Kitaab gaaban oo faa'iida u leh Muslimka diinta ku cusub 

Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allaah Ee Naxariista Naxariis guud (Muslim iyo Gaalba) mid gaar ahna ugu naxariista Mu'miniinta (Maalinta Aakhiro) HORDHAC intaa kadib: Ilaahay wuxuu karaameeyay bani aadamka wuuna ka koryeelay in badan oo kamida uunkiisa, isaga oo ilaahay cadaynaya midaas wuxuu yiri: {Waxaa xaqiiq ah inaanu sharrafnay Binii Aadamka} wuxuu leeyahay magacyo Suuban, iyo tilmaamo ama sifaad koreeya, taasoo uu u sugay naftiisa, Nabiguna-sallallaahu calayhi wasalam- u sugay, waxayna gaartay halka ugu sareysa ee dhamaystirka iyo wanaaga, Mana jiro wax lamid ahi, waana maqal badane arkana wax walba. Ar-Raxmaan: Waa Allaha u saaxiibka ah naxariista ballaaran, ee deeqday wax walba. Al-Qadiir: Waa Allaha leh awood dhammaystiran, oo aanay haleelin caajis iyo daal midna. Al-Malik: Waa midka lagu tilmaamo sifooyinka weynaanta, qasbida, iyo maaraynta, ee hanta wax kasta, sida u doonana u maamula. Al-samiic: Waa Allaha leh maqal uu ku koobo wax walba oo la maqlo, hoos ha loo qarsado ama ha lagu dhawaaqee. As-salaam: waa kan ka nabad galay wax kasta oo nuqsaan ah, dhaawac iyo ceeb ah. Al-Basiir: waa kan araggiisu koobay wax walba, haba noqdo waxan bili'aadamku dheehan karine, waan amid u leh khibrad garasho iyo khibrad wixii qarsoon. Al-Wakiil: waa Allha damaanad qaaday quudka khalqigiisa, ee daryeela arimahooda, inta Awliyadiis ahna ugargaara, oo u fududeeya arrimahooda. Al-khaaliq: waa midka bilaabay abuurka, cid uga horumartayna jirin isaga hortii. Al-Ladiif: Waa maamuusa addoomihiisa, ee u naxariista, siiyana codsiyadooda. Al-Kaafii: Waa kufilnaha addoomihiisa wax walba oo ay u baahan yihiin, ee lagaga deeqtoomo kaalmadiisa cid walba oo kasoo haray. Al-Qafuur: waa Dambi dhaaf badane ka ilaaliya addoomihiisa sharka dambiyadooda, mana ku ciqaabo danbigaa uu u dhaafay. Ruuxa muslimka ahi waa mid ka fikira cajaa'ibta ku duugan abuurka Eebe, iyo sida uu u daryeelay inta uu abuuray, yar iyo waynba, uguna fududeeyay helitaanka quudkooda, Ilaahaas ayaa xumaan oo dhan ka nasahan, Allaha leh tudhaalaha iyo dhibrinta, naxariistiisuna hormuud u tahay inuu u fududeeyo qaab nololeedkooda, waliba iyagoo ah kuwo tabar yar. Nabigaygu waa Muxamed scw

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1411983
Today
Yesterday
All days
2031
2149
1411983
2025-12-20 10:39

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69467cd2c0e9a4825707831766227154
title_69467cd2c0f083437688301766227154
title_69467cd2c0f5c13060362801766227154
title_69467cd2c0fab4329080841766227154
title_69467cd2c0ff8261862751766227154
title_69467cd2c10456251497121766227154

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69467cd2dc34a17019974461766227154
title_69467cd2dc39c20962583811766227154
title_69467cd2dc3c314712046471766227154
title_69467cd2dc41019355575321766227154

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com