TIIRKA AFARAAD: waa rususha oo la rumeeyo. Alle kor ahaayee wuxuu u soo diray khalqigiisa ergo (rusul) waxaana ugu horeeyay Nuux nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxaana oogu dambeeyay maxamed rususha dhamaantoodna naxariis korkooda ha ahaatee, waa bashar la abuuray ,waxyaabaha rabinimada u gaarka ahna waxba uguma sugnaanin, waana adoomo ka mid ah adoomada Alle oo uu alle kor ahaayee ku karaameeyay risaalada, wuxuu alle ku dhamaystirya risaalooyinka risaalada nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, wuxuuna u diray dadka oo idil nabina kama dambeeyo.

Tiirka Shanaad: waa maalinta dambaysa oo la rumeeyo waana maalinta qiyaamada ee uusan maali ka dambaynin wakhtigaaspp uu alle ka soo saarayo dadka xabaalahooda iyagoo noolm si ay ugu nagaadaan daarta raaxada (janada) dhexdeeda ama daarta cadaabka kulul (naarta) dhexdeeda. Rumaynta maalinka dambeeyana wuxuu yahay: in la rumeeyo wax kastoo ahaanaya geerida dabadeed ooy ka mid yihiin fidna qabrigam raaxadiisa, cadaabkiisa iyo waxa ahaanaya intaa dabadeed sida soo saarida, nooleynta, xisaabka iyo intaas ooy gadaasheed ahaan jano iyo naar.

TIIRKA LIXAAD: waa qadarka oo la rumeeyo. Qadarka waxaa weeye in la rumeeyo alle inuu qadaray waxyaabaha ahaaday, uuna ahaysiiyay waxyaabaha uu abuuray aqoontiisu siday ku hormartay si la mida, xikmadiisuna ay keentay umuurta dhamaanteed. Alle kor ahaayee wuu ogyahay agtiisa ayayna ku qoran tahay allana dhab ahaan buu u doonay wuuna abuuray.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1373250
Today
Yesterday
All days
226
1409
1373250
2025-12-04 05:05

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69311680e61622581356151764824704
title_69311680e622016698713721764824704
title_69311680e62dd2895639511764824704
title_69311680e63a312071739881764824704
title_69311680e64559932725351764824704
title_69311680e650d14601708521764824704

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69311680e708819015413471764824704
title_69311680e714110393371281764824704
title_69311680e720e14849108281764824704
title_69311680e72d416552017381764824704

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com