66e885c487bbf8368854121726514628
title_66e885c487c9f16983994041726514628
title_66e885c487d6f1486565811726514628

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com