Ka fakaridda uunka Ilaahay iyo Waxyaabaha inagu hareersan.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Ka fakaridda uunka Ilaahay iyo Waxyaabaha inagu hareersan

36. ‘Ku dheh (Muxammadow) Waxaan idinku waaninayaa hal mas’alo, waa inaad dar Alla laba labo iyo mid mid ugu istaagtaan dabadeedna fekertaan.” Suuradda Saba: Aayadda 46.

Wuxuu kaloo yiri: kor ahaaye:

37. 'Abuurista cirarka iyo dhulka iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta, calaamooyinbaa ku jira muujinaya (awoodda iyo ku keli ahaanshada Alle maamulka uunka iyo mulkigiisa iyo mudnaantiisa keligi cibaadada) waxayna ugu jirtaa kuwa wax garadka ah. Kuwa xusa Alle, joog, fadhi, iyo jiifba, oo ka fakara abuurista cirarka iyo dhulka oo (yiraahda) Rabbiyoow waxakan dheel uma aadan abuuran. Adaa Hufan! Innaga dhowr cadaabta naarta. Suuradda aali-Cimraan: Aayadaha 190 - 191.

Wuxuu kaloo yiri Alle hufnaaye:

38. 'Ma waysan fiirinay geela, sida loo abuuray? iyo cirka, sida loo bilay? iyo buuraha, sida loo qotomiyey? iyo dhulka, sida loo goglay? Waani, waaniye kaliyaad tahaye.' Suuradda Al-Qaashiya: Aayadaha 17 - 21.

Wuxuu kaloo yiri Alle weyne:

39. 'Ma weysan dhulka marin oo fiirin ciribta qoomankii iyaga ka horreeyey? Suuradda Muxammad; Aayadda 10.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1725184
Today
Yesterday
All days
1586
3451
1725184
2026-05-17 20:21

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a0a233c552dd15984111281779049276
title_6a0a233c5532c18694745361779049276
title_6a0a233c55377955703351779049276
title_6a0a233c553c216002912611779049276
title_6a0a233c5540c3376957421779049276
title_6a0a233c554554791642541779049276

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a0a233c67cc51821211051779049276
title_6a0a233c67d133545165141779049276
title_6a0a233c67d5f11388827271779049276
title_6a0a233c67dc021048803051779049276

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com