UJEEDDOOYINKA XAJKA
Xajku wuxuu leeyahay ujeeddooyin iyo hadafyo waaweyn iyo saameyn iyo raad nafsadda iyo mujtamca, sidaas awgeed buu Allaah Kor ahaaye u yiri kaddib marka uu xusay waxa ku waajib ah xaajiga ee leh hadyiga uu u gowraco xaajiga u dhowaansho Allaah maalinka gowraca :
“Hilibkeedu ma uu gaari doono Allaah iyo dhiiggeedu intaba, laakiinse waxa gaara (Allaah) ee aqbalka ah xaggiisa waa Alle ka cabsigiinna iyo ka dhowrsanaantiinna (xumaha)”. (Al-Xaj: 37)
Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Waxaa loo waajib yeelay ku dawaafka beydka – Kacbada – iyo Safa iyo Marwa dhexdood iyo tuuridda jamaraadka si loo oogo xusidda Ilaahay” (Abuu Daawuud 1888)
Waxaana ka mid ah gunta iyo ujeeddooyinka:
1. Muujin isu dulleyn iyo u hogasho Allaah:
Waxaana arrinkaa ku wacan inuu xaajiga diido asbaabta raaxeysiga iyo is qurxinta , wuxuuna xirtaa dharka ixraamka muujin darteed baahidiisa xagga Rabbigi, wuxuuna dhinac iska dhigaa adduunka iyo howlaheeda ee ka weecisa inuu u banbaxo Rabbigi, sidaas buu wuxuu ku doontaa dambi dhaafka Ilaahay iyo naxariistiisa, kaddib wuxuu joogsadaa Carafah isagoo u muraad iyo dan sheeganaya Rabbigi, ammaanaya uga mahad naqaya nicmooyinkiisa iyo fadligiisa, oo u dambi dhaaf dalbayaa dunuubtiisa iyo dhacdhaciisa.

Xajka waa socdaal iimaan uu addoonka ku muujiyo baryootankiisa iyo baahadiisa xagga Allaah, waxaana ku hirgala macaanida taqwada iyo addoon ahaanshaha, barashada axkaanta xajka wuxuu qofka Muslimka ah kaga nabad galaa in badan oo mashaqo ah uusan Allaah na saarin.
2- Ka mahad naq nicmadda:
Wuxuu ka saameynayaa mahad naqa xagga gudashada faralka xajka labo dhinac: Ka mahad naqa nicmadda maalka, iyo ka mahad naq fayoobidda jirka, waana labada waxyaalood oo ugu weyn waxa uu heysto aadmiga ee nicmooyinka adduunkan, marka waxaa ku jira xajka ka mahad naq labadaa nicmadood ee waaweyn, isagoo uu qofka Muslimka uu kula dadaalo naftiisa oo ku bixiya maalkiisa daacada Rabbgi iyo u dhowaansho xaggiisa Subxaanah, shakina ma leh in ka mahad naqa nicmadda uu yahay waajib uu qiro caqliga fayow oo farad yeesho shareecada Islaamka.

3- Kulanka Muslimiinta
Waxay ku kulmaan Muslimiinta ee ka kala yimid nawaaxiga arlada xajka, markaasay is bartaan, oo isla qabsadaaan, halkaa waxaa meesha ka baxa farqiyada u dhexeeya dadka, farqiyada u dhexeeya hodanka iyo faqiirka, farqiyada u dhexeeya halka uu u dhashay iyo midabka, farqiyada carrabka iyo luqada, waxay ku midowdaa kelmedda Muslimiinta shir aadmi kan u weyn ay ku kulantay kelmedda dadkeeda inay samaf falaan oo Alle ka cabsadaan iyo inay iskula dardaarmaan xaqa oo iskula dardaarmaan sabarka, hadafka ugu weyn ee Xajka waa in lagu xiro asbaabta nolosha asbaabta samada.
4- Waa xusuusin Maalinta Dambeysa -Aakhirada-
Xajka wuxuu xusuusiyaa Muslimka maalinka kulanka,waayo markuu xaajiga iska baxsho dharkiisa oo talbiyeysto isagoo xiran xajka oo istaago banka Carafaat, oo arko tiro badnida dadka oo labbiskooda mid yahay ee shabbaha kafanaha, halkan waxaa ku soo dhacaya maankiisa meelo uu istaagi doono Muslmika dhimashadiisa kaddib, marka wuxuu arrinkaa ugu yeeraa inuu u diyaar noqdo Aakhirada oo sahay qaato ka hor la kulanka Ilaahay.
5- Muujin towxiidka Ilaahay Cazza wajalla iyo ku gaar yeeliddiisa cibaadada qowl iyo ficilba
Halheyska xujeyda waa talbiyada (Labbaykal laahumma labbayk, labbeyka laa shariika laka labbeyk, innal xamda wan-nicmata laka walmulku, laa shariika laka) sidaas awgeed buu wuxuu mid ka mid ah saxaabada yiri isagoo tilmaamaya talbiyada Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam : “Wuxuu ku dhawaaqay towxiidka” (Muslim 1218) wuxuuna ka muuqdaa towxiidka si cad dhammaan astaamaha xajka iyo falalkiisa iyo oraahyadiisa.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1393637
Today
Yesterday
All days
2595
1680
1393637
2025-12-13 21:46

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_693ddebc2a9f414161938721765662396
title_693ddebc2aa446153976651765662396
title_693ddebc2aa9015144284261765662396
title_693ddebc2aadc971842321765662396
title_693ddebc2ab283005402341765662396
title_693ddebc2ab7315771755121765662396

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_693ddebc3deb4372772661765662396
title_693ddebc3df2115118825871765662396
title_693ddebc3df7515424092381765662396
title_693ddebc3dfc410604962211765662396

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com