Sideed uga faa idaysan kartaa fasaxyadaada

Su'aal: Sideen ugafaa idaystaa wakhtiyada fasaxa?Shaki kuma jiro in wakhtigu yahay raasamaalka ugu muhiimsan ee qofku haysto inta uu nool yahay, taasi oo macanaheedu yahay in wax waliba oo uu waayo uuheli karo badalkiisa, tusaale ahaan lacagtu way timaadaa wayna baxdaa, cilmiga waa la bartaa waana la hilmaami karaa, Hadiise hal daqiiqo oo ka mid ah noloshaada ay kaa tagto waa midaan dhacayn in dib laguugu soo celiyo, sidaa awgeed waxaa mudan in ay qiimo wayn yeelato halka daqiiqo ee noloshaada ka mid ah.Sidoo kale Waxan wada ogsoonahay inaan hada ku jirno wakhti fasax ah oo dadka intii wax baranaysay iyo intii shaqaalaha ahayd badankooduba ay nasasho gaaban ku jiraan ,taasi waxa ay keentaa in qofku helo wakhti badan oo firaaqo ah isla markaana uu kaga lumo waxyaalo badan oo marka uu dib isku xisaabiyo uu garto in uusan ka faa'idaysan wakhtigii dheeraa ee ka tagay intii uu fasaxa ahaa, dabadeedna uu dib isku canaanto wakhti ayna canaantaasi waxbatarayn.

sihadaba ayna taasi u dhicin oo aan uga faa idaysano wakhtigeena qaaliga ah ee ilaahay inagu manaystay waxaan talo ahaan ugu soo jeedin lahaa idinka iyo naftaydaba in aan ku mashquulino nafteena wakhtiga fasaxa ah hawlahan soo socda :1-In qofku isku dayo in uu xifdiyo qayb ka mid ah kitaabka eebe.

2-In la booqdo dadka qaraabada ah.

3-In wakhti badan lala qaato waalidiinta.

4-In wakhti fiican lala qaato qoyskaaga (ubadka iyo hooyadood).

5-In la booqdo dadka xanuunsanaya.

6-In la booqdo dadka ku jira jeelasha.

7-In la booqdo dadka agooamaha ah.
8-In la akhriyo hal kitaab(buug)ugu yaraan.

9-La shaqaynta ururada bulshada ee ku hawlan danta guud ee umada.

10-In laga qayb galo hawlaha tadawucnimo sida : wacyi galinta dhanka waxbarashada, la dagaalanka xanuunada, ururinta iyo qaybinta tabarucaadka, ka qayb qaadashada dhisida masaajidada iskooladada iyo madarasadaha, ka qayb galka shirarka bulshada waxtarka u leh.

11-Diyaarinta qormooyinka umada anfacaya.

12-Dhexdhexaadinta khilaafaadka bulshada iyo qoysaska.

Sidoo kale iyadna waxa haboon in laysku dayo in booqasho lagu tago meelaha muhiimka ah ee dhulkeena ka mid ah, taasi oo laga korodhsanayo aqoon guud oo ku saabsan dhulka hooyo, ama la booqdo dadka waayeelka ahee laga faa'idaysanayo khibrad iyo waayo aragnimo dhanka cilmiga iyo dhanka noloshaba.

Gabagabadii waxaa lagama maarmaan ah in qofka muslimka ah uu kubixiyo

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1028384
Today
Yesterday
All days
482
2822
1028384
2025-05-24 01:55

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_683127083f1f412183532061748051720
title_683127083f2f614001042581748051720
title_683127083f3e71961682941748051720
title_683127083f4dd18824572331748051720
title_683127083f5d216901994631748051720
title_683127083f6c14106868591748051720

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_68312708405fc8866241451748051720
title_68312708406ec11626240521748051720
title_68312708407e26144057761748051720
title_68312708408d315515320221748051720

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com