ACMAASHA XAJKA MAALINTA 10AAD EE CIIDA

• Inuu ku tuuro jamrada weyn toddobo quruurux isagoo la takbiiranaya quruurx walba jamrooyinka waa meelaha uu isku taagay shaydaanka aabbihii anbiyada Ibraahiim Caleyhi salaam markaasuu Ibraahiim Caleyhi salaam wuxuu ku tuuray toddob dhagax oo quruurux ah, Wuxuuna Allaah noo sharciyeeyey arrinkaa, marka waxaynu u faleynaa cibaado ahaan aan u faleyno Allaah Cazza Wajalla iyo isu dhiibid waxa uu nagu amray, iyo ku dayasho Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam ee falay, iyo si aan u siinno nafahayaga xoog aan uga hortago shaydaanka iyo qalloocashada ku jira nafahayaga iyo waxyaalaha aan dooranno.
• Wuxuu ku gowracayaa hadyigiisa Mina ama Makka maalinka ciidda wuxuu waqtiga gowraca socdaa ilaa seddex maalmood maalinka ciidda kaddib, wuxuuna wax ka cunayaa hadyigiisa oo qaar hadiyeyn qaarna sadaqeysan, hadduu heli waayo qiimaha hadyiga wuxuu soomayaa seddex maalmood inta uu jooga xajka iyo toddobo maalmood markuu u laabto ehelkiisa, waxaana u bannaan xaajiga inuu u wakiisho jiho lagu kalsoon yahay gowraca hadyigiisa iyo u qaybinta hilibkaa dadka u baahan.
• Wuxuu xiirayaa timahiisa ama gaabinayaa, sidaas buuna ku furayaa ixraamkiisa furidda hore, markaa waxaa u bannaanaanaya wax walba uu kaga caagay ixraamka darti marka laga reebo inuu u tago xaaskiisa.
• Wuxuu aadayaa Makkah si uu u soo dawaafo dawaaful ifaadah oo toddobo wareeg ah Kacbada hareeraheeda, waana mid ka mid ah tiirarka xajka, markaasuu intaa kaddib wuxuu sacyinayaa sacyiga xajka, dawaafkaa buuna kaga baxayaa dhammaan waxyaalaha ka reebnaa ixraamka darti waxaana sidaas ugu xalaal noqonaya wax waliba oo kaga xaaraan ahaa ixraamka darti xitaa xaaskiisa, waxaana xaajiga u bannaan inuu ka dib dhigo dawaafka maalinka ciidda hadduu ku cuslaado.
1. Kaddib wuxuu ku noqonayaa Mina oo ku hoyanayaa labo habeen qofka doonaya inuu dhaqso u baxo ama seddex habeen qofka ku daahaya, waxaana loo sharciyeeyey maalin walba duhurka kaddib inuu dhagaxyo quruurax ah ku soo tuuryeeyo seddexda jamraad (Midda yar (ee ah midda uga shisheysa xagga Makkah) kaddib midda dhexe kaddib midda weyn (uu horay u soo tuuryeeyey maalinkii Ciidda).
2. Oo marka uu doonayo inuu ka baxo Makkah waxaa saaran ka hor safarkiisa inuu dawaafo dawaaful wadaac si uu ahaado waxa ugu dambeeya uu falo ku dawaafka beydka (Kacbada) la sharfay.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1486620
Today
Yesterday
All days
338
2997
1486620
2026-01-29 05:45

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_697af415e6d9e18257177501769665557
title_697af415e6df34514293391769665557
title_697af415e6e424403776741769665557
title_697af415e6e8f2573652111769665557
title_697af415e6edb13700860681769665557
title_697af415e6f311381981141769665557

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_697af416067b41093549321769665558
title_697af4160680614034856891769665558
title_697af4160685421008187261769665558
title_697af416068a114403923221769665558

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com