AADAANKA :
Aadaanku waa wargelin la wargelinayo dadka inuu waqtigii salaaddu joogo, iyadoo lagu wargelinayo ereyo khaas ah. Dhawaaqa Eedaanku waa u yeedhid dadka loogu yeedhayo salaadda jamaca iyo muujin la muujinayo shacaa'irka (dhoola-tusyada) Islaamka. Waana waajib Eedaanku. Imaam al-Qurdubi iyo culimo kaleba waxay sheegeen inuu Eedaanku ka koobmo erayo tiro yar oo koobayo dhammaan caqiidada Islaamka. Wuxuu ku bilaabmaa Eedaanku qiritaanka weynida Eebbe, jiritaanka iyo kamaalka (dhammaanshaha) Alle. Waxa kale oo uu dhawaaqa Eedaanku koobaa waxadaaniyadda Ilaahay iyo fogaashaha uu Alle Caza wajala ka fog yahay in loo shariig yeelo. Wuxuu xaqiijiyaa Eedaanku Rasuulnimada Nebi Muxammad Salallaahu caleyhi wasalam , isla markaana inoogu yeedhaa in la fuliyo daacadna loo noqdo Risaaladda Nebi Muxammad Salallaahu caleyhi wasalam .
Wuxuu Eedaanku inoogu yeedhaa barwaaqo dhaxalgal ah, isla markaana ina xasuusiyaa in Alle Caza wajala loo laabanayo. Eedaanka intiisa kalena wuxuu ka koobmaa arrimaha aan kor ku sheegnay oo qaarkood lagu celceliyo.

logo 2


Facebook Liibaanta

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

3231347
Today
Yesterday
All days
1743
4774
3231347
2026-09-24 15:41

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

JSN_TPLFW_GOTO_TOP
UongofuUongofu.com