SIDA LOO GUTO XAJKA

1. Wuxuu xaajiga xiranayaa xajka maalinta seddeedaad ee bisha Dul Xijjah isagoo jooga Makkah, wuxuu ka niyeysanayaa xajka qalbigiisa, macnaha gelitaanka cibaadada xajka, wuxuuna ka leeyahay carrabkiisa: “Labbayka Allaahumma Xajjan” kaddlib wuxuu la iman talbiyad isagoo shaaca ka qaadaya addoonnamadiisa iyo u hoggaansankiisa iyo ajiibiddiisa Abuuraha subxaanaha cid kale oo dhan ka sokow isagoo oranaya: “Labbayka Allaahumma Labbayka, Labbayka laa shariiika laka labbeyk, innal xamda wan-nicmata laka walmulku laa shariika laka”
Wuxuu xiranayaa dharka ixraamka, wuxuuna ka joogayaa waxyaalaha reebban ee loo diiday qofka ixraaman faliddooda ilaa uu ka xalaaloobo, oo ka dhammaeysto howlaha xajka. (eeg waxyaalaha ka reebban qofka ixraaman bogga)
1. Waxaa u bannaan kaddib markuu xirto xajka maalinta siddeedaad ee bisha Dul Xijjah inuu aado Mina barqadii, oo joogo oo ku hoyaado oo ku tukado Duhurka iyo Casarka iyo Maqribka iyo Cishaha iyo Fajarka salaad walba waqtigeeda iyagoon la isu keenin oo lagu soo gaabinayo salaadaha ka kooban afar rakcadood labo rakcadood keliya.
2. Maalinka sagaalaad ee bisha Dul Xijjah wuxuu aadayaa Carafah kaddib qorrax soo baxa wuxuu tukanayaa Duhurka iyo Casarka isagoo isu keenaya oo soo gaabinaya u addimaya hal aadaan iyo labo iqaamo, kaddib waxay dadka u ban baxayaan duceysi iyo isku dulleyn Allaah horti, waana meesha ugu weyn meelaha la joogsado Xajka heer uu Rasuulka Alle Caza wajalah sheegay in Allaah uu ugu faano dadka Carafa taagan malaa’igtiisa waxay ay ku sugan yihiin darteed ee leh Alle bari iyo hogasho iyo isoo jeeshasho dhan xagga Ilaahay markaasu wuxuu Allaah yiraahdaa: “Kuwani waa addoomaheygii waxay ii yimaadeen iyagoo madax basaasaan boor leh, waxaad markhaati ka ahaataan inaan u dambi dhaafay” (Axmad 7089)
3. Wuxuu ka tagayaa Carafah kaddib qorrax dhaca si deggan isagoo aadaya xagga Muzdalifa oo wuxuu ku tukanayaa Maqribka iyo Cishaha isagoo isu keenaya oo ku hoyanaya Muzdalifah wuxuuna ku tukanayaa Fajarka, waxaa sunno ah inuu Allaah ku xuso halkaa oo ku baryo ilaa uu soo bidhaamo nuurka iyo ka hor qorrax soo baxa, waxaana u bannaan haweenka iyo ducafada iyo dadka’ da’da ah iyo dadka wehliya inay ka baxaan Muzdalifa saq dhex habeenka kaddib.
4. Wuxuu ka tagayaa Muzdalifah ka hor qorrax soo baxa isagoo aadaya Mina, oo ah maalinka ciidda, waxaana loo sharciyeeyey xaajiga maalinka ciidda dhowr waxyaalood oo ka mid ah falalka xajka.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

673902
Today
Yesterday
All days
390
841
673902
2024-09-08 04:32

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dd28cd4f01419285733871725769933
title_66dd28cd4f0fa17107850431725769933
title_66dd28cd4f1c911152240771725769933
title_66dd28cd4f294301369071725769933
title_66dd28cd4f35f2345842851725769933
title_66dd28cd4f42a18905071241725769933

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dd28cd500fb2470584651725769933
title_66dd28cd501cb20675814271725769933
title_66dd28cd5029a13392772911725769933
title_66dd28cd50368618395591725769933

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com