TIIRKA LABAAD: waa malaa’igta oo la rumeeyo, malaa’igtuna waa adoomo la karaameeyay oo uu alle abuuray kor ahaayee, waxayna u istaageen caabuuditaankiisa una hogaansameen adeecitaankiisa, wuxuuna alle ku kalifay shaqooyin kala duwan, malaa’igtana waxaa ka mid ah:

Jibriil: oo uu alle u xil saaray waxyiga isagoo kasoo dajinaya alle agtiisa kuna dajinaya ruuxuu alle doono oo ka mid ah nabiyadiisa iyo rusuuladiisa, waxaa kaloo ka mid ah malaa’igta:

Miikaa’iil: oo uu alle u xil saaray Roobka iyo dhirta, waxaa kaloo ka mid ah:

Israafiil: oo uu alle u xil saaray afuufida buunka wakhtiga suuxida iyo soo saarida, waxaa kaloo ka mid ah:

Malakumawd: oo loo xil saaray ruuxda qabashadeeda wakhtiga geerida.

TIIRKA SADEXAAD: waa kutubta oo la rumeeyo. Alle waynaayo wuxuu ku soo dajiyay rusushiisa kutub ay dhexdeeda ahaatay hanuun, kheyr iyo wanaag, kutubtaasna waxaan ka naqaanaa:-

Tawraad: oo uu alle kor ahaayee ku soo dajiyay Muuse naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, waana tii ugu waynayd kutubta reer banii israa’iil.

Injiil: oo uu alle kor ahaayee ku soo dajiyay Ciise nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Subuur oo uu alle kor ahaaye u siiyay Daa’uud nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Suxuftii Ibraahiim nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Qur’aanka wayn ee uu alle kor ahaayee ku soo dejiyay Nabigiisa Maxamed nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ahna nabiyadiisa kii lagu ebyay (khatimay), wuxuuna alle ku tirtiray quraanka kutubtii horeysay oo idil, wuxuuna kafaala qaaday ilaalintiisa, maxaa yeelay xujo ayuu ku ahaanayaa khalqiga dhamaantii ilaa maalinta qiyaamaha.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1619786
Today
Yesterday
All days
1889
1348
1619786
2026-03-28 23:46

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69c868380ee313577125671774741560
title_69c868380ee8411081739551774741560
title_69c868380eed65601739081774741560
title_69c868380ef239915020791774741560
title_69c868380ef6f6871473031774741560
title_69c868380efbc9138580921774741560

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69c868381db0f9316050081774741560
title_69c868381db617113921431774741560
title_69c868381dbae18779319001774741560
title_69c868381dbfb11133393991774741560

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com