Yaqiinta iyo Isku Halleynta Alle

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

26. “Markii mu’miniintii dhabta ahaa ay kooxihii isa soo baheystay ee gaalada ahaa arkeen waxay yiraahdeen: Waa kan wixii ay Alle iyo rasuulkiisu noo yabooheen., Alle iyo rasuulkiisu run bay sheegeen. Umana dordhin waxaan aheyn iimaan, isdhiibid iyo sugnaasho.’ Suuradda al-Axsaab: Aayadda 22

Wuxuu kaloo yiri Alle weyne kor ahaaye:

27. ‘Waa kuwii dadku ku yiri: Dadkii baa isu kiin soo bahaystay, ee ka cabsada. (Khatartii lagu handaday ) waxba uma dhiman iimaan uun baa u siyaaday maahee waxayna yiraahadeen: Allaa nagu filan wax la’isku halleeyana u fiican’ Waxay markaas la laabteen nicmo iyo gallad Alle, dhibaatona ma taaban. Waxayna raaceen raallinnimadii Alle, Allena waxaa u sugnaaday gallad aan go’eyn’ Suuradda aali-Cimraan Aayadaha: 173-174.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

28. ‘Talo saaro oo isku halle noolaha aan dhimanayn Suuradda al-Furqaan: Aayadda 58.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

29. ‘Mu’miniintu Alle oo keliya ha talo saarteen, oo ha isku halleeyaan’. Suuradda Ibraahiim: Aayadda 11.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

30. ‘Markii aad go’aan gaartid, Alle oo keliya talo saaro oo isku hallee.’Suuradda ali-Cimraan Aayadda 159.

Wuxuu kaloo Alle yiri hufnaaye:

31. ‘Qofkii Alle talo saarta oo isku halleeya waa ku filan yahay’. Suuradda ad-Dalaaq Aayadda: 3

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

32. ‘Waa iyaga oo qura mu’miniinta dhabta ah kuwa markii Alle la xuso qalbiyadoodu baqaan, markii aayadihiisa loo akhriyana iimaanka uga kordho, Rabbigoodna ku kalsoon ee talo saarta’. Suuradda al-Anfaal: Aayadda 2.

74. Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Waxaa laygu tusay (riyo ama ilhaan) Ummada badan. Markaasaan waxaan arkay Nebi dhowr qof ay ka raacday ummadiisa, nabiyaalna waxaa raacay oo ay wateen qof iyo labo ummaddiisa ka mida, nebina arkay aan qofna raacin dadkiisii. Misna si kedis waxan arkay higil madow waxaan moodey ummaddaydii, waxaase laygu yiri: Waa Muuse iyo ummaddiisii ee xaggaa sare eeg. Waa eegay mise higil madow baa ka muuqda. misna waxaa la yiri: xagga kalena eeg, waa eegay higil madow baa ka muuqda. Markaa baa waxaa la igu yiri: Waa Taas ummaddaadii, waxaana ka mid ah toddobaatan kun oo qof oo jannada galaya xisaab ama ciqaab la’aan. Dabadeedna nabigu (S.C.W.) inta kacay buu qolkiisii galay, asxaabtiisiina waxay bilaabeen inay isweydiiyaan qoladaas la sheegay inay galayaan jannada xisaab ama dhib la’aanta. Qaar waxay yiraahdeen: Waxay noqon karaan dadkii waqtiga nabiga joogay ee rumeeyey. Qaarna waxay yiraahdeen: waxay noqon karaan dadkii diinta ku dhashay oo aan Alle waxba u shariig yeelin. waxyaalo kalena waa la sheegsheegay. Nebigii baa (S.C.W.) intuu maqlay ka soo baxay qolkiisii oo weydiiyey: Maxaad ka sheekaynaysaan? waa loo sheegay. Wuxuu yiri: ‘Waa dadka’ aan tahliisha tufin, loona tufin, waxna aan baasaysanin, Rabbigoodna talo saarta. Cukaasha ibn Muxsin (A.K.R.) baa inta istaagey yiri: iigu ducee in Alle iga mid dhigo kuwaa. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Adigu Ka mid baad tahay. Nin kaloo saxaabi ah baa isna istaagey oo yiri: Anigana Alle ii bari inuu iga mid dhigo. Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: Cukaasha ayaa kaaga hormaray.

75. Ibn Cabbaas (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebigu (S.C.W.) ku duceysan jiray: ‘Alloow Adiga ayaan isku kaa dhiibey, Adiga ayaana aan ku rumeeyey, Adiga ayaana ku talo saartay, Adiga ayaan kuu soo noqday, Adiga ayaana arrintayda ugu xukuntamayaa oo gar soor uga dhiganayaa, Alloow! awooddaadaan magan u ahay; Ilaah xaq ahi ma jiro adiga maahee, ee Alloow iga dhowr ka dhumid xaqa aan ka lumo. Adiga weeyaan noolaaha aan dhimanayn, halka Jinka iyo Insigu dhimanayaan.’ (Bukhaari iyo Muslim)

76. Ibn Cabbaas (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebi Ibraahiim markii dabka lagu riday erayadii uu ku dhawaaqay ay ahaayeen: ‘Xasbunallaah wanicmal wakiil. ‘Waxaa igu filan Alle, wax la isku halleeyana waxaa u fiican Isaga.’ Sidaa oo kalena waxaa yiri rasuulkii Alle Muxammad (S.C.W.) kolkii loo sheegay in dad isu soo baheystay oo sidaa awgeed la yiri naftiinna u baqa, arrintanina waxay oo keliya u kordhisay isaga iyo muslimiintii imaankii ay ku qabeen Alle, waxayna yiraahdeen isaga iyo muslimiintii: Waxaa nagu filan Alle Laysku halleeyaa fiicanna waa Isaga. (Bukhaari)

77. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu sheegay in nebigu (S.C.W.) yiri: ‘Dad badan waxay geli doonaan jannada kuwaa oo ay quluubtooda noqon doonto sida quluubta shimbiraha, taana macnaheeda waxaa weeye quluubtoodaa waxay noqoneysaa sida quluubta shimbiraha, mise waxay noqon doonaan kuwa qaneeco leh, ama quluubtoodaa noqon doonta mid jilicsan cabsi Alle darteed, (taa oo keeneysa inay jannada galaan). (Muslim)

78. Jaabir (A.K.R.) wuxuu sheegay inuu la socday nebiga (S.C.W.) oo dagaal jihaad ah ugu socday dhinaca Najd, markii dagaalkii dhammaadayna uu la soo laabtay. goor harsimaad ah baa wuxuu duulkii soo gaaray tog leh gedo qodxa badan, halkaasoo rasuulku (S.C.W.) harsaday geed qurac ah, asxaabtiisiina ay kala firidhay iyadoo qof waliba har wanaagsan dayanayo. Nabigu wuxuu surtay seeftiisii laan ka mid laamihii geedka, seexadayna. Innaguna sidoo kale baynu u nasaneynay, mise goor dambe baan maqallay Nebigii (S.C.W.) oo noo yeeraya. waa u nimid si degdeg ah mise nin reer miyi ah baa agtiisa fadhiya. Nabigu (S.C.W.) wuxuu innagu yiri: 'Ninkani anigoo hurda yuu seeftaydii iila baxay. Waxaan toosay iyadoo gacanta ugu jirta oo gal la' wuxuuna igu yiri: Yaa hadda iga kaa badbaadin kara? Waxaan ku iri: Alle baa iga kaa badbaadinaya kuna celceliyey weedhaa seddex jeer. Nabigu (S.C.W.) sare buu u soo fariistay, waxnana ma yeelin ninkaasi. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale ee xadiiska oo isla jaabir (A.K.R.) laga soo xigtay waxay aheyd: Waxaynu la soconnay rasuulkii Alle (S.C.W.) dagaalkii Daatir Riqaac. Waxaan nimid geed hoos weyn markaasaan uga tagnay (Nebiga) inuu ku nasto. Waxaa yimid nin mushrig ah arkayna seeftii nabiga (S.C.W.) oo geedka ku suran, seeftii buu inta galka kala baxay buu ku yiri: Miyaad iga baqeyn? Wuxuu ku jawaabay nabigu: "May" Dabadeed ninkii wuxuu yiri: yaa weeye kaa iga kaa badbaadinaya? Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: Allaah’ Abuubakar Ismaaciili wuxuu intaa ku daray oo kitaabkiisii ku qornaa : Markii uu nebigu (S.C.W.) yiri Alle baa iga kaa badbaadinaya ayaa ninkii gacantiisii seeftii ka dhacday; markaasaa Nebigu (S.C.W.) inta qaatay ku yiri: Yaa hadda adiga iga kaa badbaadinay? Ninkii wuxuu yiri: Noqo qaataa kheyr leh. Nabigu (S.C.W.) wuxuu weydiiyey: Ma aad qireysaa ilaah xaq ah aan Alle ahayni inuusan jirin, iyo inaan aniguna ahay Rasuulkiisii? Ninkii waa diiday wuxuuna yiri: Laakiinse waxaan kaa ballan qaadayaa inaanan kula diririn, cid kula diriraysana kuula soo safan. Nabigu (S.C.W.) waa uu sii daayey. Qoladiisii buu ku laabtay oo ku yiri: Waxaan idiinka soo laabtay oo xaggiisa ka imid ninkii u fiicnaa dadka.

79. Cumar bin Khaddaab (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: Haddii aad taladiinna oo dhan saarataan Alle oo u rumeysaan si dhan oo dhab ah wuxuu idiin irsaaqi doonaa sida uu u irsaaqo shimbiraha. Waxay kallahaan subaxii iyagoo calool maran, waxayna soo noqdaan iyagoo calool buuxa oo dheregsan galabtii.’ (Tirmidi) wuxuu yiri waa xadiis xasan ah.

80. Baraa ibn Caazib (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigaa (S.C.W). ii dardaarmay oo igu yiri: Markii aad seexanaysid habeenkii ku duceyso ducadan: Allaahumma aslamtu nafsii ileyka, wawajahtu wajhii ileyka, wafawwad-tu amrii ileyka, walja’tu dahrii ileyka, raqbatan wa rahbatan ileyka, laa maljaa walaa manjaa minka illaa ileyka, aamantu bikitaabika alladii ansalta, wanabiyyaka alladii arsalta. oo macnaheedu yahay: ‘Alloow adaan naftayda kuu dhiibey, wejigayga kuu jeediyey, arrinkayga kuu bandhigay, dhabarkayga ku magan geliyey, cabsi iyo rajo aan kugu qabo awgeed meel loo hirtaa oo lagaaga carari karo, iyo meel la nabad galo midna ma jirto xaggaaga maahee. Waxaan rumeeyey kitaabka aad soo dejisey iyo nebiga aad soo dirsatay. Marka haddaad habeenkaa dhimato waxaad dhiman adigoo xalay dhalay ka ah dambi oo dhan, haddii uu waagu kuu beryana khayr buu kuula beryayaa’. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale oo isla Baraa laga soo xigtay waxay aheyd: Nebigaa (S.C.W) wuxuu igu yiri: ‘Markii aad u diyaargarowdo inaad seexatid weeseyso, dabadeedna dhinaca midig u jiifso oo ku duceyso ducadii aynu soo sheegnay hana ahaato ducadaa hadalkaaga kuwii u dambeeyey (intaadan seexan ka hor.) (Bukhaari iyo Muslim)

81. Abuu Bakar as-Siddiiq (A.K.R.) bin Cabdullaah bin Cusmaan bin Caamir bin Cumar bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah bin Kacab bin Luway bin Qaalib al-Qurashi al-Taymii oo isaga iyo aabbihi iyo hooyadi intaba saxaabi ahaa waxaa laga soo xigtay: hadalkan: Kolkii Rasuulkii Alle (S.C.W.) iyo anigu aan ku dhuumaneynay godkii ayna na baadi goobayeen qolooyinka Makka, ayaan waxaan arkay cagihii mushrikiinta oo dushayada ah oo godka afkiisa debedda ku sugan. Waxaana iri: Rasuul Alloow, haddii uu midkood cagihiisa fiirin lahaa waa ina arki lahaa. wuxuu yiri: ‘Abuu Bakaroow bal ka warran labo Alle uu ku yahay seddex.’ (Bukhaari iyo Muslim)

82. Umm Salamah (A.K.R.) (Hooyadii mu’miniinta) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) markuu guriga ka baxayo wuxuu oron jirey ducadan: Bismillaah, tawakaltu calallaah, Allaahumma innii acuudu bika an adilla aw udalla, aw azilla, aw uzalla, aw adlima aw udlama, aw ajhala aw yujhala calyya.’ Waxaan ku baxayaa magaca Alle, anigoo kalsooni buuxda ku qaba. Alloow, waxaan kaa magan gelayaa inaan wax dhunsho ama la i dhumiyo ama aan sidbado ama la isidbiyo, ama aan wax dulmiyo ama la i dulmiyo ama aan wax ku edebdarrooda ama la igu edeb darroodo’. (Waa Xadiis saxiix ah, waxaana weriyey Tirmidi & Abuu daawuud)

83. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: ‘Qofkii yiraahda markuu guriga ka baxayo: Bismillaahi, tawakaltu, calallaah, walaa xawla walaa quwwata illaa billaah, oo macnaheedu yahay (Waxaan ku baxayaa magaca Alle, anigoo kalsooni buuxda ku qaba iskuna halleynaya; Waa Alle midka bixiya awoodda xumaha iyo gefka lagaga leexdo, ama bixiya awoodda aad samo ku fashoÓ Ninkii sidaa yiraahdaa waa nin xaqii la tusay, xumaan iyo sharna laga hayey, shaydaankuna waa ka fogaadaaÓ. (Tirmidi, Nisaa’i iyo Abuu Daawuud)

Abuu Daawuud wuxuu ku kordhiyey: ‘Shaydaan baana wuxuu ku yiraahdaa mid kale oo saaxiibkii ah ‘Maxaad ka tareysaa nin la hanuuniyey, la kaafiyey, oo la dhowrayna?’.

84. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Waqtigii Nebiga (S.C.W.) waxaa jirey laba nin oo walaalo ah; midkood nebigu (S.C.W.) u adeegi jiray, midna camalkiisuu raacan jiray. Maalin baa kan dambe nebiga (S.C.W.) uga soo eed sheegtay walaalki una sheegay inuusan noloshiisa wax u kasban. Nabigu (S.C.W.) wuxuu ugu jawaabay: waxaa laga yaabaa in laguga irsaaqo dartiis. (Tirmidi baa sanad saxiix ku weriyey)

Fiiro gaar ah: Tawakkul waa eray af Carabi ah, luqad ahaanna waxaa weeye inaad ku tiirsanaato cid uun. Diin ahaan waxaa loola jeedaa tawakulka inaad Ilaahay ku kalsoonaato, ku tiirsanaato, isku halleyso, imaankana ku qabto oo aad talo saaratid; Waase in la kala saaraa tawakulka iyo tawaakulka. Nimanka suufiyiinta waxay ka qaateen macno ah in meel layska fadhiyo, oo aan la xoogsan, waxsabab ahna aan lala iman. Taasoo runtii ceeb ku ah diinta, waxna u dhimeysa bilicda iyo wanaaggeeda.

Waxaa la doonayaa inaad Alle talo saarato adigoo wixii sabab ahaa oo aad kartey oo dhan la yimid, aad yiqiinsatidna marka qorshe iyo hab maamul wanaagsan aad arrintii ku sameyso inay isku dubba dhaceyso oo ay guuleysaneyso hadday dani inoogu jidho Allena uu gacan nagu siinayo. Sidaa baana Tawakkulka dhabta ah.

Back Home 

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

788841
Today
Yesterday
All days
1457
779
788841
2024-12-21 16:01

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6766e6555f2d015052061671734796885
title_6766e6555f3a78841229161734796885
title_6766e6555f48d16474385591734796885
title_6766e6555f56014585956241734796885
title_6766e6555f62f7750285311734796885
title_6766e6555f6ff2755625021734796885

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6766e6556040412904811471734796885
title_6766e655604d812006740991734796885
title_6766e655605a920906956981734796885
title_6766e6556067813445403371734796885

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com