6. Su’aal: Ka hadal jiritaanka Eebbe.
Jawaab: Eebbe jiritaankiisa shaki kuma jiro, wuxuuna jiraa qaab la’aan iyo meel la’aan iyo aag la’aan, mana u eka wax ka mid ah uunkiisa wax uunkiisa ah oo asiga u egna ma jiraan. Wuxuu yiri kor ahaayee: (Ma Eebbe ayaa shaki ku jiraa) Ibraahiim: 10.
Xadiiska: “Eebbe wuxuu jiray ayada oo aan wax kale jirin” waxaa soo weriyay Bukhaari iyo qaar kale.

7. Su’aal: Maxaa looga jeedaa qowlkii Eebbe (Wuu idinla joogaa meel aad ahaataanba) al-xadiid: 4.
Jawaab: Waxaa looga jeedaa in uu aqoontiisa ku koobay, waxaa sidaa yiri: ath-thawri iyo ash-shafici iyo Axmad iyo Maalik iyo qaar kale. Wuxuu yiri Eebbe: (Eebbana wuxuu ku koobay wax kasta cilmigiisa) ad-dalaaq:12.
Xadiiska: “Naftiinna ha kadeedina maxaa yeelay adinku baryi maysaan wax dhegoole ah ama mid maqan, waxaadse baryaysaan mid wax maqla oo dhaw” waxaa soo weriyay al-Bukhaari. Waxaa laga wadaa, wax Eebbe ka qarsooni ma jiraan.

8. Su’aal: Muxuu yahay dambiyada midka ugu wayn?
Jawaab: Dambiyada waxaa ugu wayn kufriga, kufrigana waxaa ka mid ah shirkiga oo macnihiisu yahay in la caabudo cid aan Eebbe ahayn, wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee asiga oo Luqmaan ka sheekaynaya: “Inankaygow ha u shirko yeelin Eebbe shirkigu waa dulmi wayne) Luqmaan: 13.
Xadiiska: Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ayaa la waydiiyay: dambiyada keebaa ugu wayn? Wuxuu yiri: in aad Eebbe u shirko yeesho asiga oo ah kii ku uumay” waxaa soo weriyay al-Bukhaari iyo qaar kale.

9. Su’aal: Waa maxay macnaha cibaadadu?
Jawaab: Cibaadadu waa khushuucidda iyo khuduucidda meesha ugu sarraysa sida uu yiri: xaafidkii as-Subki. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Eebbe ma jiro aan aniga ahayn ee I caabuda) al-Anbiyaa’: 25.

10. Su’aal: Ducadu cibaadada oo kale ma noqon kartaa?
Jawaab: Haah, Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Waxaad dhahdaa wax kale ma ahee, Eebbahay baan baryayaa, shirkana uga dhigi maayo cid kale) al-Jinni: 18.
Xadiiska: “Ducadu waa cibaadada” waxaa soo weriyay al-Bukhaari. Cibaadana halkan waxaa looga jeedaa xasanaadka.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1699347
Today
Yesterday
All days
1328
1751
1699347
2026-05-04 19:40

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69f8f621a247817891537571777923617
title_69f8f621a24cb21369502101777923617
title_69f8f621a2519658210141777923617
title_69f8f621a2565363269781777923617
title_69f8f621a25b16670926161777923617
title_69f8f621a25fd6991922451777923617

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69f8f621b722111095581601777923617
title_69f8f621b72722993233741777923617
title_69f8f621b72bf17351081651777923617
title_69f8f621b730b4353050431777923617

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com