SIDA LOO GUTO XAJKA

1. Wuxuu xaajiga xiranayaa xajka maalinta seddeedaad ee bisha Dul Xijjah isagoo jooga Makkah, wuxuu ka niyeysanayaa xajka qalbigiisa, macnaha gelitaanka cibaadada xajka, wuxuuna ka leeyahay carrabkiisa: “Labbayka Allaahumma Xajjan” kaddlib wuxuu la iman talbiyad isagoo shaaca ka qaadaya addoonnamadiisa iyo u hoggaansankiisa iyo ajiibiddiisa Abuuraha subxaanaha cid kale oo dhan ka sokow isagoo oranaya: “Labbayka Allaahumma Labbayka, Labbayka laa shariiika laka labbeyk, innal xamda wan-nicmata laka walmulku laa shariika laka”
Wuxuu xiranayaa dharka ixraamka, wuxuuna ka joogayaa waxyaalaha reebban ee loo diiday qofka ixraaman faliddooda ilaa uu ka xalaaloobo, oo ka dhammaeysto howlaha xajka. (eeg waxyaalaha ka reebban qofka ixraaman bogga)
1. Waxaa u bannaan kaddib markuu xirto xajka maalinta siddeedaad ee bisha Dul Xijjah inuu aado Mina barqadii, oo joogo oo ku hoyaado oo ku tukado Duhurka iyo Casarka iyo Maqribka iyo Cishaha iyo Fajarka salaad walba waqtigeeda iyagoon la isu keenin oo lagu soo gaabinayo salaadaha ka kooban afar rakcadood labo rakcadood keliya.
2. Maalinka sagaalaad ee bisha Dul Xijjah wuxuu aadayaa Carafah kaddib qorrax soo baxa wuxuu tukanayaa Duhurka iyo Casarka isagoo isu keenaya oo soo gaabinaya u addimaya hal aadaan iyo labo iqaamo, kaddib waxay dadka u ban baxayaan duceysi iyo isku dulleyn Allaah horti, waana meesha ugu weyn meelaha la joogsado Xajka heer uu Rasuulka Alle Caza wajalah sheegay in Allaah uu ugu faano dadka Carafa taagan malaa’igtiisa waxay ay ku sugan yihiin darteed ee leh Alle bari iyo hogasho iyo isoo jeeshasho dhan xagga Ilaahay markaasu wuxuu Allaah yiraahdaa: “Kuwani waa addoomaheygii waxay ii yimaadeen iyagoo madax basaasaan boor leh, waxaad markhaati ka ahaataan inaan u dambi dhaafay” (Axmad 7089)
3. Wuxuu ka tagayaa Carafah kaddib qorrax dhaca si deggan isagoo aadaya xagga Muzdalifa oo wuxuu ku tukanayaa Maqribka iyo Cishaha isagoo isu keenaya oo ku hoyanaya Muzdalifah wuxuuna ku tukanayaa Fajarka, waxaa sunno ah inuu Allaah ku xuso halkaa oo ku baryo ilaa uu soo bidhaamo nuurka iyo ka hor qorrax soo baxa, waxaana u bannaan haweenka iyo ducafada iyo dadka’ da’da ah iyo dadka wehliya inay ka baxaan Muzdalifa saq dhex habeenka kaddib.
4. Wuxuu ka tagayaa Muzdalifah ka hor qorrax soo baxa isagoo aadaya Mina, oo ah maalinka ciidda, waxaana loo sharciyeeyey xaajiga maalinka ciidda dhowr waxyaalood oo ka mid ah falalka xajka.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1690808
Today
Yesterday
All days
297
1923
1690808
2026-04-30 05:44

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69f2ec3c14bc916415986441777527868
title_69f2ec3c14c1712422993151777527868
title_69f2ec3c14c637908171777527868
title_69f2ec3c14c9f2794364501777527868
title_69f2ec3c14ceb5790888521777527868
title_69f2ec3c14d345497679631777527868

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69f2ec3c253d910692243011777527868
title_69f2ec3c2542811085669161777527868
title_69f2ec3c2547418284969751777527868
title_69f2ec3c254c019850444461777527868

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com