QOF WALBAA WIXII UU JIDEEYO BUU LEEYAHAY

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

76. " Iyo kuwa yiraahda: Rabbiyow ubadkayaga iyo afooyinkayaga ilqabowsi naga sii, Tusaale wacanna innaga dhig ay ku daydaan kuwo xaqa raaca xumahana iska dhowra". Suuradda Al-Furqaan: Aayadda 74.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

77. " Waxaan ka dhignay (nebiyadii iyo saalixiinta) madax amarkayaga wax ku hanuuniya". Suuradda Al-Anbiyaa: Aayadda 73.

171. Jariir bin Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: " Waxaynu joognay oo xaadir ka aheyn kulan uu innagu wehliyey nebiga (S.C.W.) maalin goor Duhur aheyd. Waxaa noo yimid dad aad u arradan oo wax jeex jeexan qaba oo seefo sita oo reer Mudar badankoodu yahay ama wad ahaaba. Markaasaa nebigu (S.C.W.) surrucaaday waxa faqri ka muuqanaya awgeed. Markaasuu inta soo kacay oo qolkiisa aaday buu haddaana soo baxay oo Bilaal wuxuu faray inuu addimo waayo waxay aheyd waqtigii salaadda, inta na tujiyey nabigu (S.C.W.) buu khudbad jeediyey oo yiri: War dadoow dhowra oo ilaaliya xilka iyo waajibkuu Alle idin saaray, Allahaa oo naf keliya idinka abuuray (Aadam), iyadiina afadeeda ka abuuray (Xaawo) oo labadooda ka firdhiyey rag tira badan iyo haweenba. Allena ka cabsada, kan aad weydiisataan xuquuqdiinna, oo riximka ha goynina. Alle waa idin eegahayaaye". Suuradda An-Nisaa: Aayadda 1.

Kaddibna wuxuu akhriyey aayad kale oo ku jirta suuradda Al-Xashar ee ah:

" Kuwa xaqa rumeeyoow! Dhowra xilka iyo waajibkuu Alle idiin saaray. oo nafi ha fiiriso waxay berito (qiyaamaha) u hor marsatay Allana ka cabsada. Alle waxa aad faleysaan waa ka warqabaaye". Suuradda Al-Xashar: Aayadda 18.

Markaa kaddib nabigu (S.C.W.) wuxuu faray nin walbaa oo dadkii salaadda joogay ka mid ahaa inuu wax ku sadaqaysto dadkaa qofba wixii uu heli karo, hadday Diinaar tahay, Dirham, Dhar, Bur, Timir, ilaa uu gaarsiiyey xabad timir ah jeexeedba Allaha ka dhigo'e. Markay maqleen taa baa Nin ansaar ka mid ah wuxuu keenay kolay culayskiisa uu qaadi la yahay, kaddibna dadkii baa iska daba yimid, ilaa wixii la isu keenay ay gaareen laba tuur oo dhar iyo cunto ah. Markaa baa waxaan arkay wejigii Nebigoo (S.C.W.) oo u ifaya una dhalaalaya sida dahab oo kale.

Wuxuu markaas Nebigu (S.C.W.) yiri: " Qofkii diinta islaamka dhexdeeda jideeya wax khayr ah, wuxuu leeyahay ajarka waxaas iyo ajarka cid Alla ciddii waxaas ku dhaqanta isaga dabadi iyadoo aan iyagana ajarkooda waxba laga nusqaaminahayn. Qofkii diinta Islaamka dhexdeeda wax xun jideeyana wuxuu leeyahay ciqaabta dembigaa, waana loo ciqaabi sidoo kale cid Alla ciddii waxaas ku dhaqanta isaga dabadi, iyadoo aan iyagana waxba laga nusqaaminahayn dambiga ay galeen, iyo ciqaabta u dhigan". (Muslim)

172. Ibn Mascuud (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Naf kasta oo xaqdarro lagu dilo dembigeeda waxbuu ku leeyahay ina Aadankii ugu horeeyey (Qaabiil) , maxaa yeelay wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey oo dilka jideeyey, markuu dilay walaalkiis (Haabiil)".   (Bukhaari iyo Muslim)

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1118259
Today
Yesterday
All days
799
996
1118259
2025-07-12 09:57

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_68723180884b57470942281752314240
title_68723180885b514078747791752314240
title_687231808868a2921038691752314240
title_687231808875911940332111752314240
title_687231808882413844270181752314240
title_68723180888f25460892721752314240

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_68723180895db13125559751752314240
title_68723180896b74146986851752314240
title_687231808978818741446321752314240
title_687231808985811223931501752314240

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com