DUCADA EEDAANKA DABADII:
Waqtiga Eedaanka iyo Iqaamada u dhexeeya ducadu waa maqbuula sidaas awgeed waxa habboon in ducada la badsado. Anas bin Maalik waxa laga soo weriyey inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Ducada Eedaanka iyo Iqaamada u dhexaysa lama soo celiyo.” (Abuu Daa'uud iyo an-Nasaa'i ayaa soo weriyey iyo at-Tirmidi oo yidhi waa Xadiis xasan Saxiix ah). At-Tirmidi wuxuu ku daray Xadiiskaa inay Asxaabti weydiiyeen Rasuulka Alle
Salallaahu caleyhi wasalam :Maxaanu kolkaa yeelaa Rasuulkii Allow? Wuxuu yidhi: “Alle waydiista cafwi (dembi dhaaf) iyo caafimaad If iyo Aakhiroba ah .”

Cabdullah bin Camr (Ihkra) wuxuu sheegay inuu nin ku yidhi Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam:Rasuulkii Allow mu'adiniintu way naga fadli bateen. Wuxuu Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Dheh waxay leeyihiin, markaad dhamaysana ducayso waad heliye.” (Axmad iyo Abuu Daa'uud ayaa soo weriyey).
Al-Albaani wuxuu tilmaamay inay Xadiiska intiisa dambe ay daciif tahay.

Sahal bin Sacad isaguna wuxuu sheegay inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Laba lama soo celiyo: Ducada Eedaanka iyo ducada waqtiga Jihaadka markay ciidamadu is guda galaan.” (Abuu Daa’uud ayaa soo weriyey sanadkiisuna waa Saxiix).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1491802
Today
Yesterday
All days
1134
2040
1491802
2026-01-31 09:53

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_697dd0fe8a2104225370951769853182
title_697dd0fe8a26119322850791769853182
title_697dd0fe8a2ad1912030561769853182
title_697dd0fe8a2f91032550521769853182
title_697dd0fe8a3438460821801769853182
title_697dd0fe8a38e6090739111769853182

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_697dd0fe9bb451026116421769853182
title_697dd0fe9bb958228782311769853182
title_697dd0fe9bbe28368727211769853182
title_697dd0fe9bc2f11242306501769853182

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com