(وشرائط وجوب الصلاة)

Salaadda waajibi taan keeda, shuruuda heedu waxa weeyaan (الصلاة ثلاثة أشياء) waa saddex shey.

Salaadu markey ruuxa ku waajib beyso, saddex shey waa in laga helaa ruuxa.(1) (الإسلام)

(الإسلام) Islaam nimo; oo gaalka salaad kuma waajib beyso.

Maxaa laga wadaa?

Waxay ka wadaan laga dalbi maayo tuko la dhihi maayo.

Maxaa yeelay kamaba asaxayso sooma aha?

Laakiin aakharo salaadahii uu ka tagay waa loo ciqaabi bey qabaan.

(الكفار مخاطبون بفروع الشريعة)

Qaacidada halkaas ayay marin nayaan.

Salaadaha intuu ka tagay cuquubada wey u siyaadin neysaa bey leeyihiin, laakiin adduunka ilaa uu ka soo islaamo salaad dii laga dalbi maayo, li’ana kamaba asaxayso ba, tayyib marka ruuxu waa inuu Muslim yahay.

(2) (والبلوغ)

(والبلوغ) waa shardiga labaad ee waa inuu qaan gaaro.

Hadduu san qaan gaarin, ilmaha yarka ah salaadu kuma waajibin…

:قال صلى الله عليه وسلم

((رُفِعَ الْقَلَمُ عَنْ ثلاث: عن الصَّبِى حَتَّى يَبْلُغَ، وَعَنِ النَّائِمِ حَتَّى يَسْتَيْقِظَ، وَعَنِ الْمَجْنُونِ حَتَّى يُفِيقَ))

Xadiiska ahaa ee saxaabada qaar laga weriyay.

Yacni saddex qalinka waa laga kor yeelay oo waxba kuma waajibaan…

Ilmaha yarka baa kamid ah ilaa uu qaan gaaro.

(3) (والعقل وهو حد التكليف)

(والعقل وهو حد التكليف) iyo caqligii…

Waxaa kala gedisan

  • [shardu sixa] iyo
  • [shardu wajuub]

Hadda waxa aan ka hadleyno waa (وشرائط وجوب). Ilmaha yarka salaad kuma waajibto laakiin wey ka asaxi, yaa hadduu tukado wey ka saxi.

Ilmaha markay yihiin 7 jir salaadda amar soo lama dhihin? Yaa!

10 jir na? Ku garaaca.

Cibaadaadka wey ka asaxi….

  • Xajj kii wuu ka saxi, Ilaahay fadli giisa waaye
  • Cumra dii wey ka asaxi
  • Salaaddii wey ka asaxi
  • Soonka waa asaxi, khayr raad ka waa loo qori

Laakiin hadday dembi galaan! Ama ay dacayaan waajibaad kii loo qori maayo, haa saas weeye macnaha.

Marka…

(والبلوغ) gaari taan, waa inuu qaan gaaro (والعقل) iyo caqli gii…

Inuu ruuxu caqli leeyahay, waa in maan kiisii iyo garaad kiisii iyo garasha diisii joogto, hadduu maanka lumiyo uu waashay ama ma ehee… uu miir dawoolmay ama ma ehee… waaba (ahbal) waaye, waa doqon nimo iyo nacas nimo buu ku dhashay waxba ma kala garan naayo ba, sidaas daraadeed waxba laguma laha, salaad ku waajibi meyso.

(وهو حد التكليف) kaasi saddex daa shuruud ee waajibka ah (وهو) isagu (حد التكليف) kaliffida adoonka in la kalifo xad deeda waaye.

Adoonka in la yiraahdo waa kaliffan yahay oo xil baa saaran, oo waajib baa laga rabaa, oo shey gaasi hadduu sameeyo waa loo ciqaabi, (takliifta) iyo xil kaas shuruud deeda waaye, shuruud daas baa shuruud u ah, ciddii shuruud daa laga waayo markaasi (mukalaf) ma aha.

(وهو) isagu (حد التكليف) takliifta xad deeda waaye macnaha.

Shardi kale buu ka tagay oo afaraad oo salaadda shuruud deeda kamid ah oo waa in ay dumarku ayay qaas ku tahay ee waa iney dhiigii caadada iyo dhiigii nifaaska ahaa ay daahir ka yihiin. Haddey naan daahir ka ahayn ma salaad baa ku waajib beysa?

Kuma waajib beyso, saas weeye macnaha.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1626613
Today
Yesterday
All days
1160
2063
1626613
2026-04-01 14:31

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cd2c4b8d5d111586772891775053899
title_69cd2c4b8d62320423886081775053899
title_69cd2c4b8d6715376325841775053899
title_69cd2c4b8d6bd14529254171775053899
title_69cd2c4b8d70a18520786961775053899
title_69cd2c4b8d7561476735661775053899

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cd2c4ba1dee11703608551775053899
title_69cd2c4ba1e421561250931775053899
title_69cd2c4ba1e918733123421775053899
title_69cd2c4ba1edf2578773861775053899

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com