WAA INAAD DAA'INTAA OO KU SUGNAATAA FALASHADA ACMAASHA SAN

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

55. " Ma waysan u soo dhawaan quluubta mu'miniintu inay u khushuucdo waanada Alle iyo waxa soo degey oo xaqa ah, iyo inaysan la mid noqon kuwii awel kitaabka la siiyey oo markii waqtigii ku dheeraaday ay quluubtoodii qallashay ". Suuradda Al-Xadiid: Aayadda 16.

Wuxuu kaloo Alle yiri kor ahaaye:

56. " Waxaan ka daba geynney Ciisihii ina Maryam ahaa, oo aan Injiil siinnay, kuwii isaga raacayna waxaan quluubtooda yeellay turid iyo naxariis. Laakiinse suufinnimo bay unkadeen oo aannan ku waajibin ay ula jeedeen doonidda Raallinnimada Alle. ha yeeshee aysan ilaalin dawgii ay lahayd ". Suuradda: Al-Xadiid: Aayadda 27.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

57. " Ha noqonnina sidii tii xariggeeda oo xoog lahaa misna nudaha u kidfaysey ". Suuradda An-Naxal: Aayadda 92.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

58. " Rabbigaa Caabud jeer ay yaqiintu (geeridu) ku timaaddo" . Suuradda Al-Xijr: Aayadda 99.

Xadiisyadana waxaa ka mid ah xadiiskii Caa'isha oo aan ciwaankii kan ka horeeyey ku soo marnay, ahaana Alle wuxuu jecel yahay daa'imadda iyo daryeelidda gudashada awaamirta diinta (Islaamka).

153. Cumar bin Khaddaab (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: " Haddii uu qofku illoobo inuu akhriyo xisbigiisii (yacni inuu tukado salaadahiisa iskiis ah ee isagu doonay aan lagu waajibin) ama qaar ka mid ah, oo uu habeenkii ka seexdo, wuxuu heli isla ajarkii haddii uu akhriyo (tukado) waqti kasta oo ka mida ah inta u dhaxeysa salaadda Subax iyo salaadda Duhur maalinta xigta."  (Muslim)

154. Cabdullaah bin Camar bin Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu igu yiri: ÒCabdullaahiyoow ha noqon sida hebel, kaa oo tukan jirey salaatu leyl, mar kaasuu iska daayay muddo kaddib. (Bukhaari iyo Muslim)

155. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: Markii uu nebiga (S.C.W.) uu tukan waayo habeenkii salaatul leyl xanuun darti ama sabab kale, wuxuu tukan jiray labo iyo toban rakcadood maalintii". (Muslim)

Fiiro gaar ah: Xadiisyadani waxay muujinayaan naxariista nabiga (S.C.W.) isagoo baray kuna hanuuniyey ummaddiisa inay camal suubban fashaan si deggan oo caqli fiyow iyo qalbi xaadir ah leh, iyo inay Alle caabudaan iyagoon xad gudbin, jirkooda dhibaato u geysan, ama aan danahooda adduun iska xirxiran oo ka tegin, sidaana ay ku raadiyaan raallinamadiisa. Waana si ka duwan oo ka baxsan kuwaa khilaafaya hanuunka iyo tusaalaha nabiga (S.C.W.) oo naftooda gelinaya dhibaato iyo ciriiri ay xammili karin iyagoo cibaadeysi ka wada, kaddibna daalaya oo ka tagaya cibaadadii, sidaana isku dhaafinaya ajarkii iyo abaal marintii ay heli lahaayeen. Dhaqanka rasuulka iyo aayadaha Qur'aanka intuba waxay ina barayaan inaan u tukanno sida toosan ee wanaagsan, ahaannana kuwa daaÕima oo ku toosa oo aan ka leexan jidka xaqa ah.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1639144
Today
Yesterday
All days
310
1735
1639144
2026-04-08 04:39

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69d5dc01cc97315874272471775623169
title_69d5dc01cc9c36316371611775623169
title_69d5dc01cca0f2688989451775623169
title_69d5dc01cca5a19240519591775623169
title_69d5dc01ccaa59116662661775623169
title_69d5dc01ccaf015887983781775623169

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69d5dc01db08b11158199471775623169
title_69d5dc01db0db12164151311775623169
title_69d5dc01db1298251884481775623169
title_69d5dc01db1753514153071775623169

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com