WAQTIGA SALAADDA CISHAHA:
Salaadda cishuhu waxay bilaabantaa markuu dhulku mugdi noqdo ee uu cirka guduuku ka ba'o ilaa habeen badhka. Caa’isha (Ihkra) waxay tidhi: “Waxay tukan jireen Cishaha marka uu dhulku mugdi noqdo ilaa habeenka qaybtiisa saddexaad bilowgeeda inta u dhexaysa.” (Al-Bukhaari ayaa soo weriyey).
Sidoo kale, waxa Abuu Hurayra laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddaanay dhib ku ahayn Ummadayda waxaan fari lahaa inay Cishaha dib u dhigaan ilaa inta habeenka badh ama sedex dalool tegayo.” (Axmad iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey iyo at-Tirmidi oo yidhi waa Saxiix).
Abii Saciid isaguna wuxuu yidhi: Waxaanu habeen sugnay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam inuu Cishaha na tukiyo ilaa uu hebeenka badh tegay. Markaasu yimi oo na tukiyay dabadeetana yidhi: “Meeshiina fadhiya siday dadkuba gogoshoodii u jiifsadeen. Salaad kama madhnidin intaad salaad sugaysaan. Haddii aanay ahayn awood darrida kuwa itaalka daran, xanuunka kuwa buka iyo baahida kuwa baahan darteed waxaan salaaddan dib ugu dhigi lahaa ilaa habeen badhka.” (Axmad, Abuu Daa’uud Ibnu Maajah, an-Nasaa’i iyo Ibnu Khuzaymah ayaa soo weriyey sanadkiisuna waa Saxiix).
Labadaa Xadiis waxay ina tusayaan waqtiga ugu fiican in Cishaha la tukado. Hase ahaatee, waqtiga Cishaha la tukan karaa wuxuu joogaa ilaa waa beriga sida ku cad Xadiiska Abii Qataadah laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Hurdada salaadi kuma dayacanto ee waxa salaadda dayacay qofka aan tukan ilaa uu waqtigii salaadda kale soo galo.” (Muslim ayaa soo weriyey).
Horena waxaynu u soo aragnay Axaadiista sheegaysa in salaad walba uu waqtigeedu joogo ilaa inta salaadda kale soo gelayso, marka laga reebo salaadda Fajarka oo waqtigeedu iyada dhamaado markay cadceeddu soo baxdo siday culimadu isku waafaqday. Waxa fiican in Cishaha dib loo dhigo: Waxa fiican in salaadda Cishaha dib loo dhigo oo aan hore laga tukan marka waqtigeedu soo galo sida salaadaha kale ku habboon. Kaas oo ah in dib loo dhigo haddii la karayo ilaa habeen badhka. Caa’isha (Ihkra) waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu salaadda cishe maalin dib u dhigay ilaa ay habeenka intiisii badnayd tagtay, oo dadkii Masjidka joogay intoodii badnayd luloodeen. Markaasu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam soo baxay oo tukaday yidhina: “Cishaha waqtigiisu waa hadda, haddii aanay dhib ku ahayn Ummadayda.” (Muslim iyo an-Nasaa'i ayaa soo weriyey).
Labada Xadiis ee aan hore u soo sheegnay ee Abuu Hurayra iyo Abaa Saciid laga soo weriyey waxay la macna yihiin midkan isagana Caa’isha laga soo weriyey. Dhammaan Axaadiistaasu waxay tilmaamayaan inay mustaxab tahay in Cishaha dib loo dhigo laakiin uu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam arrintaa uga tegay dhibaatada dadka soo gaadhaysa darteed. Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu eegi jiray xaaladda dadka ku daba tukanaya. Mararka qaar goor hore ayuu tukan jiray, mararka qaarna dib ayuu u dhigi jiray. Jaabir bin Cabdullah wuxuu yidhi: “Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu Duhurka tukan jiray markay dharaartu ugu kulushay badhtankeeda. Casarna markay cadceeddu saafi noqoto, Maqribna markay cadceeddu godkeeda gasho, Cishaha marna dib ayuu u dhigi jiray marna wuu dedejin jiray. Haddii uu arko inay Asxaabti soo ururtay wuu dedejin jiray, haddii uu arko iyagoo aan wali isu imanna dib ayuu u dhigi jiray. Subaxana isaga iyo Asxaabtuba waxay tukan jireen iyadoo wali uu dhulku madow yahay.” (Al-Bukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey).
Hurdada Cishaha ka hor iyo sheekada ka dib: Karaahiyo ayaa ku jirta hurdada salaadda Cishaha ka hor iyo sheekada Cishaha ka dambaysa labadaba. Abii Barzah al-Aslamiyi wuxuu sheegay in: “Nebi Muxammad uu jeclaa inuu salaadda Cishaha dib u dhigo, necbaana hurdada Cishaha ka hor iyo sheekada ka dambaysaba.” (Jamaacada ayaa soo werisay).
Sidoo kale, Ibnu Mascuud (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu noo diiday inaan sheekayno Cishaha dabadii.” (Ibnu Maajah ayaa soo weriyey).
Karaahida ku jirta arrintaasu waxay tahay in hurdada Cishaha ka horaysaa ay dhaafin karto qofka inuu tukado Cishaha waqtigiisa ugu fadliga badan ama jamacii uu la tukan lahaa. Sheekada Cishaha ka dambaysaana waxay seejin kartaa qofka waqti uu hadalka wax ka door roon ku isticmaali lahaa. Hase ahaatee, haddii uu qofku haysto cid u toosisa salaadda Subax (ama Qiyaamul-Laylka), ama uu qofku ku soo jeedayo arrimo Diinta Islaamka ku lug leh oo khayr ah karaahiyo kuma jirto. Sidaa waxa laga soo xigtay Ibnu Cumar oo yidhi: “Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam Abuu Bakar wuu kala hadli jiray habeenkii salaadda Cishaha ka dib arrimaha muslimiinta khuseeya anigoo la jooga.” (Axmad ayaa soo weriyey iyo at-Tirmidi oo yidhi waa xasan).
Ibnu Cabbaas isaguna wuxuu sheegay “Inuu habeen seexday guriga Maymuuna (Ihkra) Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam oo jooga si uu u arko habka uu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam u tukado salaadda habeenkii. Ibnu Cabbaas (Ihkra) wuxuu yidhi: “Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam cabbaar ayuu reerkiisa la sheekaystay markaasuu seexday.” (Muslim ayaa soo weriyey). Sidaa darteed, sheekada uu khayrku ku jiro ee noocaas ah Cishaha ka dib waa la ogol yahay.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

673529
Today
Yesterday
All days
17
841
673529
2024-09-08 00:35

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dcf15e967941053182781725755742
title_66dcf15e9688a17067000551725755742
title_66dcf15e9698114303490681725755742
title_66dcf15e96a6b16044784461725755742
title_66dcf15e96b5112894178061725755742
title_66dcf15e96c3612289044991725755742

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dcf15e97bbf2052891211725755742
title_66dcf15e97cc010894416281725755742
title_66dcf15e97db216451457221725755742
title_66dcf15e97ea020127754761725755742

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com