:
Salaad waliba waxay leeday waqti Ilaahay u xadiday oo ay waajib tahay in waqtigaa la tukado oo aan laga horaysiin lagana dambaysiin waqtigeeda. Wuxuu Alle Caza wajala yidhi: Salaaddu waxay ku tahay Mu'miniinta xukun waqtiyaysan . (An-Nisaa’: 103)
Meelo badan oo Qur'aanka ka mid ah ayuu Alle ku tilmaamay waqtiyada salaadaha. Wuxuu Alle Caza wajala yidhi: Oog salaadda maalinta dacaladeeda iyo qayb habeenka ka mid ah, wanaagguna wuxuu tirtiraa xumaanta. Sidaas waxa la xasuusinayaa kuwa Alle xusa (Huud: 114). Wuxuu Alle yidhi oo kale: Oog salaadda markay qoraxdu janjeedhsato1 ilaa madowga habeenka, iyo Qur’aanka (salaadda) Fajarka, Qur’aanka (salaadda) Fajarku waa mid laga marag noqdo (Al-Israa’: 78). Wuxuu Alle Caza wajala yidhi oo kale: U sabir waxay sheegayaan kuna tasbiixso Rabbigaaga mahadnaqiisa (tuko) qorrax soo baxa ka hor iyo qorrax dhaca ka hor. Qayb habeenka ka mid ahna tasbiixso (tuko), iyo maalinta dacaladeeda si aad ugu raali noqoto (abaal marinta uu Alle ku siin doon) (Daahaa: 130).
U tasbiixso Rabbigaaga qorrax soo baxa ka hor macnihiisu wuxuu yahay tuko salaadda Subax cadceed soo baxa ka hor. Cadceed dhaca ka horna wuxuu tilmaamayaa salaadda Casarka sida ku cad Xadiiska labada Saxiix lagu soo weriyey inuu Jariir bin Cabdullah al-Bajalii yidhi: Anagoo Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam la fadhina ayuu habeen cirku saafi yahay dayaxa eegay kolkaasuu yidhi: “Waxaad Rabbigiina u arki doontaan sidaad dayaxaa u aragtaan idinmana dhibi doonto aragtidiisu. Haddaad kartaan in aany salaadi idin dhaafin cadceed soo baxa ka hor iyo cadceed dhaca ka hor fala.
1. Salaadda oog markay cadceeddu galbeed u dhaafto cirka badhtankiisa oo ah waqtiga ay salaadda Duhurku bilaabanto ilaa mugdiga habeenku uu soo galo oo ah iyana waqtiga salaadda Cishaha Kuwaas oo ah salaadaha: Duhurka, Casarka, Maqribka iyo Cishaha.
2. Salaadda Subax oog, salaadda Subax waxa yimaada oo ka marag noqda Malaa’iigta dharaarta iyo kuwa habeenka. Salaadda 141 Markaasuu akhriyay Aayadda kor ku ku xusan.” Sidaa weeye waqtiyada salaadaha uu Qur’aanku tilmaamay.
Dhinaca Sunnahana waxay Axaadiistu tilmaamaysaa sida hoos ku xusan:
1. Cadallaah bin Camr (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku yidhi: “Salaadda Duhur waxay joogtaa markay cadceeddu dhaafto samada badhtankeeda ilaa inta qofka iyo hadhkiisu ay is le'kaanayaan ee aan salaadda Casarna wali soo gelin. Salaadda Casarna waxay joogtaa ilaa intaanay cadceeddu huruud noqon. Maqribna wuxuu joogaa ilaa intaanay mugdi noqon. Cishuhun ilaa habeen badhka habeen uu dherekiisu meel dhexaad yahay. Salaadda Subaxna marka uu dhulku soo guduuto ilaa ay cadceeddu soo baxayso. Markay cadceeddu soo baxayso salaadda ka joog, waayo waxay cadceeddu ka soo baxdaa geesaha shaydaanka dhexdooda.” (Muslim ayaa soo weriyey).
2. Jaabir bin Cabdullah isagana waxa laga soo weriyey: “Inuu Malak Jibriil Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam u yimi kuna yidhi: Salaadda u kac, oo ay Duhur wada tukadeen markay cadceeddu samada badhtankeeda yara dhaaftay (iyadoo uu Malak Jibriil Imaamka yahay. Wuxuu haddana Malak Jibriil ku soo laabtay Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam oo uu ku yidhi: Salaadda u kac markii qof walba hadhkiisa iyo dhererkiisu ay is le'kaadeen. Malak Jibriil haddana wuu ku soo noqday oo ku yidhi: Salaadda u kac oo ay wada tukadeen Maqrib markay cadceeddu dhacday. Haddana wuu ku soo noqday kuna yidhi salaadda u kac oo ay wada tukadeen Cishihii markuu dhulku mugdi noqday. Waagu markuu beryay ee aan cadceedina wali soo bixin ayuu haddana u yimi oo ay wada tukadeen salaaddii Subax. Maalintii labaad, wuxuu Jibriil u yimi kuna yidhi u kac Duhur markii wax walba dhererkiisa iyo dhererka hadhkiisu ay is le'ekaadeen oo ay wada tukadeen. Casarkii ayuu haddana ku soo laabtay kuna yidhi: Salaadda u kac markii wax walba dhererka hadhkiisu noqday dhererkiisa oo laba jibbaaran oo ay wada tukadeen. Maqribna waqtigii maalintii hore oo kale ayuu Jibriil u yimi oo ay wada tukadeen. Cishihii wuxuu ku soo noqday markii habeenka nus tegay ama saddex dalool (1/3) tegay.
Wuxuu haddana ku soo noqday markuu cirku aad u guduutay kuna yidhi: Salaadda u kac oo ay wada tukadeen salaaddii Subax. Wuxuu markaa Malak Jibriil ku yidhi Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam Salallaahu caleyhi wasalam waqtiyadaa inta u dhexeeya ayay salaad waliba joogtaa.” (Axmad, anNasaa'i iyo at-Tirmidi ayaa soo weriyey iyo al-Bukhaari oo yidhi Axaadiista waqtiyada salaadda sheegaya kanaa ugu saxsan)
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix