Ku dhaqanka dabci wanaagsan si loo dhowro deegaanka
Islaamku wuxuu na amray camiridda arlada, oo loola jeedo in laga shaqeeyo oo la hormariyo oo wax laga soo saaro oo la sameeyo ilbaxnimo sal dheer iyadoo waliba la dhowrayo nicmadda, wuxuuna naga reebay in la fasahaadiyo oo la lumiyo waxyaalaha laga helo ha ahaato fasaahaadintaa mid ku soo laabaneysa dadka ama xoolaha ama dhirta, waa camal uu diido islaamka oo neceb yahay, waayo Allaah Kor ahaaye ma uu jecla fasahaadka dhinac kasta nolosha, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
}وَاللهُ لَا يُحِبُّ الْفَسَادَ{ (البقرة: 205).
“Oo Allaah ma jecla fasahaadka” (Al-Baqarah: 205)
Daneynta arrinkaa wuxuu gaaray heer uu Nabigu s.c.w. kula dardaarmay Muslimiinta inay khayr falaan oo beeraan arlada xitaa markay ku jiraan duruuf adag iyo waqtiyo dhib badan, wuxuu  yiri: “Hadday saacadda Qiyaame dhacdo isagoo gacanta midkiin uu ku jiro abuur, hadduu heli karo inta ayan dhicin ka hor inuu abuuro ha falo” (Axmad 12981)
1. Dabeecadda wanaagsan dhammaan dhinacyada nolosha:
Qoyska
Islaamku wuxuu aad noogu adkeeyey ahmiyadda dabeecadda wanaagsan xagga qoyska inay ku wada dhaqmaan dhammaan inta qof ay ka kooban yihiin reerka, Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: “Waxaa idiinku wanaagsan midka idiinku wanaagsan ehelkiisa, aniga baana idiinku wanaagsan xagga ehelkeyga” (At-Tirmidi 3895)
Nabigu s.c.w oo u wanaagsan dadka wuxuu qaban jirey howlaha guriga oo ku kaalmeyn jirey reerkiisa wax kasta ha yaraadeen ama ha weynadeen, sida ay werineyso xaaskiisa Caa’ishah , oo tiri: “Wuxuu qaban jirey howlaha ay u baahan yihiin reerkiisa” (Al-Bukhaari 5048) macnaha wuu ku kaalmeyn jirey oo la qaban jirey waxa ay qabanayaan ee howlaha guriga ah.
Wuxuu la kaftami jirey ehelkiisa oo la cayaari jirey, waxay soo werisey xaaskiisa Caa’ishah r.c. oo tiri: “Waxaan la socday Nabiga s.c.w. safarradiisa qaarkood, anigoo gabar yar ah aan hilbooneyn, oo aan cayilneyn, markaasuu wuxuu dadkii ku yiri: Iga hor mara, markaasay horay u sii baxeen, markaasuu wuxuu igu yiri: Kaalay aan oratannee, markaasaan ka orod badshay, wuu iga aamusay ilaa uu hilib I saarmay oo cayilay oo hilmaamay dhacdadaas, markaasaan waxaan ula baxay mar kale safarradiisa qaarkood, markaasuu dadkii wuxuu ku yiri: Horay u baxa, markaasay horay u baxeen, markaasuu wuxuu igu yiri: Kaalay aan orotannee, markaasaan la orodtanay oo iga orod badshay, markaasuu qoslay isagoo leh: Tan u qaado tii hore” (Axmad 26277)

Ganacsiga
Waa intaasoo qofka uu ka xoog bato maal jaceylka oo markaas xad gudbo oo ku dhaco xaaraan, markaasuu Islaamka yimid oo noo caddeeyey ahmiyadda in arrinkaa lagu xiro dabeecadda wanaagsan, waxaana ka mid ah caddeymahaa:
• Islaamku wuxuu reebey xadgudubka iyo dulmiga xagga miisaanka, wuxuuna ugu gooddiyey qofkii arrinkaa fala cuquubooyin kan ugu daran sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
}وَيْلٌ لِلْمُطَفِّفِينَ • الَّذِينَ إِذَا اكْتَالُوا عَلَى النَّاسِ يَسْتَوْفُونَ • وَإِذَا كَالُوهُمْ أَوْ وَزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ{(المطففين: 1-3).
“Hoog waxaa leh kuwa dhima (dadka xaqooda). Kuwa, markay wax ka beegtaan dadka u oofsada si dhan oo kaamil ah (xaqooda). Haddii se ay u beegaan ama u miisaamaan ka dhima oo ka nuqsaamiya”. (Al-Mudaffifiin: 1-3)
• Wuxuu Islaamku nagu boorriyey sahlanaanta iyo nugeylka xagga beec shurada, sida uu Nabigu s.c.w. yiri: “Alle ha u naxariisto nin sahlan marka uu wax gadayo iyo marka uu wax iibsanayo iyo marka uu gardhigto” (Al-Bukhaari 1970)
Sancada
Wuxuu Islaamka ku adkeeyey farsama yaqaanka dhowr arrimood oo ka mid ah dabeecadda wanaagsan iyo dhaqammada fiican, waxaana ka mid ah:
• Wanaajinta camalka iyo in lagu soo saaro qaab kan u fiican, sida uu Nabiga s.c.w. yiri:
“ Xaqiiq, Allaah wuxuu jecel yahay marka uu midkiin qabanayo howl inuu wanaajiyo oo si fiican u qabto” (Abuu Yaclaa 4386, Al-Bayhaqi kitaabka qaybaha iimaanka 5313).
• Inuu oofiyo ballmaha uu la galo dadka, Nabigu s.c.w. wuxuu yiri:”Astaanta lagu garto munaafiqa waa siddex tilmaamood” wuxuuna xusay oo ka mid ah: “Oo marka uu ballan galo wuu ka baxaa” (Al-Bukhaari 33)
1. Dabeecadda wanaagsan xaalad kasta oo lagu jiro:
Ma leh Islaamka wax laga soo reebo xagga dabeecdaha wanaagan , qofka Muslimka ahna wuxuu ku xukuman yahay inuu fuliyo sharciga Ilaahay oo dhaqan geliyo dabeecadaha wanaagsan xitaa waqtiyada dagaallada iyo markuu ku jiro duruufo adag, ujeeddo wanaagga iyo fiicnada hadafka waxa la rabo marnaba laguma gaari hab xun, mana daboolo gefkeeda iyo habowgeeda.
Sidaas awgeed buu Islaamka wuxuu dejiyey xeerar xukuma qofka Muslimka oo haga dhaqammadiisa xitaa waqtiyada colaadda iyo dagaalka, si uusan arrinku u noqon u hoggaansan carada nafta iyo kooxeysiga iyo u iilasho tilmaamaha xiqdiga iyo qallafsanaanta iyo naf jecleysiga.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

788318
Today
Yesterday
All days
934
779
788318
2024-12-21 11:49

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6766ab32d5a6717357922321734781746
title_6766ab32d5bc612330507491734781746
title_6766ab32d5cfa19293544291734781746
title_6766ab32d5e323358616071734781746
title_6766ab32d5f724231880831734781746
title_6766ab32d60a85460314971734781746

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6766ab32e9b3910058803951734781746
title_6766ab32e9cb221431872291734781746
title_6766ab32e9d91311500021734781746
title_6766ab32e9e6610619360691734781746

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com