Su’aalo Iyo Jawaabo Ku Saabsan
Siiradda Suubanaha Rasuulka (csw)
Iyo Saxaabadiisa
(ridwaanullaahi caleyhim)
1: Dhufayl ibnu Camr Al-Dawsi wuxuu ahaa nin Sharaf leh, Gabyaa ah, Caqli badan, Qoladiisana Kaabba-Qabiil u ah. Waxa weeye. Reer Daws waxay ahaayeen dad reer Yaman ah, lehna qaab maamuloo sida Boqortooyada ah.

Dhufayl markuu Islaamay buu qoladiisii ku laabtay. Kolkuu aabbihiis oo oday da’ ahaa u tegay, buu ku yiri: ‘Iga leexo aabbe aniguna kaama tirsani adna igama tirsanide’. Wuxuu yiri: ‘Wiilkayoow maxaa dhacay’. Dhufayl wuxuu yiri: ‘Waan islaamay, waxana aan raacay diintii Maxamed ‘Sallallaahu calayhi wasallam”. Wuxuu yiri: ‘Nabiguu doonaba ha ahaadee, diintaydu waa diintaada’.

Dhufayl baa markaas yiri: ‘Hadday sidaas tahay orodoo soo qubayso, dharkaagana soo daahiri, si aan wixii la’isoo baray kuu baro’. Odayagii intuu baxay oo soo qubaystay, dharkiina soo daahirsaday, buu u yimid, markuu islaanka u sharxay, una bandhigayna wuu islaamay. Sidoo kale, Dhufayl waxa uu islaamka ugu yeeray xaaskiisii, wayna islaantay.

Qoladiisii reer Daws markii hore diinta ma aanay qaadan. Markaas buu intuu Suubbanaha ‘Sallallaahu calayhi wasallam’ u tegay ku yiri: ‘Nabigii Alloow Daws way i diideene inuu Alle balaayo ku rido u bari’.

Suubbanuhu ‘Sallallaahu calayhi wasallam’ halkuu ka habaari lahaa buu reer Daws u duceeyay, wuxuuna yiri: ‘Alloow Daws hanuuni’. Markuu u duceeyay kaddib wuxuu Dhufayl ku yiri: ‘Tolkaa ku noqo oo diinta ugu yeer una tartiibi’.

Raggii gacanta Dhufayl ku islaamay waxa kamid ahaa Abuu-Hurayra (RC).

Dhufayl siduu Qoladiisii Daws islaamka ugu baaqayay ayay tartiib tartiib u islaameen ilaa ay toddobaatan ama siddeetan Qoys oo Qoladiisa ka tirsani Madiina ula haajireen, dagaalkii Xulafadu markuu dhammaaday kaddib. Dhufayl wuxuu ku shahiiday dagaalkii Yamaama.

Su’aal 2: Waxaad sheegtaa magacyada xayawaankada ee suuradaha Qur’aanka ku jiraan waa kuwan:

Jawaab 2: Magacyada xayawaanka ee suuradaha quraanka ku jiro waxaa ka mid ah:

Al-Baqara (Saca)
An-Naxal (Shinnida)
An-Namal (Quraanjada)
Al-Cankabuut (Caarada)
Al-Fiil (MAroodiga).
Waxan weliba ku deri karnaa Al-Ancaam (Xoolaha).

Su’aal 3: Sheeg Nabigii laga soo saaray waddan afrikaan ah.

Jawaab 3: Nabi Muuse (cs) waxana laga soo saaray Masar.

Su’aal 4: Waxaad sheegtaan Nabiga markuu ka soo hijrooday Makka ee uu Madiina imaaday saxaabiga uu ku deggay magaciisa?

Jawaab 4: Hijradii Nabiga (scw) ee Madiina wuxuu Nabigu (scw) ku degay guriga Abuu-Ayuub (Khaalid ibnu Zayd) Al-Ansaari oo ahaa reer Banii Najjaar .

Su’aal 5: Markuu Makka furtay Suubbanuhu Rasuulka (scw) wuxuu ciidamo u kala diray asnaamtii waaweynayd ee la caabudi jiray, siiba kuwii uu Qur’aanku sheegay ee Laata, Cuza iyo Manaat oo ugu caansanaa Jaziiradda Carabta. Cuza oo ahaa sanamkii ugu weynaa ee Quraysh oo dhami ay caabudi jirtay, wuxuu Suubbanuhu Sallallaahu calayhi wasallam u diray Khaalid ibnu Waliid (RC) oo wata 30 nin oo fardoolay ah, wuxuuna amray inuu soo dumiyo, waxaana maamulka Cuza hayay reer banii Shaybaan.

Sidoo kale sanamkii Suwaac la oran jiray oo yaallay meeshii la oran jiray Barhaad oo saddex mayl u jirtay Makka, ayna caabbudi jireen reer Hudayl, wuxuu Suubbanuhu Sallallaahu calayhi wasallam u diray ciidan uu hoggaaminayo Camr ibnu Caas (RC).

Sidoo kale sanamkii la oran jiray Manaat oo ay caabudi jireen qabiillada Aws, Khazraj, Qasaan iyo dad kaleba wuxuu Suubbanuhu Sallallaahu calayhi wasallam u diray 20 nin oo fardoolay ah oo uu madax u yahay Sacad ibnu Zayd Al-Ashhali.

Su’aal 6: Saxaabigii keenay fikradii ahayd in god laqoto dagaalkii Axzaab

Jawaab 6: Wuxuu ahaa Salmaan al-Faarisi

Suaal 7: Aayaddii waxay Qur’aanka kusoo aroortay laba jeer,

Jawaab 7: Waa Surat al-Xijri iyo Surat al-Dariyad.

Su’aal 8: Waxaad sheegtaa ninkii u baxay inuu Nebiga (csw) soo dilo

Jawaab 8: Wuxuu ahaa Cumeyr binu Wahab, oo wiilkiisii oo dagaalkii Bedel lagu qafaashay nin soo deynaa iska dhigaayey. Ninkii kafaalo qaaday caruurtiisa Cumeyr deyntiina lagu lahaana yiri anaa bixinaa waa (Safwaan binu Umayah), go’aankaasna waxay ku qaateen iyagoo ag fadhiyay (Xijri Ismaaciil) oo ka tirsan kacbada Sharafta badan.

9) Haweeneydii calaalisay beerkii nebiga adeerkii XAMZA waxay ahayd HINDA BINTU CUTBAH oo ahayd xaaskii ABU SUFYAAN, dhashayna hogaamiyihii weynaa ee MUCAAWIYA, waxayna ahayd dagaalkii UXUD, iyadoo uga aargudaneysay mubaarasadii lagu dilay aabaheed, adeerkeed iyo walaalkeed, taas oo uu nebiga adeerkii Xamza (RC) dhanka kale kasoo jeeday, waloow ay markii dambe soo islaamtay furashadii MAKKA.

10) Maryama Bintu Cimaran hooyadeed waa XANNAH BINTU FAAQUUD, waxayna ku qiirootay (ta’athurtay) iyadoo aragtay shimbir caruurteeda cunto siineysa, markaaseey jecleeysatay iney caruur hesho, Allena (swt) weydiisatay inuu Oowlaad siiyo waana ka aqbalay wuxuu siiyay MARYAMA BINTU CIMRAAN oo Nebi CIISE hooyadiis ahayd.

11) Waxaad sheegtaan Saciid binu caamir aljumaxi Ninkii uu arkaayay isagoo ay dilayaan kufaaru qureesh Magaalada Maka, xiligaana uu ahaa isagana mushrik?. Raggaasxaabta Nabiga (scw) kamid ah ooy Qurayshi ku dishay Makka intii aanay muslimiintu qabsan waxay ahaayeen saddex nin. Nin wuxuu ahaa: Yaasir iyo Islaantiisii Sumaya, waxa weeye Cammaar ibnu Yaasir labadiisii waalid. Ninka labaad waxa weeye: khubayb ibnu Cadiy. Ninka saddexaadna wuxuu ahaa Zayd ibnu Dathina. Waa haddii aad dil naf goyn ka waddo. Wallaahu aclam.

 

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

673627
Today
Yesterday
All days
115
841
673627
2024-09-08 01:58

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dd04aa4b9027159897841725760682
title_66dd04aa4ba5717279876791725760682
title_66dd04aa4bb847527407741725760682
title_66dd04aa4bcae3329689011725760682
title_66dd04aa4bde34458803741725760682
title_66dd04aa4bf0c6746725491725760682

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dd04aa4d30816341259711725760682
title_66dd04aa4d44717893599491725760682
title_66dd04aa4d5ae9845050371725760682
title_66dd04aa4d6da4538538461725760682

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com