Dabeecadaha islaamka xagga dagaalka
1. Islaamku wuxuu amray caddaaladda iyo u garsoorka cadowyada, wuxuuna reebay in la dulmiyo oo lagu xadgudo:
Sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
}وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلَّا تَعْدِلُوا اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى{ (المائدة: 8).
“oo yeysan naceybka dad kale idinku xambaarin inaydaan caddaalad sameyn. Caddaalad sameeya: sidaas baa u dhow dhowrsanaanta, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah”. (Al-Maa’idah: 8)
Macnaha waa yaanu keenin naceybka aad u qabtaan cadowgiinna inaad xad gudubtaan oo dulmi geysataan, balse ogaada caddaalada xagga hadalladiinna iyo falalkiinna goor kasta.
1. Iska reebidda dhagarta iyo khiyaanada lagu sameeyo cadowyada:
Dhagarta iyo khiyaanada waa xaaraan xitaa xagga cadowyada. Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
}إِنَّ اللهَ لَا يُحِبُّ الْخَائِنِينَ{ (الأنفال: 58).
“Hubaal Allaah ma uu jecla khaa’iniiinta” (Al-Anfaal: 58)
1. Iska reebidda caddibidda iyo jir doorinta meydadka:
Waa xaaraan in la jir dooriyo meydadka, sida uu Nabigu s.c.w yiri: “Oo ha jir doorininna” (Muslim 1731)
1. Iska reebidda dilka dadka rayidka ah aan ka qayb qaadannin dagaallada iyo fasahaadinta arlada iyo degaanka:
Waa kan Abuu Bakar As-Siddiiq r.c. madaxii Muslimiinta Nabiga kaddib iyo kan u wanaagsan saxaabada oo kula dardaaramaya Usaama bin Zayd r.c.  markuu u diray abaanduulle ahaan xagga Suuriya, wuxuu yiri: “Ha dilina ilmo yar, iyo oday weyn iyo haween, oo ha jarina geed timir oo ha gubina, oo ha goynina geed miro leh, oo ha gowrricina ri’ iyo lo’ iyo geel midna inaad cuneysaan maahee, waxaa suura gal ah inaad ag martaan dad ku cibaadeysanaya macaabiddooda ee iska daaya iyo waxa ay u faaruq noqdeen” (Ibnu Casaakir 2/50)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1724901
Today
Yesterday
All days
1303
3451
1724901
2026-05-17 17:35

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a09fc5449b9520045721779039316
title_6a09fc5449be519761754461779039316
title_6a09fc5449c315796644961779039316
title_6a09fc5449c7c4216179091779039316
title_6a09fc5449cc67353713531779039316
title_6a09fc5449d102684478501779039316

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a09fc545d27b18554520601779039316
title_6a09fc545d2ca8761679651779039316
title_6a09fc545d3173363799711779039316
title_6a09fc545d3625632442611779039316

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com