KHAYR ISUGU YEERIDDA, IYO XAALKA KII KHEYR JIDEEYA AMA XUMAAN HORSEEDA

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

78. " Ugu yeer (dadka) xagga Rabbigaa". Suuradda: Al-Qasas: Aayadda 87.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

79. " Ugu yeer jidka Rabbigaa si xigmad iyo waano wanaagsan leh". Suuradda An-Naxal: Aayadda 125.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

80. " Isu kaalmaysta samaanta iyo ilaalinta xilka iyo arrimaha Alle waajibiyey". Suuradda Al-Maa'idah: Aayadda 2.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

81. " Ha idinku jireen dad khayrka wax ugu yeera" Suuradda Aali-Cimraan: Aayadda 104.

173. Abuu Mascuud Cuqbah ibn Camar al-Ansari Al-Badri (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Qofkii khayr dadka tusaa kii falaa ajarka uu heli mid la mida baa loo dhigi". (Muslim)

174. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii dadka hanuun ugu yeeraa wuxuu leeyahay ajarka ay leeyihiin oo kale wixii isaga raaca ee samaha fala; iyadoo aan iyagana ajarkooda waxba laga nusqaamin. Sidaa oo kale qofkii dadka habow ugu yeeraa wuxuu leeyahay ciqaabta iyo dembiga ay leeyihiin wixii isaga raaca iyadoo aan waxba laga nusqaaminayn ciqaabta ay leeyihiin iyana ee dambigaa la xiriira". (Muslim)

175. Abuu Cabaas Sahal ibn Saacidi (A.K.R.) wuxuu yiri: Intaan dagaalka la qaadin maalintii Khaybar nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Berri waxaan calanka u dhiibayaa nin Alle guusha siin doono oo jecel Alle iyo Rasuulkiisaba, Alle iyo Rasuulkiisuna jecel yihiin. Habeenkii oo dhan baa la isla lahaa talow yaa loo dhiibi doonaa calanka. Markii uu waagii baryey baa Nebigii (S.C.W.) loo jarmaaday iyadoo nin walbaa is leeyahay adigaa lagu siinayaa. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Mee Cali bin abii Daalib? waxaa loo sheegay in indhahu xanuunayaan. Nabigu (S.C.W.) wuxuu dadkii faray in loo cid diraa. Markii uu yimid, buu rasuulkii Alle indhah kaga tufay oo u duceeyey; markaasaa xanuunkii ka ba'ay. Markaa buu rasuulkii Alle u dhiibay calankii. Wuxuu yiri Cali (A.K.R.): Nebi Alloow dagaalka ma aan ku wadayaa jeer ay muslim noqdaan innagoo kale ah? Nabigu (S.C.W.) Wuxuu ku jawaabay : tag adigoo ku socda orodkaaga caadiga ah illaa aad ka gaartid meel ku dhow carrigooda markaana ugu yeer inay Islaamka qaataan oo u sheeg waxa ay diinta fareyso oo uu ku waajib yeelay Alle. Waxaan ku dhaaran Alle, Xitaa haddii Alle dartaa hal qof keliya ku soo hanuuniyaa, taa baa wax badan kaaga wanaagsan oo kuu dhaanta tiro dhan oo aad qayb u yeelato oo geel gadgaduudan ah (halo geel oo qaali ah). (Bukhaari iyo Muslim)

176. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin dhallinyaro ah oo ka tirsan qabiilka Aslam baa u yimid nebiga (S.C.W.) oo ku yiri: Rasuulkii Alloow, Waxaan doonayaa inaan ka qayb qaato jihaadka, wax aan ku diyaar goroobana ma heysto oo qalab iyo hub ah (aan jihaadka ugala qayb galo). " Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: U tag hebel, wuxuu u sameeyey diyaargaroob dhan jihaadka, waase bukooday. Ninkii dhallinyarada ahaa wuxuu u tegey ninkan loo sheegay oo yiri: Nebigii Alle waa uu ku soo salaamayey wuxuuna ku soo faray inaad i siiso wixii aad ku diyaar garowdey ood jihaadka ugu tala gashay. Wuxuu ninkii faray xaaskiisa inay siiso qalabkiisii oo dhan uu jihaadka ugu tala galay ninkaa dhallinyarada ah oo ay waxba ka reebin. Alle baan ku dhaaran, Haddii aadan la harin waxba, Alle barako iyo kheyr buu ku siin falkaasi awgi." (Muslim)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1626613
Today
Yesterday
All days
1160
2063
1626613
2026-04-01 14:31

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cd2c4b8d5d111586772891775053899
title_69cd2c4b8d62320423886081775053899
title_69cd2c4b8d6715376325841775053899
title_69cd2c4b8d6bd14529254171775053899
title_69cd2c4b8d70a18520786961775053899
title_69cd2c4b8d7561476735661775053899

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cd2c4ba1dee11703608551775053899
title_69cd2c4ba1e421561250931775053899
title_69cd2c4ba1e918733123421775053899
title_69cd2c4ba1edf2578773861775053899

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com