QOF WALBAA WIXII UU JIDEEYO BUU LEEYAHAY

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

76. " Iyo kuwa yiraahda: Rabbiyow ubadkayaga iyo afooyinkayaga ilqabowsi naga sii, Tusaale wacanna innaga dhig ay ku daydaan kuwo xaqa raaca xumahana iska dhowra". Suuradda Al-Furqaan: Aayadda 74.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

77. " Waxaan ka dhignay (nebiyadii iyo saalixiinta) madax amarkayaga wax ku hanuuniya". Suuradda Al-Anbiyaa: Aayadda 73.

171. Jariir bin Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: " Waxaynu joognay oo xaadir ka aheyn kulan uu innagu wehliyey nebiga (S.C.W.) maalin goor Duhur aheyd. Waxaa noo yimid dad aad u arradan oo wax jeex jeexan qaba oo seefo sita oo reer Mudar badankoodu yahay ama wad ahaaba. Markaasaa nebigu (S.C.W.) surrucaaday waxa faqri ka muuqanaya awgeed. Markaasuu inta soo kacay oo qolkiisa aaday buu haddaana soo baxay oo Bilaal wuxuu faray inuu addimo waayo waxay aheyd waqtigii salaadda, inta na tujiyey nabigu (S.C.W.) buu khudbad jeediyey oo yiri: War dadoow dhowra oo ilaaliya xilka iyo waajibkuu Alle idin saaray, Allahaa oo naf keliya idinka abuuray (Aadam), iyadiina afadeeda ka abuuray (Xaawo) oo labadooda ka firdhiyey rag tira badan iyo haweenba. Allena ka cabsada, kan aad weydiisataan xuquuqdiinna, oo riximka ha goynina. Alle waa idin eegahayaaye". Suuradda An-Nisaa: Aayadda 1.

Kaddibna wuxuu akhriyey aayad kale oo ku jirta suuradda Al-Xashar ee ah:

" Kuwa xaqa rumeeyoow! Dhowra xilka iyo waajibkuu Alle idiin saaray. oo nafi ha fiiriso waxay berito (qiyaamaha) u hor marsatay Allana ka cabsada. Alle waxa aad faleysaan waa ka warqabaaye". Suuradda Al-Xashar: Aayadda 18.

Markaa kaddib nabigu (S.C.W.) wuxuu faray nin walbaa oo dadkii salaadda joogay ka mid ahaa inuu wax ku sadaqaysto dadkaa qofba wixii uu heli karo, hadday Diinaar tahay, Dirham, Dhar, Bur, Timir, ilaa uu gaarsiiyey xabad timir ah jeexeedba Allaha ka dhigo'e. Markay maqleen taa baa Nin ansaar ka mid ah wuxuu keenay kolay culayskiisa uu qaadi la yahay, kaddibna dadkii baa iska daba yimid, ilaa wixii la isu keenay ay gaareen laba tuur oo dhar iyo cunto ah. Markaa baa waxaan arkay wejigii Nebigoo (S.C.W.) oo u ifaya una dhalaalaya sida dahab oo kale.

Wuxuu markaas Nebigu (S.C.W.) yiri: " Qofkii diinta islaamka dhexdeeda jideeya wax khayr ah, wuxuu leeyahay ajarka waxaas iyo ajarka cid Alla ciddii waxaas ku dhaqanta isaga dabadi iyadoo aan iyagana ajarkooda waxba laga nusqaaminahayn. Qofkii diinta Islaamka dhexdeeda wax xun jideeyana wuxuu leeyahay ciqaabta dembigaa, waana loo ciqaabi sidoo kale cid Alla ciddii waxaas ku dhaqanta isaga dabadi, iyadoo aan iyagana waxba laga nusqaaminahayn dambiga ay galeen, iyo ciqaabta u dhigan". (Muslim)

172. Ibn Mascuud (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Naf kasta oo xaqdarro lagu dilo dembigeeda waxbuu ku leeyahay ina Aadankii ugu horeeyey (Qaabiil) , maxaa yeelay wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey oo dilka jideeyey, markuu dilay walaalkiis (Haabiil)".   (Bukhaari iyo Muslim)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1516616
Today
Yesterday
All days
767
2242
1516616
2026-02-10 10:54

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_698b0e7baecf713497662471770720891
title_698b0e7baed4820263464161770720891
title_698b0e7baed9219305494061770720891
title_698b0e7baeddf13326895011770720891
title_698b0e7baee295861841770720891
title_698b0e7baee728533324831770720891

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_698b0e7bcda929182193881770720891
title_698b0e7bcdae120877542511770720891
title_698b0e7bcdb2d14041166461770720891
title_698b0e7bcdb77963573411770720891

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com