Allaah Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yidhi:

KU TOOSNAANTA DIINTA

“ Ugu toosnow siraadka mustaqiimka ah (jidka toosan ee xaqa ah) sida lagu faray” Suuradda Huud: Aayadda 112. Waxaa kaloo Allaah S.T.W. yidhi:

“ Kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah; dabadeedna toosnaada, malaa’ig baa ku soo degta ( kuwaa markay dhimanayaan oo ay naftu ka sii baxeyso) ku leh: Ha cabsannina, hana murugoonnina, oo ku bushaareysta Jannadii la idiin yaboohay. Annagaa ah gacalkiin idin dhowraaya adduun iyo aakhiroba. Xagga Jannadana waxaa idiin yaal wixii ay naftiinnu rabto oo dhan iyo wixii aad u yeedhataanba’e. Waana martiqaad ka sugnaaday dambi dhaafe naxariis badan” Suuradda Fusilat: Aayadda 30-32.  Waxaa kaloo Allaah S.T.W. yidhi:

“ Kuwii yidhi: Rabbigayo Waa Alle, dabadeedna xaqa ku toosnaaday oo aan dhinacna uga leexanin, cabsi korkooda ahaanmayso iyo murugo. Waana ehlu Janno kuwaasu, dhexdeedayna ku waarayaan, Camalkii wanaagsanaa ay falan jireen dartii” Suuradda Axqaaf: Aayadda 13-14.

85. Sufyaan ibn Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yidhi: waxaan ka codsaday Rasuulkii Alle (S.C.W.) arrintan anigoo ku iri: Waxaad iga siisaa cashar dhan iyo daris waantow iyo hanuun leh Islaamka oo aanan dabadaa waydiineyn cid kale. Wuxuu yidhi (S.C.W.) “ Dheh: Alle ayaan Rumeeyey, dabadeed xaqa raac oo ku toosnow”. (Muslim).

86. “ Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yidhi: Nabigu S.C.W. wuxuu yidhi: “ Raaca mabaadida iyo qodobbada diinta oo si wanaagsan u dhowra, ahaadana xaqaaniyaal jidka Alle ku toosan: oo ogaada inuusan qofkiinna camalkiisa ku badbaadi Karin. Nin baa wuxuu weydiiyey: Ma xataa adiga nabi Alloow? Wuxuu yidhi: xataa aniga, in Alle naxariistiisa iyo galladdiisa I dhex geliyo maahee”. (Muslim)

Fiiro Gaar ah: Culimadu waxay yidhaahdaan ku toosnaanta xaqa waxaa loola jeedaa inaad Alle adeecdo, oo awaamiirtiisa aad fuliso qowl iyo ficil, farid iyo reebid, iyo inaad noolaato nolol aad ugu hogaan santahay addoon dhab ahna ugu tahay Allahii ku abuuray.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1725184
Today
Yesterday
All days
1586
3451
1725184
2026-05-17 20:21

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a0a233c552dd15984111281779049276
title_6a0a233c5532c18694745361779049276
title_6a0a233c55377955703351779049276
title_6a0a233c553c216002912611779049276
title_6a0a233c5540c3376957421779049276
title_6a0a233c554554791642541779049276

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a0a233c67cc51821211051779049276
title_6a0a233c67d133545165141779049276
title_6a0a233c67d5f11388827271779049276
title_6a0a233c67dc021048803051779049276

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com