xeeldheerayaasha cilmiguna waxay iimaanka ku qeexeen: qalbiga oo laga aamino, odhaah ahaana loogaga dhawaaqo carabka, xubnuhuna ku camal falaan, waana mid ku kordha daacaadka Ilaahay, macsidiisana ku naaqusaa ama daciifa. iimaanka ilaahay larumeeyo wuxuu ku qotamaa: in ilaahay loo kali yeelo Ilaahnimadiisa, Rabbinimadiisa, Magacagdiisa iyo Tilmaamaha uu leeyahayba, waana mid koobsanaysa: Rumaynta jiritaan Illaahay -koree oo nasahnaayein la rumeeyo rabinimadda ilaahay-koreeye-, iyo inuu yahay Allaha hanta wax walba ee abuuray, quudiyay, arimahoodana maamula in la rumeeyo ilaahnimada Allaah, iyo inuu yahay midka kaligiis mutaystay cibaadada, cidna aan lala wadaajinayn cibaadadaas, sida salaada, ducada, nidarka, gawraca, kaalmaysiga, magangalyada, iyo cibaadaadka oo dhanba, in la rumeeyo Magacyadiisa quruxda badan iyo Tilmaamihiisa Sarreeya ee uu Naftiisa u sugay ama Nabigiisu - Naxariis iyo Nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee - u sugay, lagana reebo oo nasaho wixii uu naftiisa ka reebay ama Nebigu - naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee - u diday in lagu timlaamo, Taasi waxay ku tusinaysaa in Magacyadiisa iyo Sifooyinkiisu gaareen halka ugu saraysa dhamaystir iyo wanaag, mana jirto cid lala simo Allaah, waana Allaha maqla ha arka na wax walba. TIIRKA LABAAD: Rumaynta Malaa'igta waana khalqi(la abuure) aad u wayn, ilaahay kaliya ayaa garanaya awoodooda iyo tiradooda, mid walba oo malaa'iktaas kamida wuxuu leeyahay timlaamo iyo magacyo iyo shaqo u gaar ah, sida: Malaku Jibriil oo u xilsaaran soo dajinta waxyiga rabi, gaadhsiinayana rusushiisa.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1486324
Today
Yesterday
All days
42
2997
1486324
2026-01-29 00:39

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_697aac342cc2c11869537801769647156
title_697aac342cc7d16039168951769647156
title_697aac342cccc10707144251769647156
title_697aac342cd1910336084641769647156
title_697aac342cd664763075251769647156
title_697aac342cdb117538811931769647156

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_697aac343fc7020720151571769647156
title_697aac343fcc017034519541769647156
title_697aac343fd0d15677168011769647156
title_697aac343fd5915453429341769647156

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com