ACMAASHA XAJKA MAALINTA 10AAD EE CIIDA

• Inuu ku tuuro jamrada weyn toddobo quruurux isagoo la takbiiranaya quruurx walba jamrooyinka waa meelaha uu isku taagay shaydaanka aabbihii anbiyada Ibraahiim Caleyhi salaam markaasuu Ibraahiim Caleyhi salaam wuxuu ku tuuray toddob dhagax oo quruurux ah, Wuxuuna Allaah noo sharciyeeyey arrinkaa, marka waxaynu u faleynaa cibaado ahaan aan u faleyno Allaah Cazza Wajalla iyo isu dhiibid waxa uu nagu amray, iyo ku dayasho Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam ee falay, iyo si aan u siinno nafahayaga xoog aan uga hortago shaydaanka iyo qalloocashada ku jira nafahayaga iyo waxyaalaha aan dooranno.
• Wuxuu ku gowracayaa hadyigiisa Mina ama Makka maalinka ciidda wuxuu waqtiga gowraca socdaa ilaa seddex maalmood maalinka ciidda kaddib, wuxuuna wax ka cunayaa hadyigiisa oo qaar hadiyeyn qaarna sadaqeysan, hadduu heli waayo qiimaha hadyiga wuxuu soomayaa seddex maalmood inta uu jooga xajka iyo toddobo maalmood markuu u laabto ehelkiisa, waxaana u bannaan xaajiga inuu u wakiisho jiho lagu kalsoon yahay gowraca hadyigiisa iyo u qaybinta hilibkaa dadka u baahan.
• Wuxuu xiirayaa timahiisa ama gaabinayaa, sidaas buuna ku furayaa ixraamkiisa furidda hore, markaa waxaa u bannaanaanaya wax walba uu kaga caagay ixraamka darti marka laga reebo inuu u tago xaaskiisa.
• Wuxuu aadayaa Makkah si uu u soo dawaafo dawaaful ifaadah oo toddobo wareeg ah Kacbada hareeraheeda, waana mid ka mid ah tiirarka xajka, markaasuu intaa kaddib wuxuu sacyinayaa sacyiga xajka, dawaafkaa buuna kaga baxayaa dhammaan waxyaalaha ka reebnaa ixraamka darti waxaana sidaas ugu xalaal noqonaya wax waliba oo kaga xaaraan ahaa ixraamka darti xitaa xaaskiisa, waxaana xaajiga u bannaan inuu ka dib dhigo dawaafka maalinka ciidda hadduu ku cuslaado.
1. Kaddib wuxuu ku noqonayaa Mina oo ku hoyanayaa labo habeen qofka doonaya inuu dhaqso u baxo ama seddex habeen qofka ku daahaya, waxaana loo sharciyeeyey maalin walba duhurka kaddib inuu dhagaxyo quruurax ah ku soo tuuryeeyo seddexda jamraad (Midda yar (ee ah midda uga shisheysa xagga Makkah) kaddib midda dhexe kaddib midda weyn (uu horay u soo tuuryeeyey maalinkii Ciidda).
2. Oo marka uu doonayo inuu ka baxo Makkah waxaa saaran ka hor safarkiisa inuu dawaafo dawaaful wadaac si uu ahaado waxa ugu dambeeya uu falo ku dawaafka beydka (Kacbada) la sharfay.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1798228
Today
Yesterday
All days
1433
1907
1798228
2026-06-16 23:50

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a31e15b314de554532631781653851
title_6a31e15b3152d1457099631781653851
title_6a31e15b3157821429672681781653851
title_6a31e15b315c321058540501781653851
title_6a31e15b3160d17260222631781653851
title_6a31e15b3165714129858091781653851

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a31e15b4656c2849658671781653851
title_6a31e15b465bc5821513011781653851
title_6a31e15b4660820289339781781653851
title_6a31e15b4665418313833131781653851

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com