SIYAARADA MADIINADA NABIGA
Maxaa bannaan in la siyaarto marka la joogo Madiina?
Waxaa la doonayaa in ujeeddada ka dambeysa siyaarada Muslimka uu siyaarto Madiina uu yahay siyaarada masjidka Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam iyo inuu qofku ku soo tukado, markuu yimaadana Madiina waxaa u bannaan siyaarada dhowr arrimood waxaa ka mid ah:
1. Inuu ku tukado Rowdada: oo ah meel calaamadeysan ee halka hore ee masjidka ah u dhexeysa guriga Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam iyo minbarkiisa, ku tukashada halkaasi waxay leedahay fadli aad u weyn, Nabigu  wuxuu yiri: “Inta u dhexeysa gurigeyga iyo minbarkeyga waxaa ah beer ka mid ah beeraha jananda” (Al-Bukhaari 1137, Muslim 11390)
2. Salaamidda Rasuula Alle Salallaahu caleyhi wasalam : Wuxuu soo siyaartaha aadayaa qabriga Nabiga SalLLAAHU CALEYHI WASALAM markaasuu wuxuu istaagayaa qabrigiisa hortii isagoo qaabilaya qibladduna tahay gadaashi, wuxuuna ku leeyahay si edeb leh iyo cod gaaban: As-Salaamu caleyka yaa Rasuulal Laah waraxmatullaah wabarakaatuh, waxaan marag ka ahay inaad gudatay xilka gaarsiinta dhambaalka oo gudatay amaanada oo waanisay ummadda oo ku dadaashay arrinka Ilaahay sida uu yahay in loogu dadaalo, ee Alle ajar ha ka siiyo ummadaada ajar kan u wanaagsan ee laga ajar siiyo Nabi ummaddiisa, Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: Ma jiro axad i salaama oo marka uu i salaamayaa aan Allaah ii soo celin nafteyda si aan uga qaado salaanta” (Abuu Daawuud 2041)
Kaddib wuxuu aadayaa xagga midigta si uu u salaamo Abuu Bakar As-Siddiiq Allaha ka raali noqdo khaliifadii Rasuulka Ilaahay iyo kan u wanaagsan saxaabada bacdigiis.
Kaddib wuxuu u dhaqaaqayaa in yar xagga midig si uu u salaamo Cumar Allaha ka raali noqdo oo ah khaliifada labaad Rasuulka Alle kaddib, iyo kan u wanaagsan saxaabadiisa Abuu Bakar kaddib.
Rasuulka Allena Salallaahu caleyhi wasalam isagoo ah kan u wanaagsan dadka, uma hanto qofna waxtar iyo waxyeello, sidaas awgeed ma bannaana in la baryo ama loo qeyshado bal baryada iyo dhammaan noocyada cibaadada waxaa mudan Allaah Keliya isagoo aan waxba lala wadaajib cibaadada.
3. Siyaarada Masjidka Qubaa, oo ah masjidkii u horreeyey ee la dhiso Islaamka ka hor inta uusan Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam dhisin masjidkiisa, waxaana ajar leh qofka jooga Madiina inuu soo siyaarto masjidka Qubaa, waayo Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuu soo siyaaran jirey, wuxuuna yiri: “Qofkii isku soo daahiriya gurigiisa markaas yimaada masjidka Qubaa oo ku tukada salaad, wuxuu leeyahay ajar la mid ah ajarka Cumrada” (Ibnu Maajah 1412).

4. Siyaarada maqbarada Al-Baqiic: waana maqbarada lagu xabaalay badi asxaabta sharafta badan, Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam wuu siyaaran jirey oo u duceyn jirey dadkeeda, waxaana u bannaan qofka Muslimka hadduu yimaado Madiina inuu soo siyaarto, oo salaamo mowtida, oo ugu duceeyo ducooyinkii uu ugu duceyn jirey Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam . mar ay Caa’ishah Allaha ka raali noqdo weydiisey Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam waxa sharciga ah in la yiraahdo marka la soo siyaarto maqbarada, wuxuu yiri: dheh: As-Salaamu calaa ahlid diyaari minal mu’miniin walmuslimiin, wayarxamullaahi almustaqdamiina minnaa walmusta’khiriin, wa innaa inshaa Allaahu bikum lalaaxiquun” (Muslim 974)
Waa inuu iska jiro qofka Muslimka ah ka weecashada xaqa iyo inuu la yimaado bidcooyin halkaa sida inuu isku masaxo qubuuraha ama barakeysto, waayo hadduu sidaa khayr ku jiro waxaa nooga horreyn lahaa saxaabada iyo ardaydoodii raacday, mowtiduna uma hayaan qofna dheef iyo dhib, marka ma bannaana in la baryo ama gargaar iyo gurmad la weydiisto, marka dhammaan baryada waa in lala aado oo la weydiisto Kan ay gacantiisa ku jiraan lahaanshaha samooyinka iyo arlada, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri: “Oo hadday addoomaheyga aniga wax iga kaa weydiiyaan u sheeg inaan dhowahay ajiibo baryada baryootamaha markuu I baryo, ee ha ii hoggaansamaan oo ha rumeeyaan si loo hanuuniyo” (Al-Baqarah: 186)
5. Siyaarada maqbarada shuhada Uxud, waana maqbarada lagu aasay shuhadada , maqbaradaasoo u dhow buurta Uxud, waxaana halkaa ku shahiiday tiro ka mid ah saxaabada, oo lagu aasay, waxaana ka mid ah Xamza bin cabdul Muddalib iyo Muscab bin Cumayr Allaha ka raali noqdo, Nabiguna Salallaahu caleyhi wasalam wuu siyaaran jirey oo u soo duceyn jirey.”
Waxaa u bannaan qofka soo siyaarta Madiina inuu siyaarto maqbaradaa oo salaamo dadka ku aasan oo u duceeyo,mana aha wax la jideeyey inuu qof cibaado moodo fuulidda buurta Uxud ama buurta ganayaasha, waxbase kuma jabna in la is xusuusiyo duullaankii Uxud iyo wixii ka dhacay oo dhacdooyin ah, oo lagaga hadlo duullaankaa halka uu ka dhacay.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

673902
Today
Yesterday
All days
390
841
673902
2024-09-08 04:32

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dd28cd4f01419285733871725769933
title_66dd28cd4f0fa17107850431725769933
title_66dd28cd4f1c911152240771725769933
title_66dd28cd4f294301369071725769933
title_66dd28cd4f35f2345842851725769933
title_66dd28cd4f42a18905071241725769933

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dd28cd500fb2470584651725769933
title_66dd28cd501cb20675814271725769933
title_66dd28cd5029a13392772911725769933
title_66dd28cd50368618395591725769933

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com