الصلوات المسنونة

:والصلوات المسنونات خمس

العيدان .1
والكسوفان .2
والاستسقاء .3

(والصلوات المسنونات خمس) Salaad dahii (المسنونات) ee la sunneeyay (خمس) waa shan salaad dood.

Hal kaa wuxuu kaga soo baxay marka, shuruuda salaadda saas daraadeed, mathalan ruuxa haddii uu suuxo ama la suuxiyo, dadka mathalan (operation) nada iyo qaliinka lagu sameyn nayo sow lama suuxiyo?

Ruux baa laga yaabaa inuu mathalan duhur kii ilaa casar kii ilaa cishahii uu suux sanaado ba, markuu soo miiraabo oo soo kaco salaad dahii ma lagu leeyahay? Yaa!

Maya! Ma lagu laha, maba qaleyn nahayo ba.

Sababtu maxay tahay?

Li’ana maan kii baa maqnaa ba…

Waa [manaatu takliif], takaaliiftu shareecadu meesha ay ku dhacdo waa maanka joogid diisa, maanka hadduu ruuxu lumiyo [bi macnaa] takaaliif tii wey ka kor qaad meysaa macnaha saasaa laga wadaa.

(والصلوات) Salaad dahii (المسنونات) ee la sunneeyay (خمس) waa shan.

Salaadahii sunnada buu inoo galay, salaadahii waajibka ahaa markuu ka soo hadlay, salaadaha sunnaha buu galay. Salaadaha sunnaha ah ee shanta hadda inoo sheeg gayo waa kuwa sunna nimad kooda adag yahay jamaaca na in lagu tukado ay tahay.

Salaadaha sunnada waa fara badan yihiin, siyaabo kala gedisan na waa loo qeyb biyaa:

  • Kuwo jamaaco ayaa lagu tukan
  • Kuwo gooni gooni baa loo tukan
  • Kuwo salaadaha waajibka ah ayay raacsan yihiin
  • Kuwo waqti bey leeyihiin
  • Kuwo waqti male

Marka qeybo qeybo buu ka tilmaam mayaa.

Shanta salaad dood waxa weeye:

(1) (العيدان)

(العيدان) Labadii ciid dood.

  1. Ciidul fidriga iyo
  2. Ciidul adxada

Midna ramadaan ka dambeyso, midna xajjka dhex diisa.

(2) (والكسوفان)

(والكسوفان) Labadii madow waasho.

  1. Labadii dayax madow waadka iyo
  2. Qorax madow waadka

(3) (والاستسقاء)

(والاستسقاء) iyo roob doon tii.

Shan taa salaad dood mid waliba baab gooni ah buu ku keeni doonnaa qaabka loo tukan naayo, laakiin shan taasi wuxuu yidhi waa sunnooyin adag, tabcan jamaaca na in lagu tukado ay tahay ee in leysa tukado.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1725184
Today
Yesterday
All days
1586
3451
1725184
2026-05-17 20:21

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a0a233c552dd15984111281779049276
title_6a0a233c5532c18694745361779049276
title_6a0a233c55377955703351779049276
title_6a0a233c553c216002912611779049276
title_6a0a233c5540c3376957421779049276
title_6a0a233c554554791642541779049276

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a0a233c67cc51821211051779049276
title_6a0a233c67d133545165141779049276
title_6a0a233c67d5f11388827271779049276
title_6a0a233c67dc021048803051779049276

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com