TIIRKA AFARAAD: waa rususha oo la rumeeyo. Alle kor ahaayee wuxuu u soo diray khalqigiisa ergo (rusul) waxaana ugu horeeyay Nuux nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxaana oogu dambeeyay maxamed rususha dhamaantoodna naxariis korkooda ha ahaatee, waa bashar la abuuray ,waxyaabaha rabinimada u gaarka ahna waxba uguma sugnaanin, waana adoomo ka mid ah adoomada Alle oo uu alle kor ahaayee ku karaameeyay risaalada, wuxuu alle ku dhamaystirya risaalooyinka risaalada nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, wuxuuna u diray dadka oo idil nabina kama dambeeyo.

Tiirka Shanaad: waa maalinta dambaysa oo la rumeeyo waana maalinta qiyaamada ee uusan maali ka dambaynin wakhtigaaspp uu alle ka soo saarayo dadka xabaalahooda iyagoo noolm si ay ugu nagaadaan daarta raaxada (janada) dhexdeeda ama daarta cadaabka kulul (naarta) dhexdeeda. Rumaynta maalinka dambeeyana wuxuu yahay: in la rumeeyo wax kastoo ahaanaya geerida dabadeed ooy ka mid yihiin fidna qabrigam raaxadiisa, cadaabkiisa iyo waxa ahaanaya intaa dabadeed sida soo saarida, nooleynta, xisaabka iyo intaas ooy gadaasheed ahaan jano iyo naar.

TIIRKA LIXAAD: waa qadarka oo la rumeeyo. Qadarka waxaa weeye in la rumeeyo alle inuu qadaray waxyaabaha ahaaday, uuna ahaysiiyay waxyaabaha uu abuuray aqoontiisu siday ku hormartay si la mida, xikmadiisuna ay keentay umuurta dhamaanteed. Alle kor ahaayee wuu ogyahay agtiisa ayayna ku qoran tahay allana dhab ahaan buu u doonay wuuna abuuray.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1723632
Today
Yesterday
All days
34
3451
1723632
2026-05-17 00:24

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a090e2137ae51820736021778978337
title_6a090e2137b325885928091778978337
title_6a090e2137b7b3956279331778978337
title_6a090e2137ba71285055301778978337
title_6a090e2137bee11191025431778978337
title_6a090e2137c3618266958871778978337

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a090e214b0aa20096872511778978337
title_6a090e214b0fa16815736891778978337
title_6a090e214b14516221981041778978337
title_6a090e214b19018577575321778978337

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com