WAQTIGA SALAADDA SUBAX:

Salaadda Subax waxay bilaabantaa markuu cirku soo guduuto ilaa ay cadceeddu soo baxayso sidaynu hore Axaadiista ugu soo sheegnay. Waxa fiican oo mustaxab ah in waqtigeeda ugu horeeya la tukado laguna dedaalo sidaa. Abii Mascuud al-Ansaariyi waxa laga soo weriyey: “Inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam salaadda Subax tukaday dhulka oo wali mugdi ah. Maalin kalena wuxuu tukaday iyadoo iftiin ah. Wixii markaa ka dambeeyayna wuxuu tukan jiray iyadoo mugdi ah ilaa uu godgalay, manuu tukan mardambe iyadoo iftiin ah.” (Abuu Daa'uud iyo al-Bayhaqii ayaa soo weriyey sanadkiisuna waa Saxiix).

Hooyo Caa’isha (Ihkra) waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Haweenka mu'miniinta ahi waxay salaadda Subax la tukan jireen Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam iyagoo hugooda ku Salaadda 151 dedan. Markaasay guryahooda ku soo laaban jireen salaadda ka dib iyadoo aan cidi garan karin mugdiga dartii.” (Jamaacada ayaa soo werisay).

Raafic bin Khadiij isagana waxa laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Ku kallaha salaadda Subax si aad ajarkiina u korodhsataan.” Riwaayad (tebis) kale siday sheegaysana wuxuu yidhi: “Tukada salaadda Fajarka markuu waago soo guduuto si aad ajarka u korodhsataan.” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey, iyo atTirmidi iyo Ibnu Xibbaan oo saxixay).

Waxa laga yaabaa inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam u jeedo dhameeya salaadda markuu dhulku soo guduuto ee maaha waqtigaa salaadda bilaaba. Macnuhu waxa weeye qiraa’ada dheereeya salaadda Subax oo wada ilaa uu dhulku soo guduuto. Sidaa ayuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalamfali jiray oo wuxuu akhriyi jiray lixdan ilaa boqol Aayadood. Waxa laga yaabaa oo kale inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam ula jeedo hubsada inuu waagi beryey oo ha tukanina idinkoo aan hubin. Qofkii rakcad keliya ka soo gaadha salaadda: Qofkii dhamaystira rakcad keliya intaanu salaadda waqtigeedu tegin, wuxuu la mid yahay qof salaaddi aanay dhaafin oo waqtigeedii tukaday. Abii Hurayra (Ihkra) wuxuu sheegay inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qofkii rakcad ka gaadha salaad, waa qof salaaddii soo gaadhay.” (Jamaacada ayaa soo werisay).

Arintaasu waxay khusaysaa salaaddaha dhammaan. Imaam al-Bukhaari waxa laga soo tebiyay inuu yidhi: “Qofkii salaadda Casar ka gaadha sujuud keliya intaan cadceeddu dhicin, waa in aanu joojin salaaddiisa. Qofkii isna sujuud keliya ka gaadha salaadda Subax intaan cadceeddu soo bixin isna waa inuu dhamaystiro salaaddiisa oo aanu joojin.” Sujuud macneheedu markan waxay tahay rakcad. Ujeedaduna waxay tahay qofkii rakcad keliya dhamaystira intaanay cadceeddu dhicin ama soo bixin waa inuu dhamaystiro salaaddiisa wuxuu la mid yahayna qof salaaddaa waqtigeedii tukaday. Inkastoo labadaa waqti ay yihiin waqtiyada aan salaadda la ogolayn in la tukado, haddana waxa marka horeba habboon in aanu qofna salaadda dib u dhigin ilaa waqtigay cadceeddu soo baxayso ama dhacayso. Salaadda oo laga seexdo ama la ilaawo: Ruuxii ilaawa ama ka seexda salaadda, waa inuu tukado markuu xasuusto ama hurdada ka tooso. Abii Qataadah wuxuu yidhi: Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam ayaa laga waraystay qofka salaadda ka seexda. Wuxuu yidhi: “Dhibaato kuma jirto hadday salaaddu hurdo idinku dhaafto. Hase ahaatee, waxay dhibaato ku jirtaa iyadoo soo jeed idinku dhaafta. Qofkii ilaawa salaadda ama ka seexdaa waa inuu tukado markuu xasuusto.” (An-Nasaa'i ayaa soo weriyey iyo at-Tirmidi oo saxiixay).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

788962
Today
Yesterday
All days
1578
779
788962
2024-12-21 16:50

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6766f1c34563d7443990701734799811
title_6766f1c34571312439664731734799811
title_6766f1c3457e312847851741734799811
title_6766f1c3458b011592362901734799811
title_6766f1c34597b13360613691734799811
title_6766f1c345a4f17085539001734799811

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6766f1c3467b39815314851734799811
title_6766f1c3468857586840251734799811
title_6766f1c34695317498034581734799811
title_6766f1c346a2a17525905571734799811

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com