HABKA IQAAMADA LOOGU DHAWAAQO:
Iqaamada saddex nooc ayaa loogu dhawaaqi karaa. Kuwaas oo kala ah:
1. Takbiirta hore oo afar goor lagu dhawaaqo, iyo inta kale oo laba laba goor lagu celiyo odhaahda ugu dambaysa mooyee oo uu iyada hal mar oo keliya lagu dhawaaqayo. Sidaa waxa laga soo weriyey Abii Maxduurah oo Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam baray Iqaamada aan kor ku sheegnay oo ka kooban 17 odhaahood oo kala ah sidan: “Allaahu Akbar oo afar goor ah. Ash-hadu Allaa Ilaaha Illal-Laah oo laba goor ah. Ash-hadu Anna Muxammadan Rasuulu-Laah oo laba goor ah. Xayya Calas-Salaah oo laba goor ah. Xayya Calal falaax oo laba goor ah. Qad Qaamatis-Salaah, Qad Qaamatis-Salaah. Allaahu Akbar, Allaahu Akbar. Laa Ilaaha Illa-Laah .” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey, at-Tirmidina wuu saxixay).
1 .Salaadda ayaa hurdada ka khayr badan.
2. Takbiirta ugu horaysa iyo ta ugu dambaysa iyo Qad Qaamatis-Salaah in midkoodba laba goor lagu celiyo, dhammaan Iqaamada inta kalena hal mar lagu dhawaaqo. Iqaamada noocan ahi markaa waxay ka kooban tahay 11 odhaahood, sida aan hore ugu soo aragnay Xadiiska laga soo weriyey Cabdullah bin Zayd oo ahaa: “Allaahu Akbar, Allaahu Akbar. Ash-hadu Allaa Ilaaha Illa-Laah. Ash-hadu Anna Muxammadan Rasuulu-Laah. Xayya Calas-Salaah, Xayya Calal falaax. Qad Qaamatis-Salaah. Qad Qaamatis-Salaah. Allaahu Akbar, Allaahu Akbar. Laa Ilaaha Illa-Laah.”
3. Habka saddexaad wuxuu la mid yahay habka labaad oo halkii Qad Qaamatis-Salaah laba goor laga odhan lahaa mar keliya la odhanayo. Waxay markaa Iqaamadu ka koobnaanaysaa 10 odhaahood oo keliya. Imaam Maalik habkan ayuu raacay waayo wuxuu arkay dadka reer Madiina oo sidaa falaya. Hase yeeshee, Ibnul-Qayim wuxuu yidhi si sax ah arrintaa loogama soo werin Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam.Sidoo kale, Ibnu Cabdul-Barr wuxuu qabaa in mar walba odhaahdaa laba goor lagu celiyo.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1491722
Today
Yesterday
All days
1054
2040
1491722
2026-01-31 08:53

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_697dc3015fa6720969642151769849601
title_697dc3015fabd14599572601769849601
title_697dc3015fb0b20709868851769849601
title_697dc3015fb5913533342551769849601
title_697dc3015fba513883074061769849601
title_697dc3015fbf111142647351769849601

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_697dc3016dda918785256191769849601
title_697dc3016ddfa16026212191769849601
title_697dc3016de4820826283691769849601
title_697dc3016de947213737051769849601

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com