WAA INAAD DAA'INTAA OO KU SUGNAATAA FALASHADA ACMAASHA SAN

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

55. " Ma waysan u soo dhawaan quluubta mu'miniintu inay u khushuucdo waanada Alle iyo waxa soo degey oo xaqa ah, iyo inaysan la mid noqon kuwii awel kitaabka la siiyey oo markii waqtigii ku dheeraaday ay quluubtoodii qallashay ". Suuradda Al-Xadiid: Aayadda 16.

Wuxuu kaloo Alle yiri kor ahaaye:

56. " Waxaan ka daba geynney Ciisihii ina Maryam ahaa, oo aan Injiil siinnay, kuwii isaga raacayna waxaan quluubtooda yeellay turid iyo naxariis. Laakiinse suufinnimo bay unkadeen oo aannan ku waajibin ay ula jeedeen doonidda Raallinnimada Alle. ha yeeshee aysan ilaalin dawgii ay lahayd ". Suuradda: Al-Xadiid: Aayadda 27.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

57. " Ha noqonnina sidii tii xariggeeda oo xoog lahaa misna nudaha u kidfaysey ". Suuradda An-Naxal: Aayadda 92.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

58. " Rabbigaa Caabud jeer ay yaqiintu (geeridu) ku timaaddo" . Suuradda Al-Xijr: Aayadda 99.

Xadiisyadana waxaa ka mid ah xadiiskii Caa'isha oo aan ciwaankii kan ka horeeyey ku soo marnay, ahaana Alle wuxuu jecel yahay daa'imadda iyo daryeelidda gudashada awaamirta diinta (Islaamka).

153. Cumar bin Khaddaab (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: " Haddii uu qofku illoobo inuu akhriyo xisbigiisii (yacni inuu tukado salaadahiisa iskiis ah ee isagu doonay aan lagu waajibin) ama qaar ka mid ah, oo uu habeenkii ka seexdo, wuxuu heli isla ajarkii haddii uu akhriyo (tukado) waqti kasta oo ka mida ah inta u dhaxeysa salaadda Subax iyo salaadda Duhur maalinta xigta."  (Muslim)

154. Cabdullaah bin Camar bin Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu igu yiri: ÒCabdullaahiyoow ha noqon sida hebel, kaa oo tukan jirey salaatu leyl, mar kaasuu iska daayay muddo kaddib. (Bukhaari iyo Muslim)

155. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: Markii uu nebiga (S.C.W.) uu tukan waayo habeenkii salaatul leyl xanuun darti ama sabab kale, wuxuu tukan jiray labo iyo toban rakcadood maalintii". (Muslim)

Fiiro gaar ah: Xadiisyadani waxay muujinayaan naxariista nabiga (S.C.W.) isagoo baray kuna hanuuniyey ummaddiisa inay camal suubban fashaan si deggan oo caqli fiyow iyo qalbi xaadir ah leh, iyo inay Alle caabudaan iyagoon xad gudbin, jirkooda dhibaato u geysan, ama aan danahooda adduun iska xirxiran oo ka tegin, sidaana ay ku raadiyaan raallinamadiisa. Waana si ka duwan oo ka baxsan kuwaa khilaafaya hanuunka iyo tusaalaha nabiga (S.C.W.) oo naftooda gelinaya dhibaato iyo ciriiri ay xammili karin iyagoo cibaadeysi ka wada, kaddibna daalaya oo ka tagaya cibaadadii, sidaana isku dhaafinaya ajarkii iyo abaal marintii ay heli lahaayeen. Dhaqanka rasuulka iyo aayadaha Qur'aanka intuba waxay ina barayaan inaan u tukanno sida toosan ee wanaagsan, ahaannana kuwa daaÕima oo ku toosa oo aan ka leexan jidka xaqa ah.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1026922
Today
Yesterday
All days
1842
1661
1026922
2025-05-23 19:10

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6830c80d755909321488551748027405
title_6830c80d7566210351560891748027405
title_6830c80d7572f6944143691748027405
title_6830c80d757fb21397566591748027405
title_6830c80d758c52253684921748027405
title_6830c80d7599815006262671748027405

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6830c80d766a92239245231748027405
title_6830c80d7677b15794312931748027405
title_6830c80d7684b7779293021748027405
title_6830c80d7692b6023992161748027405

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com