CAQIIDADA MUSLIMIINTA
Su’aalo iyo Jawaabo ku saabsan Caqiidada Islaamka

1. Su’aal: Muxuu yahay waajibka qof kasta laga doonayo (faradka cayniga ah) ee cilmiga diinta ka mid ah?
Jawaab: Waxaa ku waajib ah qof kasta oo qaangaar ah in uu barto qayb lama huraan ah oo ka mid ah caqiidada iyo dahaarada iyo salaadda iyo soonka iyo sakada qofkii ay ku waajibayso (sekadu) iyo xajka qofkii awooda, iyo (waxyaabaha keenaya) macsida qalbiga iyo gacanta iyo isha iwm. Eebbe wuxuu yiri: (Waxaad dhahdaa miyay simanyihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoon) az-zumar: 9.
Xadiiska: “Doonista cilmigu waxay farad ku tahay muslim kasta” waxaa weriyay al-Bayhaqi.

2. Su’aal: Maxay tahay xigmadda ku jirta abuurista jinniga iyo aadanaha?
Jawaab: Waa in uu Eebbe faro cibaadadiisa. Wuxuu yiri kor ahaayee: (Uma uumin Jinniga iyo Insiga in ay I caabudaan mooyee) ad-Daariyat:56.
Xadiiska: “Xaqa uu Eebbe ku leeyahay addoomaha waa in ay caabudaan oo aanay ula shirko yeelin wax kale” waxaa weriyay labada sheikh.

3. Su’aal: Cibaadadu sidee ku ansaxaysaa?
Jawaab: Cibaadada Eebbe waxay ka ansaxaysaa qofkii rumaysan jiritaanka Ilaahay ee aan cid uunkiisa ka mid ah ku shabbahayn. Wuxuu Eebbe yiri kor ahaayee: (Wax ekaankiisa ahi ma jiraan)as-Shuuraa:11. Nabiguna nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri: “Fikirku haleeli maayo Eebbe” Waxaa soo weriyay Abul Qaasim al-Ansaari. Wuxuu yiri Al-Gasali: “Ansixi mayso cibaadadu kolka Eebbe la aqoonsado kadib haddii aanay ahayn”.

4. Su’aal: Maxaa Eebbe u soo diray nabiyaasha?
Jawaab: Wuxuu Eebbe u soo diray nabiyaasha si ay u baraan dadka arrimaha diintooda iyo adduunyadooda, iyo in ay dadka ugu yeeraan cibaadada Eebbe iyo in aysan Eebbe wax kale ula shirko yeelin. Wuxuu yiri kor ahaayee: (Wuxuu soo diray Eebbe Nabiyaalka ayaga oo bishaaraynaya oo digaya) al-Baqarah: 213.
Xadiiska: “Waxaa ugu fadli badan wixii aan dhahnay aniga iyo nabiyaashii iga horreeyay: Ilaah mooyee Ilaah kale ma jiro” waxaa weriyay al-Bukhaari.

5. Su’aal: Towxiidka Maxaa macnihiisu yahay?
Jawaab: Waa in Ilaaha soo jireenka ah laga reebo waxyaabaha dhacdooyinka ah sida uu u sheegay al-imaam al-Junayd, wuxuuna uga jeedaa kan soo jireenka ah Eebbaha aan jiritaankiisu billowga lahayn, dhacdooyinkuna waa uunka. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Ma jiraan wax Ekaankiisa ah) ash-shuuraa:11.
Xadiiska: waxaa la waydiiyay nabiga nabadgelyo iyo naxarisii korkiisa ha ahaatee: falkee ugu fadli badan falalka kolkaas buu yiri: Eebbe iyo Nabigiisa oo la rumeeyo” Waxaa soo weriyay al-Bukhaari.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1567345
Today
Yesterday
All days
634
2269
1567345
2026-03-04 10:58

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69a81063ae7a618884506661772621923
title_69a81063ae7f713406026241772621923
title_69a81063ae8449655362501772621923
title_69a81063ae8905516388381772621923
title_69a81063ae8db21255071271772621923
title_69a81063ae92619862291941772621923

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69a81063bf47b8863034631772621923
title_69a81063bf4cb10789380061772621923
title_69a81063bf51817011938591772621923
title_69a81063bf56310021291391772621923

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com