Allaah Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yidhi:

KU TOOSNAANTA DIINTA

“ Ugu toosnow siraadka mustaqiimka ah (jidka toosan ee xaqa ah) sida lagu faray” Suuradda Huud: Aayadda 112. Waxaa kaloo Allaah S.T.W. yidhi:

“ Kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah; dabadeedna toosnaada, malaa’ig baa ku soo degta ( kuwaa markay dhimanayaan oo ay naftu ka sii baxeyso) ku leh: Ha cabsannina, hana murugoonnina, oo ku bushaareysta Jannadii la idiin yaboohay. Annagaa ah gacalkiin idin dhowraaya adduun iyo aakhiroba. Xagga Jannadana waxaa idiin yaal wixii ay naftiinnu rabto oo dhan iyo wixii aad u yeedhataanba’e. Waana martiqaad ka sugnaaday dambi dhaafe naxariis badan” Suuradda Fusilat: Aayadda 30-32.  Waxaa kaloo Allaah S.T.W. yidhi:

“ Kuwii yidhi: Rabbigayo Waa Alle, dabadeedna xaqa ku toosnaaday oo aan dhinacna uga leexanin, cabsi korkooda ahaanmayso iyo murugo. Waana ehlu Janno kuwaasu, dhexdeedayna ku waarayaan, Camalkii wanaagsanaa ay falan jireen dartii” Suuradda Axqaaf: Aayadda 13-14.

85. Sufyaan ibn Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yidhi: waxaan ka codsaday Rasuulkii Alle (S.C.W.) arrintan anigoo ku iri: Waxaad iga siisaa cashar dhan iyo daris waantow iyo hanuun leh Islaamka oo aanan dabadaa waydiineyn cid kale. Wuxuu yidhi (S.C.W.) “ Dheh: Alle ayaan Rumeeyey, dabadeed xaqa raac oo ku toosnow”. (Muslim).

86. “ Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yidhi: Nabigu S.C.W. wuxuu yidhi: “ Raaca mabaadida iyo qodobbada diinta oo si wanaagsan u dhowra, ahaadana xaqaaniyaal jidka Alle ku toosan: oo ogaada inuusan qofkiinna camalkiisa ku badbaadi Karin. Nin baa wuxuu weydiiyey: Ma xataa adiga nabi Alloow? Wuxuu yidhi: xataa aniga, in Alle naxariistiisa iyo galladdiisa I dhex geliyo maahee”. (Muslim)

Fiiro Gaar ah: Culimadu waxay yidhaahdaan ku toosnaanta xaqa waxaa loola jeedaa inaad Alle adeecdo, oo awaamiirtiisa aad fuliso qowl iyo ficil, farid iyo reebid, iyo inaad noolaato nolol aad ugu hogaan santahay addoon dhab ahna ugu tahay Allahii ku abuuray.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1305627
Today
Yesterday
All days
886
1713
1305627
2025-10-29 12:00

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_690201ef456d67303063301761739247
title_690201ef457ab10730941011761739247
title_690201ef4587a17796328391761739247
title_690201ef459508687650021761739247
title_690201ef45a1e8892160041761739247
title_690201ef45ae718863775711761739247

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_690201ef467eb11140917331761739247
title_690201ef468c820919899601761739247
title_690201ef469979743339381761739247
title_690201ef46a643931309521761739247

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com