WANAAGYADDA MADIINA
Madiina waxay leedahay wanaagyo badan, waxaanka ka mid ah:
1- Waxaa ku yaal Masjidka Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam :
Waxa ugu horreeyey ee Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam falay markuu yimid Maddina waa dhismaha Masjidka Nabiga ee noqday xarunta cilmiga iyo baaqa islaamka iyo ku faafinta khayrka dadka dhexdiisa, Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Salaadda lagu tukado masjidkeygan –Madiina- wuxuu ka fiican yahay kun salaadood oo lagu tukado masjid kale marka laga reebo masjidka Xaramka” (Al-Bukhaari 1133, Muslim 1394)
2- Waa xaram aamin ah:
Waxaa ka caagay xume oo dhan Nabiga waxyi uga yimid xagga Alle darteed, marka waa inaan dhiig lagu daadin, oo hub lagu qaadin, oo qofna aan lagu cabsi gelin, waa inaan lagu dhex goyn geed, oo xumo oo dhan laga caago.Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Waa inaan ugaadheeda la didin, oo waxa dadka kaga luma la qaadan qof naadinaya maahee, oo waa inaan geed laga goyn inuu ninku ku raashimayo awrkiisa maahee, waa inaan lagu dhex qaadan hub lagu dagaal gali” (Al-Bukhaari 1736, Abuu Daawuud 2035, Axmad 959).
3- Waa barakeysan tahay xagga risiqa iyo miraha iyo nolol wanaagga:
Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Allow noo barakee miraheenna, oo noo barakee magaaladeenna, oo noo barakee madaalkeenna, iyo beeggeenna, Allahayow Ibraahiim waa addoonkaaga iyo gacalkaaga iyo Nabigaaga,aniguna waxaan ahay addoonkaaga iyo Nabigaaga, wuxuu Ibraahiim u duceeyey Makkah, aniguna waxaa u duceynayaa Madiina in la mid ah inta uu ugu duceeyey Ibraahiim Makkah oo in la mid ah ay la socoto” (Muslim 1373)
4- Allaah wuxuu ka dhowray daacuun iyo dajjaal:
Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Waxaa Madiina goonyaheeda jooga Malaa’ig ma soo gali doonaan daacuun iyo dajjaal midna” (Al-Bukhaaari 1781, Muslim 1379)
5- Fadliga in la dego oo lagu noolaado oo lagu dhinto:
Wuxuu Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam ka ballan qaaday qofkii ku sabra shiddada Madiina iyo ciriiriga nolosheeda inuu u shafeeci doono Maalinta Qiyaamaha, Waxaa laga soo weriyey Sacad bin Abii Waqqaas Allaha ka raali noqdo inuu yiri: Rasuulkii Alle Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Madiina baa u khayr badan hadday ogaan lahaayeen, qofna kama tago ilaa wuxuu ku soo beddelaa qofka ka khayr badan, oo ma jiro qof ku nagaada oo ku sabra dhibkeeda iyo ciriirigeeda aan u noqon doonin shafeece ama markhaati Maalinta Qiyaamaha” (Muslim 1363)
Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “ Qofkii kara inuu ku dhinto Madiina, ha ku dhinto, aniga ayaa u shafeeci doono qofkii ku dhinta Madiina” (At-Tirmidi 3917, Ibnu Maajah 3112).
6- Madiina waa gebiga iimaanka oo waxay iska saartaa xumaha iyo qurunka:
Iimaanka wuu u soo xaluushaa marka uu ku ciriirmo dalalka kale, dadka xun iyo ehlu sharkuna boos kuma leh oo ma sii joogaan, Nabigu wuxuu yiri: “Iimaanka wuxuu u soo xaluushaa Madiina sida ay abeesada ugu xaluulato godkeeda” (Al-Bukhaari 1777, Muslim 147) oo wuxuu kaloo Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam yiri: “Waxaan ku dhaartay kan ay naftedu ku jirto gacantiisa, qofna kama baxo isagoo aan dooneyn ilaa ilaahay wuxuu ugu beddelaa mid ka khayr badan, Madiina waa sida buufin dabeedka, waxay saartaa xumaha, qiyaamaha ma dhici doono jeer Madiina iska saarto ehlu sharkeeda sida uu buufin dabeedku uga saaro birta xumaha” (Muslim 1382)
7- Waxay saartaa dunuubta iyo gefefka:
Zayd bin Thaabti Allaah haka raali noqdo wuxuu yiri: Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: Madiina waa degaan wanaagsan waxay saartaa dunuubta sida dabku u saaro xumaha ku jira fiddada” (Al-Bukhaari 3824)
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix