Kitaab gaaban oo faa'iida u leh Muslimka diinta ku cusub 

Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allaah Ee Naxariista Naxariis guud (Muslim iyo Gaalba) mid gaar ahna ugu naxariista Mu'miniinta (Maalinta Aakhiro) HORDHAC intaa kadib: Ilaahay wuxuu karaameeyay bani aadamka wuuna ka koryeelay in badan oo kamida uunkiisa, isaga oo ilaahay cadaynaya midaas wuxuu yiri: {Waxaa xaqiiq ah inaanu sharrafnay Binii Aadamka} wuxuu leeyahay magacyo Suuban, iyo tilmaamo ama sifaad koreeya, taasoo uu u sugay naftiisa, Nabiguna-sallallaahu calayhi wasalam- u sugay, waxayna gaartay halka ugu sareysa ee dhamaystirka iyo wanaaga, Mana jiro wax lamid ahi, waana maqal badane arkana wax walba. Ar-Raxmaan: Waa Allaha u saaxiibka ah naxariista ballaaran, ee deeqday wax walba. Al-Qadiir: Waa Allaha leh awood dhammaystiran, oo aanay haleelin caajis iyo daal midna. Al-Malik: Waa midka lagu tilmaamo sifooyinka weynaanta, qasbida, iyo maaraynta, ee hanta wax kasta, sida u doonana u maamula. Al-samiic: Waa Allaha leh maqal uu ku koobo wax walba oo la maqlo, hoos ha loo qarsado ama ha lagu dhawaaqee. As-salaam: waa kan ka nabad galay wax kasta oo nuqsaan ah, dhaawac iyo ceeb ah. Al-Basiir: waa kan araggiisu koobay wax walba, haba noqdo waxan bili'aadamku dheehan karine, waan amid u leh khibrad garasho iyo khibrad wixii qarsoon. Al-Wakiil: waa Allha damaanad qaaday quudka khalqigiisa, ee daryeela arimahooda, inta Awliyadiis ahna ugargaara, oo u fududeeya arrimahooda. Al-khaaliq: waa midka bilaabay abuurka, cid uga horumartayna jirin isaga hortii. Al-Ladiif: Waa maamuusa addoomihiisa, ee u naxariista, siiyana codsiyadooda. Al-Kaafii: Waa kufilnaha addoomihiisa wax walba oo ay u baahan yihiin, ee lagaga deeqtoomo kaalmadiisa cid walba oo kasoo haray. Al-Qafuur: waa Dambi dhaaf badane ka ilaaliya addoomihiisa sharka dambiyadooda, mana ku ciqaabo danbigaa uu u dhaafay. Ruuxa muslimka ahi waa mid ka fikira cajaa'ibta ku duugan abuurka Eebe, iyo sida uu u daryeelay inta uu abuuray, yar iyo waynba, uguna fududeeyay helitaanka quudkooda, Ilaahaas ayaa xumaan oo dhan ka nasahan, Allaha leh tudhaalaha iyo dhibrinta, naxariistiisuna hormuud u tahay inuu u fududeeyo qaab nololeedkooda, waliba iyagoo ah kuwo tabar yar. Nabigaygu waa Muxamed scw

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1718548
Today
Yesterday
All days
1353
1367
1718548
2026-05-14 22:07

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a064662749d29159093731778796130
title_6a06466274a2320978370231778796130
title_6a06466274a6f687213591778796130
title_6a06466274abb287875721778796130
title_6a06466274b05644894631778796130
title_6a06466274b5010240902711778796130

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a0646628805e9352866941778796130
title_6a064662880af13660548061778796130
title_6a064662880fc21218760421778796130
title_6a0646628814720481640441778796130

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com